Saturday, August 2, 2014

Hagardaamooyin Uu Shacabka Somaliland hore ugu Geystay Taliyaha Booliska Somaliya Oo Warbaahinta Dunidu Caddaymaheedii Soo Bandhigtay

Toronto:Aug,02,2014(Himilo)-Iyadoo ay warbaahinta Caalamka iyo kuwa soomaaliduba si weyn u hadal hayso Tacaddiyo uu Taliyaha Cusub ee Boliska Somalia dhawaan loo magacaabay geystay xilliyadii taliskii Siyaad Barre, ayaa waxa arrintaas caddaymaheedii badka Keenay Wargeys laga Leeyahay Dalka Canada.

tytWargeyska The Star ee Dalkaas Canada ka soo baxa ayaa daabacay warbixin dheer oo ciwaan looga dhigay “Taliyaha Ciidamada Booliska dowlada Canada waxay u aqoonsan tahay Dambiile” ,wuxuuna wargeyska  hadalkiisa ku sii daray in Mohammed Hassan Ismail Farah oo ah taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya uu jidhdil u geystay dad maxaabiis ahaa intii ay jirtay dowladaii dhexe ee uu hogaaminaye Allaha u naxariistee Mohamed Siyad Barre,sanadkii 1980-kii.iyadoo dadkaasina ahaayeen dadka  dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland oo uu xilligaas saraakiishii ka shaqanaysay ka mid ahaa.

Taliye Mohammed Hassan Ismail Farah ayaa Soomaaliya ka soo tagay sanadkii 1991 markii ay burburtay dowladii Soomaaliya,isagoo u soo baxay dhanka Mareykanka kuna sugnaa muddo 7-bilood ah ka hor inta aanu dalka Canada gudaha u galin si qaxootii ahaan ah. Waxana si isdaba joog  ah uu iskugu dayey inuu ka galgasho tacaddiyo uu galay xilliyadii uu ka tirsanaa taliska awoodda badnaa ee Siyaad barre.

Sida laga soo xiganayo cadaymo rasmi ah oo ay soo saartay  maxkamada Federaaliga ah ee Toronto  ayaa lagu sheegay in taliyuhu uu xadgudubyo sameeyay intii uu ka tirsanaa dowlada Soomaaliya.

Yussuf Mohamed Issa oo ka tirsan dad markhaati ahaan loo soo xiganayo  ayaa tilmaamay in taaliyaha uu la kulmay 3-bilood oo uu xabsi ku jiray ka hor inta aanu ka qeyb qaadan dibad bax arday ay soo qaban qaabiyeen oo ka dhacay Hargeisa  sanadkii 1984 , Issa ayaa sheegay in taliyuhu uu qeyb ka ahaa waaxda dambi baaadhista ee CID, balse Mr Farah ayaa sheegay inuu ka tirsanaa waaxda la dagaalanka Maandooriyaha.

 

 

 

Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa beeniyay eedeymaha ah inuu dambiyo geystay islamarkaana sanadkii 1984 inuu ku sugnaa Hargeisa.

 

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment