
Wargayska ayaa sidoo kale Xusay in Maxamad Siciid Atom uu yahay nin ay ka amar qataan Maleeshiyaad aad u tira yar oo ku sugan gobalka Sanaag waxaana warbixinta wargayska Newindianexpress lagu sheegay in Atom uu hubka iyo agab kale oo Milatari uu ka keensado dalalka Yemen iyo Eretria.
Wargayska ayaa sidoo kale xusay in isna shaqsi kale oo lagu magacaabo Fares M Manna oo u dhashay dalka Bulgaria, in uu yahay shaqsiga umu muhiimsan ee hubka sida suuqa madow uga kala iibiya bariga dhexe iyo wadamada Africa waxaana uu wargayska leeyahay waxaa isna lagu eedeyaa in hub uu ugu deeqo dhaq dhaqaaqyo Shabakada AL-Qaacida ku xidhan oo ay ka mid tahay Xarakada Al- Shabaab ee Soomaaliya ka dhisan.
Waxaa sidoo kale shaqisyaadka suuqa madow hubka uga ganacsada oo Wargayska uu soo daabacay ka mid ah Adnan Khashoggi oo u dhsahay dalka Sacuudiga Semion Mogilevich oo u dhashay dalka Ukraine, Viktor Bout oo u dhashay dalka Ruushka ,Slobodan Tesic oo u dhashay dalka Serbia Sarkis Soghanalian oo ka soo jeeda dalka Lubnaan iyo Monzer al-Kassar oo asna ka soo jeeda dalka Suuriya waxaana dhamaantood ay ka soo muuqdeen Warbixin loogu wanqalay Aabayaasha waawayn ee hubka ka ganacsadda laguna daabacay boga hore ee Wargayska Newindianexpress ee ka soo baxa dalka Hindiya.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment