
Dad goob-joogayaal ahaa, ayaa Weriyeyaasha u sheegay in dabley ku sugaysay gurigiisa agtiisa, markii uu ka soo noqday ama laabtay Masaajidka Marwaas oo uu ku soo tukaday Salaaddii Jimcaha ee shalay, ka dib ay Rasaas ku fureen Xildhibaanka isagoo isla goobtaas ku geeriyooday.
Allaah Naxariistii Janno haka waraabiyo Marxuumka, ee waxaa Masuuliyadda dilkiisa sheegatay Malleeshiyada Al-Shabaab ee ugaadhsiga ku haysa Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, sida uu xaqiijiyey Afhayeen u hadlay Malleeshiyadaas Nabad-diidka ah ee Al-Shabaab.
Afhayeenka Howlgallada Argagixisannimo u qaabbilsan Malleeshiyada Al-Shabaab Sh. Cabdulcasiis Abuu Muscab, ayaa sheegay in Malleeshiyadooda gaarka ahi ay toogasho ku dileen Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Deer. “Ciidammada Mujaahidiinta ayaa gudaha Muqdisho ku dilay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha sheegay inuu yahay sharci-dajiye, waana sii socan doonaan howlgallada lagu cidhibtirayo cadowga.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Hawlaha Argaggixisada u qaabbilsan Malleeshiyada Al-Shabaab Abuu Mascab.
Afhayeenka hawlgallada Argaggixisada Al-Shabaab, ayaa sheegay inay ka go’an tahay oo hadafkoodu yahay inay sii wadaan dilalka Xildhibaannada Baarlamaanka inta ay ka dhammaynayaan sida uu hadalka u dhigay, isagoo ku andocooday inuu Baarlamaanku yahay ka sharciyeeyey inay Ciidammada nabad-ilaalinta Midawga Afrika ee AMISOM Soomaaliya ku sugnaadaan oo ay hawlgallo ciidan ka fuliyaan.
“Alle ha idin barakeeyo ayaan leennahay Mujaahidiinta gobolka Banaadir ku sugan. Waxaana ka go’an inay beegsiga Xildhibaannada sii wadaan, ayna ku beegsadaan meel walba oo ay ka heli karaan. Waxaana sharciyada ay hore u dejiyeen ka mid ah inay dalka soo galaan Ciidammada shisheeyaha ah.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka hawlgallada argaggixisannimo u qaabbilsan Malleeshiyada Al-Qaacida ka tirsan ee Al-Shabaab SH. Cabdilcasiis Abuu Mascab.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ka hadlay dilka Xildhibaanka, isla markaana si kulul u cambaareeyey weerarka lagu dilay oo ay ku tilmaameen mid xaq-darro ah oo ay Argaggixisada Al-Shabaab soo maleegtay, waxaanay Tacsi u direen, Qoyska, Ehelada, Qaraabada, Asxaabta, Xildhibaannada Baarlamaanka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed oo ay ka tacsiyadeeyeen dilka lagu khaarajiyey Marxuum Xildhibaan Sheekh Aadan Sheekh Maxamed Deer oo ay Allaah uga baryeen inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo.

Xildhibaankan shalay lagu dilay magaalada Muqdisho ee Marxuum Sheekh Aadan Sheekh Maxamed Deer, ayaa noqonaya Xildhibaankii saddexaad ee tan iyo bishii Ramadaan ay Al-Shabaab ku disho gudaha magaalada Muqdisho, waxaana ka horreeyey Allaah ha u naxariistee Xildhibaan Saado Cali Warsame iyo Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd oo labadoodaba ay Al-Shabaab Muqdisho ku dishay intii lagu gudo jiray Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan ee toddobaadkii hore dhammaatay.
Waxa sidoo kale, isla magaalada Muqdisho lagu dilay habeen-hore Turjubaan la shaqaynayey Ciidammada Nabad-ilaalinta Midawga Afrika ee AMISOM ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, Turjubaankaas oo Magiciisa lagu soo kobo Cabdinaasir, kaasoo ay Kooxo Baastoolado ku hubaysani ku dileen Suuqa Xoolaha ee magaalada Muqdisho.
Goob-joogayaal ayaa sheegay in laba nin oo Bastoolado ku hubeysani ay ka dambeeyeen dilka Turjubaankaas, kuwaasoo baxsaday dilka ka dib, iyagoo Saraakiil ka tirsan Ciidammada dawladda ay dilkan ku eedeeyeen Al-shabaab. Waxaanay dilalkani qayb ka yihiin dilal taxane ahaa oo Muqdisho ka dhacayay tan iyo Bishii aynu soo dhaafnay ee Ramadaan, oo ay Kooxda Al-Shabaab la beegsanaysay Masuuliyiinta dawladda, Xildhibaannada Baarlamaanka, Ciidammada kala duwan ee dawladda Soomaaliya iyo cidkasta oo ay u arkaan inay u janjeedhaan ama taageeraan dawladda Soomaaliya iyo Ciidammada AMISOM.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment