
Ciidamo dheeraad ah oo loo qorsheeyey in lagu biiriyo Hawl-galka Midowga Afrika ee AMISOM, lana doonayey bishan dabayaaqadeeda in laga keeno dalka Sierra Leone, ayaa la joojiyey si looga hortago in xannuunkaasi uu soo gaadho gobolka Geeska Afrika, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidamada AMISOM.
Agaasimaha Guud Hay’adda Qaramamada Midoobay u qaabilsan Caafimaadka Adduunka ee WHO Dr Margaret Chan, ayaa kulan ay isugu yimaaddeen shalay madaxweynayaasha Afarta Waddan ee xannuunkani saameeyey, waxa uu ka sheegay in fiditaanka Cudurka Ebola uu ka dheereeyey dedaallada lagu doonayo in lagu xakameeyo.
Kulanka madaxweynayaasha Afarta waddan ee Guinea, Nigeria, Liberia iyo Sierra Leone oo ka dhacay caasimadda dalka Guinea ee Conakry shalay Jimcihii, waxa ay Dr Chan kaga dhawaaqay xaalad deg-deg ah oo lagu waajaho saamayn cudurkaasi ku yeesho waddamada kale ee qaaradda Afrika. “Haddii xaaladdu sidan ka sii xumaato, waxa ka dhalan doonta masiibo bani’aadamnnimo oo saamaysa xidhiidhka dhaqan-dhaqaale ee dalalka qaaradda iyo khatar ka dhalata in cudurku ku faafo waddamada kale,” ayey tidhi haweenayda madaxda ka ah WHO.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay diyaareen 100 Milyan Dollar oo lagaga hawl-galayo la-dagaalanka Viruska Ebola, taas oo lagu kharash-garayn doono xarumaha iyo shaqaalaha caafimaad ee waddamada uu xannuunnkani sida ba’an u saameeyey.
Dhinaca kale, waxa la hakiyey kulamo qayb ka ah is-reeb-reebka ciyaaraha waddamada ku jira Daladda Barwaaqo-sooranka ee Qaaradda Afrika, kuwaas oo qaarkood ka qabsoomi lahaayeen waddamo ka tirsan Galbeedka Afrika, taas oo soo baxday ka dib markii mid ka mid ah ciyaartoyga dalka Sierra Leone lagu arkay astaamaha cudurka Ebola.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment