Hargeysa, 16 July, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka shaaca ka qaadday inay jiraan goobo dalka ka mid ah oo ay ku aasan tahay noocyo Sumaha ka mid ah, in kasta oo aanay xusin meelaha ay dalka kaga aasan yihiin, noocyada ay ka kooban tahay suntu iyo Cidda ku aastay toona.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Prof Geedoole, Agaasimaha Guud ee wasaaraddaas oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan hay’adda FOA iyo shirkadda Black Smith ee hawsha fulinaysa, waxa ay shalay booqeen xarunta keydka Sunta Ayaxa oo ay indho-indhayn ku sameeyeen.
Wasaaradda Beeraha Somaliland oo kaashanaysa hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Cuntada iyo Beeraha ee FOA, ayaa kulan qorshe lagu baabiinayo Xaruntan iyo Sunta ku keydsan oo saamayn taban ku haya deegaanka iyo dadka, waxaana hawsha lagu burburinaya qandaraaskeeda qaadatay shirkad lagu magacaabi Black Smith oo wasaaradda Beeraha kala shaqaynaysa tirtirista Sunta ku keydsan xarunta.
Wasiirka Wasaaradda Beeraha Somaliland Prof Geedool, ayaa ka hadlay qaabka loo marayo burburinta sunta, waxaanu yidhi, “Suntan Daraamyaa lagu ridayaa, dabadeedna Koontiinar baa lagu xeraynayaa, meel baa lagu xafidayaa, marka dambena waddankaa laga saari doonaa, ma noqonayso Sun waddan lagu aaso, qorshuhuna waa sidaas.”
“Meelo kale oo ay Sun ku aasan tahayna way jiraan, iyagana waanu ka fekeri doonaa sidii aanu hawshaas isaga kaashan lahayn FOA ee wax looga qabanayo,” ayuu yidhi Md Geedoole.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “Waxaanu dadweynaha reer Hargeysa ogeysiinaynaa in hawsha halkan ka socota ee suntaa la xafidayo iyo hawlahaas lagu jiro.”
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Beeraha Somaliland oo warbaainta isaguna halkaas ku taalo xarunta Keydka u ahaan jirtay Sunta Ayaxa, ayaa faahfaahiyey qorshaha lagu baabiinayo xaruntan.
“Waa Xarunta Ayaxa ee ahaan jirtay xarunta Geeska Afrika oo dhan laga kaantaroolo Ayaxa taas oo dagaalladii Sokeeye Burburtay, mar labaad dib-u-habayn lagu sameeyey oo haddana burburtay dagaaladii hore, maanta ujeeeddada aanu halkan u nimi waxa weeye in suntan la baabiiyo.
Sarkaal ka socday hay’adda FOA oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay wasaaradda Beeraha Somaliland kala-qaybqaadanayaan baabiinta suntan Ayaxa oo deegaanka saamayn taban ku yeelatay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment