Dalka Singapore waa jasiirad yar oo ka kooban hal magaalo (Island City-State). 1963 Waxay ka xorowday boqortooyadii Ingriiska waxaanay ku biirtay dalka Malaysia, hase ahaatee 1965 waxa laga saaray ama laga eryay midowgii labada dal markii khilaaf soo kala dhex galay.
Waxa lays waydiiyay sida ay Singapore u sii jiri karto iyada oo aan la midoobin dal kale; Jawaabta shaki la’aan laysku raacay waxay noqotay MAYA, kaligeed ma sii noolaan karto.
Hase ahaatee hoggaamiyihii Singa pore ee wakhtigaa LEE KUAN YEW wuxuu go’aansaday inuu beeneeyo malaha khubarada oo uu suurto geliyo waxaan suurto gal ahayn.
Wuxuu dajiyay qorshe ballaadhan oo dhamaystiran oo lagu xaqiijinayo Singapore inay noqoto dal jira iyo waliba inay ka mid noqoto waddamada horumaray waxase loo arkayay riyo been ah iyo hindisayaal mala awaal ah.
Qorshayaashii Mr Lee waxa ka hor yimid caqabad adag oo marka hore u baahan in xal loo helo oo ah: Singapore waxa ku wada noolaa saddex qoomiyadood oo kala jinsi ah, kala dhaqan ah, kala diin ah oo kala af ah oo mid kastaaba dhinaca ku hayo daacadna u ah waddanka uu asal ahaan ka soo jeedo oo kala ah China, Malaysia iyo India.
Mr Lee Riyadiisa ma rumayn karo ilaa uu qawmiyadahan ka dhigo ummad reer Singapore ah oo ku abtirsada dalkooda.
Waa imtixaan adag wuxuuse guulaystay markii uu helay furihii uu ku midayn lahaa ama laysku aamini lahaa oo ah in si dhab ah loogu maamulo si siman iyo caddaalad, markaas ayay Singapore samaysay waxaan la samayn karin oo mucjiso lagu tilmaami karo (They achieved the unachievable).
Lee Kuan Yew mar la waydiiyay sida dalkiisu u gaadhay horumarka intaa leeg, wuxuu ku jawaabay “Haddaan ku soo gaabiyo laba eray oo qudha, waxaan odhan lahaa caddaalad iyo Isku kalsooni (If I have to choose two words to explain, why Singapore succeeded, they are Justice and Confidence).
Aan u soo noqono nuxurka qoraalka Somaliland waxay qayb yar ka tahay qoomiyada ballaadhan ee Soomaalida, waa ummad isku dhaqan ah, isku diin ah oo isku af ah, bulshadu dhamaantood waa xigto iyo xigaal, sidaa awgeed waa wax la hubo midnimadoodu haddii aan laga shaqayn in la kala furfuro waliba madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud iyo masuuliyiinta kale ee qaranku markasta iyo goob kasta waxay dadwaynaha ugu baaqaan ama ku celceliyaan in midnimada la adkeeyo iyo nabad-gelyada qaaliga ahna la ilaaliyo.
Runtii waa hadal aad u wanaagsan, waa talo waayeel oo loo baahan yahay, waana inta Soomaalida kale aynu dheer nahay, muwaadin kastana waa ku waajib inuu ku guubaabiyo dadka inta uu gaadhi karo laakiin shicibka haddii laga rabo midnimo madaxda iyagana maxaa laga rabaa? Waxa laga rabaa hoggaamin fiican iyo dadkooda inay ku dhaqaan Caddaalad oo sharciga loo sinnaado, shaqooyinka loo sinnaado, deroojinka loo sinnaado oo qandaraasyada iyo fursadaha kaleba loo tartamo oo la joojiyo qaraabo-kiilka iyo in aan muwadiniinta awoodda dawladda qaarna lagu soo dhawayn qaarna lagu daadafayn.
Haddaba waa sidee xaalada Cadaaladda Somaliland? Marka caddaalad la soo hadal-qaado waxa laga yaaba in markiiba waxa maskaxdaada ku soo dhacaa yahay hay’adaha garsoorka laakiin caddaalad-darrada dadka oo dhan saamaysaa waxay ka timaddaa hay’adda-fulinta ama xukuumadda gaar ahaan wasiirrada qarkood oo si aan xishood lahayn ugu kala eexda ama u kala sooco bulshadii in uu u shaqeeyo loo igmaday.
Soomaalidu waxay tidhaahdaa Fule xantii ma mooga; Madaxweyne, dadweynuhu waxay kugu xantaan inaad raalli ka tahay dhaqanka iyo ficillada gurracan iyo awoodda xad-dhaafka ah ee masuuliyiinta qaranka qaar ka mid ah maadaama aad waxba ka qaban wayday.
Si kastaba ha ahaatee, haddii caddaalad la waayo midnimada bulshadu way dhantaalamaysaa, haddii midnimo la waayana horumar la gaadhi maayo nabadduna ma waarto.
Bal u fiirso waddamada dagaallada sokeeye iyo colaaddu ka aloosan tahay ee xasili waayay iyo sababaha keenay oo ay caddaalad-daradu kow ka tahay.
Madaxweyne, waxaan u malaynaa inaad rumaystay ammaanta beenta ah iyo borobagaandhada warbaahinta dawladda laakiin Somaliland waxay maraysaa jid qaldan, waxaanay ku socotaa jiho qaldan.
Madaxweyne, dadku kaamay wada quusan, adiguna kama aad quusan wali waxaad haysataa fursad aad isbeddel ku samayso oo dalku ku badbaadi karo kaliya waxaad u baahantahay geesinimo iyo in aad ku dhiirrato.
Cabdiraxmaan Cadami
abdrahamanadami@yahoo.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Friday, October 31, 2014
Ukrain Oo Dib U Helaysa Gaaskii Hore Ruushku Uga Joojiyey
Kiev:Oct,31,2014(Himilo)-Dalka Ruushka ayaa markii ugu horraysay Ogolaaday inuu dib u celiyo Gaaskii uu siin jirey Dalka Ukrain oo ay hore uga Joojiyeen, kadib is af garanwaa labada dhinac dhex maray.
Ruushku waxa uu ogolaaday in uu dib u bilaabo gaaskii uu u dhoofin jiray Ukraine, waxa uuna qayb ka yahay heshiis ay dhexdhexaadiyeen Midawga Yurub, kaas oo labada dhinacba faa’iido ay ku heli karaan.
Xukuumadda Ruushka ayaa joojisay shidaalkii ay u dhoofin jirtay Yukraine dhawr bilood kahor, sababtuna waxa weeye Ukraine oo iska bixin wayday daymo ay daymo ay Ruushku ku yeesheen.
Heshiiskan waxaa kale oo uu ogolaanayaa in shidaalku uu sii dhexmaro Ukraine oo wadamo kale oo qaarada Yurub ah laga iibiyo, waxana ay hore Gaaska Ruushku marin ugu ahayd dalal badan oo yurub ah.
Madaxa arrimaha shidaalka ee Midawga Yurub Guenther Oettinger ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in Ukraine ay awoodi doonto in ay iska bixiso kharashaadka shidaalka ay u baahantahay.
Waxa uu intaas ku daray in arrintan ay noqon karto talaabo yaraysa xasaasiyada ay kala qabaan Ruushka iyo Ukraine.
Himilo Media

Xukun Soddon Sano ah Oo Lagu Riday Nin Guursaday 21-Haween ah
Juresalem:Oct,31,2014(Himilo)-Nin u dhashay dalka Isra’il oo la sheegay inuu Guursaday Haween tiradoodu gaadhayso ilaa 21, ayaa lagu riday xukun soddon sano oo xadhi ah.
Jowhn Retson oo ah ninka Dawcaddan lagu soo oogay, ayaa waxaaa uu khaadiga maxkamada xukunka riday sheegay inuu guursaday 21 gabdhood sheegtayna inuu yahay Mahdiga lasugayo, ninkan ayaa sheegay inay gabdhahani xorriyadooda kula noolaayeen oo aanu isagu qasbin.
Hadal heynta Jown Reston ayaa waxaa si weyn looga hadal hayaa gudaha magaalada Talabiib, mid kamid ah xaasaskii uu qabay ninkan ayaa sheegtay inuu u sheegay inuu yahay Mahdi.
Sidoo kale ninkan Odayga ah ayaa lagu eedeeyay inuu xaasaskiisa kamamnuucay inay cunaan Hilibka, iyo inay sigaarka cabaan.
Xukunkan gaadhaya 30 sano ayaa waxaa uu qaadigu ku sheegay inay tahay ku xad gudubka uu ninkan ku sameeyay Diinta ay aaminsan yihiin Yahuuda oo sheegeysa in qofka loo ogol yahay kaliya inuu hal xaas yeesho.

Weerarro Shabaabku Ku Qaadaan Dalka Burundi Oo Laga Digay
Bujunbura:Oct,31,2014(Himilo)-Maraykanka ayaa soo saaray Digniin ku aaddan Weerarro Shabaabku qaadaan Dalka Burundi oo ciidamo ka joogaan Somalia.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa sheegtay in al-Shabaab ay rabaan in ay weeraro ka fuliyaan Burundi oo kamid ah waddamada ciidamada nabad ilaalineed u direy Soomaaliya.
Mareykanka ayaa uga digay muwaadinintiisa in ay u safraan wadankaas iyadoo shaqaalaha safaaradda la faray in aanay socon xilliyada habeenkii.
Kooxda al-Shabaab ayaa weeraro ka fuliyey wadamada Kenya, Djibouti iyo Uganda oo ay ciidamo ka joogaan dhulka Soomaaliya.
Shabaabka ayaa hore weeraro dad badani ku dhintee ka fulisay Dalal ku yaalla Afrika oo ciidamadoodu ka joogaan Somalia, waxana dalalkaasi ay qabaan cabsi aan kala go’ lahayn.

Meydka Talihii Hore Boliska Somalia Oo Nairobi Loo Duuliyey iyo Sababta Loo Aanaynayo
Muqdisho:Oct,31,2014(Himilo)-Waxa Goor Dhaweyd Garoonka Caalamig ah ee Aadan cadde laga dhoofiyey Meydka Alle ha u naxariistee Taliyihii Hore ee Ciidanka Boliska Somalia oo shalay si kedis ah u geeriyooday.
Meydka Taliyaha ayaa looo dhoofiyey dhinaca Magaalada Nairobi, waxana la doonayaa ina lagu sameeyo baadhitaano la xidhiidha sababta dhimashadiisa keentay.
Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa raacday diyaarada lagu qaaday Meydka Marxuunka sida ay saxaafadda u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa si buuxda u sheegay in sababata meydka loogu qaaday dalka Kenya ay tahay in Baadhitaano lagu sameynayo si loo ogaado waxyaabaha uu sababsaday ama uu dhintay Taliyaha.
Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Taliyihii Ciidamada Booliska Soomaaliyeed la siiyay Sun, kadibna uu u geeriyiiday, waana taas mida Sababtay in meydkiisa la qaado, hase yeeshee ma jiro wax xaqiijinaaya arrintaasi.
Taliyaha ayaa shalay galabtii si kedis ah ugu dhex dhacay Maqaaxi uu shaah Ka Cabayey, waxana uu isla-markiiba ku geeriyooday Cisbitaalkii Xanuunkiisa loo geeyey.

Thursday, October 30, 2014
Dagaalyahano U Jibaysan Ururka Daacish Oo Diiwaangelintoodu Muqdisho Ka Socoto
Muqdisho:Oct,30,2014(Himilo)-Wararka laga Helayo Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Halkaas laga diiwaangeliyo Boqolaal Dhallinyaro ah oo la Dhacsan Dagaallada ururka Daacish wado, kuwaas oo doonaya inay gaadhaan Dalalka Ciraaq iyo Syria.
Sarkaal Sare oo ka tirsan Ururka Al-shabaab, ayaa qaarkamid ah Warbaahinta u sheegtay in dadka buugaasi lagu diiwaan galiyo loo qeybin doono laba garab, garabka koowaad waxa ay ku biiri doonaan Kooxda daacish, halka garabka labaadna ay wakiilo uga ahaan doonaan Somalia.
Sidoo kale, Sargaalkani ayaa waxa uu walaac adag ka muujiyay Jabka xiligaani ku yimid Alshabaab, balse waxa uu suuragal ka dhigay in xili waliba ay la midoobi karaan Kooxda ISIS.
Ma aanu sheegin goobaha ay ka socto diiwaangalinta iyo go’aanka kaga aadan maleeshiyada, inkastoo uu carabka ku dhuftay in dhalinyarada la diiwaan galiyo ay badi u safri doonaan Ciraaq iyo Syria.
Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Imaaraadka Carabta Sheik Abdullah bin Zayed Al Nahyan ayaa ka digay xidhiidh dhex mara ururka IS iyo Alshabaab isagoo sheegay in loo baahan yahay in laga hortago arrintaasi sida uu sheegay.
“Waxa dhabtii na cabsi gelinaya waa waxa aan ka aragno Daacish,waxaan kaloo ka cabsaneynaa xiriir wadashaqeyn ah oo dhex mara IS iyo Alshabaab?”ayuu yidhi Sheik Abdullah oo ka hadlayay furitaanka shirweyne loogaga hadlayo kahortagida budhcadbadeeda.

Madaxweyne Gaas Oo Ku Taliyey In Shacabka Reer Sool Laga Qaado Afti Masiirkooda La Xidhiidha
Garowe:Oct,30,2014(Himilo)-Madaxweynaha Maamul-goboleedka somaliyeed ee Puntland Cabiweli Maxamed Cali(Gaas), ayaa soo jeediyey in baahi loo qabo in afti ku saabsan cidda ay jecel yihiin inay raacaan laga qaado shacabka deggen Gobolka Sool oo maamulkiisu sheegto inuu ka tirsan yahay.
Madaxweyne Gaas waxa uu sheegay inuu si dhab ah u doonayo in shacabkaas la weydiiyo rabitaankooda si loo ogaado inay somaliland rabaan iyo Inay Puntland rabaan, waxana uu intaas raaciyey inuu soo dhaweynayo haddii ay Go’aan ku gaadhaan inay dhinaca somaliland jeclaystaan.
Waxa kale oo uu ka hadlay halka ay ku dambeeysay Hanjabadiisi ahayd in aanay gacanta Puntaland Laascanood kaga bixin faataxo isla markaan uu awood ku soo celindoonto haddii uu madaxweyne ka Noqdo Puntland.
Sidaasi waxa uu ku sheegay mar uu u warameyey Telefeshinka Afka Somaliga ku hadla ee la yidhado Somali Channal TV.
Madaxweyne Gaas yaa ugu horeyn la waydiiyey madaama uu markii oloolaha Madaxtinimada Maamulkiisa ku jiray ku dhaartay in uu Dib ugu soo celindoono Gacanta Puntland Laascanood oo uu hore u sheegay in aanay Laascanood Faataxo ku taggin kuna soo noqondoonin Faataxo balse uu awood ku soo celindoono halkii ay ku danbeeysay Hanjabadiisu. “Aniga Cabdiwali Ahaan Puntland ma dhisin ee waxan u imid iyada oo dhisan oo aan madaxweyne u noqday laakiin Laascanood Dasturka Puntland ee aan ku dhaartay ayey ka mid tahay sidaasi daraadeedna inta Maamulka Puntland aan madaxda ka ahay gacantayada waan ku soo celinayaa Laascanod mar labbadna waan kugu celinayaa hadalkaasi”Ayuu yidhi Gaas.
Cabdi wali Cali Gaas ayaa la waydiiyey Madama dadka reer Laascanood aan awood lagu haysan oo calanka Somaliland uu ka babanayo Laascaanod sababta uu ugu diidan yahay Masayrkooda ay ku doorteen in ay Somaliland ka mid noqdaan, Waxaanu kaga jawaabay “Anigu waxaan ogolahay in Afti laga qaado dadka reer laascaanod oo la yidhaahdo Ma Somaliland baad rabtaan mise Puntland anigu arrintaasi Raalibaan ka ahay laakiin siilanyo raali kama noqonayo.”Ayuu yidhi Madaxweyne Gaas.
Madaxweyne Gaas oo ay marar badan meelo fagaare ah ka sheegay inuu Deegaannada Sool iyo qaybo sanaag kamid ahi ay ka tirsan yihiin Maamulkiisa, balse wali wax tallaabo ah oo uu deegaankaas kusoo farogelinayo ma uu qaadin.

Doorashooyinkii Baarlamaanka Tunisia Oo Uu Guul Kasoo Hooyey Xisbi Cilmaani ahi
Tunis:Oct,30,2014(Himilo)-Doorashooyinkii Baarlamaaniga ahaa eek a dhacay Dalka Tunisia, ayaa waxa la sheegay inuu Guul kasoo hooyey xisbiga Cilmaaniga ah ee Nidaa Tuunis oo kamid ah axsaabta dalkaasi ka jira.
Xisbigan Nidaa Tuunis ayaa helay 85 kamid ah kuraasta Baarlamaanka oo ka kooban 217, inkastoo xisbigan uu helay inta badan kuraasta ayaanu hadan heysan kooramka Baarlamaanka taasi oo ku khasbeysa inuu dowlada Isbaheysi ku dhisan la sameysto xisbiyada kale qaarkood.
Xukuumada Tuunisiya ayaa waxaa hore u hogaaminayey Xisbiga Islaamiga ah ee ENAHDA kaasi oo xilka qabtay kadib doorashooyinkii dhacay markii xilka laga tuuray Hogaamiyihi hore ee dalkaasi Ben Ali oo xilka laga riday 2011.
Dalka Tunisia ayaa ah wadankii ugu horeeyey ee uu ka bilowday kacdoonkii Carabta sanadkii 2010, waxana markiiba laga qabtay doorashooyin natiijadoodu noqotay in xisbiga islaamig ah ee Annahda oo xidhiidh dhaw la leh Ikhaanka Masar uu talada qabto.

Dad la xidhnaa Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga oo Maxkamaddu sheegtay in Dembi lagu waayey oo Xabsiga dib loogu celiyey
Hargeysa, 30 Oct, 2014 (Himilo)- Laba Nin oo la xidhnaa Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Abbokor Aw Cismaan, balse uu Garsooraha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee Axaddii toddobaadkan xukunka ku riday Cabdillaahi Abbokor iyo Askarigii ilaalada u ahaan jiray uu sheegay in wax dembi ah lagu waayey oo ay Maxkamaddu Fasaxday, ayaa weli ku xidhan Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargeysa.
Labadan Nin oo la kala yidhaahdo Ismaaciil Cumar Aw Cismaan iyo Cabdi Muuse Aw Cismaan, ayaa la xidhay markii fadhiga Maxkamadda ee Xukunka lagaga dhawaaqay dhammaaday ee Maxkamadda laga soo baxay iyagoo fasixii dembi la’aanta ee Xaakinka Maxkamaddu ku dhawaaqay ku soo baxay oo markaa marayey waddada hor-marta Maxkamadda ama u dhaxaysa Maxkamadda gobolka iyo Beerta Xorriyadda, kuwaasoo lagu celiyey Xabsiga sida uu Wargeyska Himilo u xaqiijiyey Cabdillaahi Cumar Aw Cismaan oo ay labadaas nin midkood walaalo yihiin, ka kalena ilma-adeer yihiin.
Garsooraha qaadayey Dacwadda Wasiir Ku-xigeenkii Amniga ee Arrimaha Gudaha oo lagu magacaabo Xuseen Jaamac Belel, ayaa Saddex sano oo xadhig ah ku xukumay Cabdillaahi Abbokor iyo Askarigii ilaalada u ahaan jiray oo uu sheegay inay lix fadhi dacwaddooda dhegaysanayeen, isla markaana ay heleen Xukun caddaalad ah, inkasta oo aanay Qareenka xubnahan u doodayey iyo Xeer-ilaalinta oo Dacwadda ku soo oogtay midkoodna ku qancin xukunka ku dhacay labadan Xubnood ay Racfaan ka qaateen, haddana Xukunka Racfaanka laga qaatay ayaan la caddayn inay ku jiraan labada Xubnood ee Xaakinku sheegay in Dembi lagu waayey oo ay fasaxan yihiin.
Hase-yeeshee, Cabdillaahi Cumar Aw Cismaan, ayaa Weriye Wargeyska Himilo ka tirsan u sheegay in labadaas nin aan illaa hadda si rasmi ah loogu sheegin sababta dib loogu xidhay maaddaama oo ay Maxkamaddu fasaxday oo Xaakinka Kiiska gacanta ku hayey sheegay in wax dembi ah lagu waayey, intii Maxkamaddu socotayna aan laga sheegin inay xidhnaanayaan muddo kale ama inta Racfaanku ka dhammaanayo.
“Annagu illaa hadda ma garanayno sababta labadaas nin oo aannu mid walaalo nahay midka kalena ilma-adeer Xabsiga loogu celiyey ee dib loogu xidhay, iyaga oo markii Maxkamaddu fasaxday ee ay sidaas uga soo baxeen-ba dib loo qabtay, markii aannu Maxkamaddii dib ugu noqonnay maalmo ka dibna, waxa naloo sheegay in Xeer-ilaalintu dalbatay dib-u-xidhistooda, laakiin sababta dib loogu xidhay cid naga qancisa maannu arag.” Sidaa ayuu yidhi oo uu Himilo u sheegay Cabdillaahi Cumar Aw Cismaan.
Inkasta oo aannu isku daynay inaannu dhinacyada Maxkamadda iyo Xeer-ilaalinta gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa la xidhiidhno si aannu warkan dhinacooda wax uga weydiinno noomay suuragelin inaannu helno.

Maxkamadda Gobolka Togdheer oo Xukun ku ridday rag lagu qabtay Afar Boqol oo Litir oo Khamri ah
Burco, 30 Oct, 2014 (Himilo)- Maxkamadda gobolka Togdheer ee magaalada Burco, ayaa Xukun xadhig iyo ganaax lacageed isugu jira ku ridday Afar nin oo ay Ciidammada Ammaanku Salaasadii ku soo qabteen Afar Boqol oo Litir oo Khamri ah, kuwaasoo shalay ay Maxkamadda la horgeeyey.
Nimankan oo lagu soo eedeeyey inay Khamrigaas faraha badan ay doonayeen inay geliyaan magaalada Burco, ayaa laba ka mid ahi joogeen maxkamadda, halka labada kalena aan wali gacanta lagu dhigin, xukunkana lagu riday iyaga oo maqan.
Waxayna Maxkamada gobolka Togdheer ay ku xukuntay midkiiba Saddex sano oo xadhig ah iyo Sadex Milyan oo lacag, iyada oo Maxkamadda agteedana lagu gubay khamrigii lagu soo qabtay, waxaana goob-joog ka ahaa gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, Taliyaha Guud ee Qaybta Booliska iyo Masuuliyiinta Maxkamadda Gobolka Togdheer.
Xaakinka Maxkamadda gobolka Togdheer ee Kiiskan xukumay, ayaa sheegay in afarta nin ee Khamriga ku eedaysan laba ka mid ah Ciidanku gacanta ku soo dhigay, midkood ka baxsaday, ka afraadna yahay Ninka Lacagta Khamrigaas lagu soo iibiyey iska lahaa, sida uu caddeeyey mid ka mid ah labada nine e ciidanku gacanta ku dhigeen
“Maxkamaddu iyadoo dabbaqaysa qodobka 110, 116, 119, 114 iyo Qodobbada 3-4 ee Xeerka la-dagaallanka Mukhadaraadka (Maandooriyaha), waxay soo saartay Xukunkan, Afarta eedaysane ee labana joogaan labana maqan yihiin midkiiba saddex sano iyo saddex Milyan oo ganaax ah. Maxkamaddu waxay xukuntay Gaadhiga lagu soo qabtay Khamriga ee Seerafta ah boqolkiiba shan qiimaha Gaadhiga. Sidoo kale, Maxkamaddu waxay xukuntay in Khamriga la soo qabtay lagu gubo Maxkamadda horteeda, dhinicii ku qanci waaya xukunkan waxa uga furan Racfaan muddo soddon maalmood ah,” Sidaa ayuu yidhi Garsooraha Maxkamadda ee Xukunkaas riday.
Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye iyo Taliyaha qaybta Booliska Togdheer Gaashaanle Cabdi Muuse Cabdi, ayaa Ciidanka Ammaanka ee soo qabtay Maandooriyahan Ganacsiga loo waday sida ay uga hor-tageen in Magaalada la soo geliyo, isla markaana lagu mushkiladeeyo Shacabka reer Togdheer, iyagoo Ciidammada ku ammaanay hawlgalkaas.
Waxa ay labada Masuul sheegeen in cid kasta oo lagu qabto Maandooriyaha Khamriga ay mudanayso ciqaabta sharciyan xukunkooduna aanu iibsi lahayn, isla markaana ay Xabsiga ku dhammaysan doonaan wakhtiga xukunkooda. Waxaanay Masuuliyiinta Maamulka heer gobol, Booliska, Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda gobolka Togdheer si wada-jir ah Maxkamadda horteeda ugu gubeen dhammaan khamrigii lagu qabtay nimankaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Nimankan oo lagu soo eedeeyey inay Khamrigaas faraha badan ay doonayeen inay geliyaan magaalada Burco, ayaa laba ka mid ahi joogeen maxkamadda, halka labada kalena aan wali gacanta lagu dhigin, xukunkana lagu riday iyaga oo maqan.

Xaakinka Maxkamadda gobolka Togdheer ee Kiiskan xukumay, ayaa sheegay in afarta nin ee Khamriga ku eedaysan laba ka mid ah Ciidanku gacanta ku soo dhigay, midkood ka baxsaday, ka afraadna yahay Ninka Lacagta Khamrigaas lagu soo iibiyey iska lahaa, sida uu caddeeyey mid ka mid ah labada nine e ciidanku gacanta ku dhigeen
“Maxkamaddu iyadoo dabbaqaysa qodobka 110, 116, 119, 114 iyo Qodobbada 3-4 ee Xeerka la-dagaallanka Mukhadaraadka (Maandooriyaha), waxay soo saartay Xukunkan, Afarta eedaysane ee labana joogaan labana maqan yihiin midkiiba saddex sano iyo saddex Milyan oo ganaax ah. Maxkamaddu waxay xukuntay Gaadhiga lagu soo qabtay Khamriga ee Seerafta ah boqolkiiba shan qiimaha Gaadhiga. Sidoo kale, Maxkamaddu waxay xukuntay in Khamriga la soo qabtay lagu gubo Maxkamadda horteeda, dhinicii ku qanci waaya xukunkan waxa uga furan Racfaan muddo soddon maalmood ah,” Sidaa ayuu yidhi Garsooraha Maxkamadda ee Xukunkaas riday.
Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye iyo Taliyaha qaybta Booliska Togdheer Gaashaanle Cabdi Muuse Cabdi, ayaa Ciidanka Ammaanka ee soo qabtay Maandooriyahan Ganacsiga loo waday sida ay uga hor-tageen in Magaalada la soo geliyo, isla markaana lagu mushkiladeeyo Shacabka reer Togdheer, iyagoo Ciidammada ku ammaanay hawlgalkaas.
Waxa ay labada Masuul sheegeen in cid kasta oo lagu qabto Maandooriyaha Khamriga ay mudanayso ciqaabta sharciyan xukunkooduna aanu iibsi lahayn, isla markaana ay Xabsiga ku dhammaysan doonaan wakhtiga xukunkooda. Waxaanay Masuuliyiinta Maamulka heer gobol, Booliska, Xeer-ilaalinta iyo Maxkamadda gobolka Togdheer si wada-jir ah Maxkamadda horteeda ugu gubeen dhammaan khamrigii lagu qabtay nimankaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Xoghayaha Guud ee QM oo ka hadlay Khilaafka Madaxda Soomaaliya iyo Mustaqbalka Halista Kooxda Al-Shabaab
Wefti uu hoggaaminayo Xoghayaha Guud ee QM oo Muqdisho
Booqday iyo Waxyaabaha ay ka Wada-hadleen Madaxda Soomaaliya
Muqdisho, 30 Oct, 2014 (Himilo)- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon oo booqasho shalay ku tegay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaanay ka wadahadleen arrimo kala duwan oo dabcan khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha u dhexeeyaa ka mid yahay.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon, waxa socdaalkiisa uu shalay ku tagay Muqdisho ku wehelinayay wefti ka socda hay’adaha caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Gudoomiyaha Baanka Aduunka Dr. Jim Kim gudoomiyaha Baanka horumarinta islaamka Dr Ahmad Mohamed Ali Al-Madani.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo hadal ka jeediyay kulanka, ayaa u mahad-celiyey Madaxweynaha Soomaaliya sida diirran ee uu ugu soo dhaweeyay Muqdisho, isagoo sheegay in tani ay u tahay booqashadiisa labaad ee uu dalka ku yimaaddo, ka dib saddex sano oo uu dalka ka maqnaa, isla markaana ay wax badan iska beddeleen, isla markaana ay kala duwantahay sannadkii 2011-ka.
“Waxaan xambaarsanahay laba farriimood, tan koowaad waxaan ognahay Siyaasadda, dawlad-wanaagga, Amniga iyo horumarka wax badan oo la taaban karo ayaa iska beddelay, tan labaad Qaramada Midoobay, Bangiga Kooxda Adduunka iyo weliba bulshada caalamka guud ahaan waxaa ka go’an inay dadka Soomaaliyeed gacan siiyaan.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon.
Waxaanu Ki-moon intaas ku ladhay oo uu yidhi, “Soomaaliya waxay ku taagantahay waddada saxda ah, anigana waxaan hubaa in dadka Soomaaliyeed ay u istaagi doonaan inay ka hortagaan caqabadaha weli dalkooda hortaagan. Waxaan halkan u joognaa inaan u sheegno Soomaalida inaanay keligood ahayn iyo inaan labanlaabi doonno dedaalka aan ugu jirno inaan ku kaalmayno si ay u ilaaliyaan guulaha la gaadhay sannadihii dhawaa.”
Xoghayaha Guud ee Qaramadda Modoobay Ban Ki_moon oo booqasho ku tegay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, waxa uu madaxweynaha iyo Raysalwasaarada dalkaas oo khilaaf xooggani u dhexeeyo ugu baaqay inay soo afjaraan khilaafkooda isla markaana ay u midoobaan sidiii Soomaaliya uga gudbi lahayd xaaladaha qalafsan ee ka taagan.
“Waxaan u soo jeedinayaa hogaamiyeyaasha Soomaaliya inay midoobaan, kana fekeraan nabadeynta dalkooda iyo muhiimada dhismaha kaabayaasha. Soomaaliya waxay u baahan tahay xilligan adag helitaanka xasilooni,” sidaas ayuu yidhi Xoghayaha Guud oo markii uu dhammaaday kulanka madaxda Soomaaliya la hadlay warbaahinta.
Waxa kale oo uu xoghayuhu ka hadlay khatarta kooxda Alshabaab ku hayso ammaanka dalkaas, waxaanu yidhi, “Awooddii maleeshiyaadka Shabaab way sii burburaysaa, balse weli meesha kama bixin,”
Booqashada Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay iyo wefdiga la socday, ayaa ku soo beegmay xilli khilaaf xooggan oo burbur siyasadeed oo Soomaaliya ku dhaca qarka u saaran u dhexeeyo Raysalwasaaraha iyo madaxweynaha waddankaas.
Waxaanay kulammadaas ka dib isla shalayba Xoghayaha Qaramada Midoobay iyo Weftigiisu ka noqdeen garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Muqdisho, halkaas oo uu sidoo kale isla Maaxweyne Xasan Sheekh-na ka dhoofay, isagoo u ambabaxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kaga qaybgalayo Shir caalami ah oo lagaga hadlayo arrimaha Budhcad-badeedda Soomaalida oo lagu soo casuumay Madaxweynaha Soomaliya.

Maraykanka iyo Ingiriiska oo markii u horeysay si aan looga baran uga hadlay Dhul-boobka Dawladda Yuhuudda
“Dadku waxay aaminsan yihiin in Israa’iil xaq u leedahay deegaamaynta Jerusalem (Quddus). Faransiisku wuu dhistay Paris, Ingiriisku wuu dhistay London,” – Raysalwasaaraha Yuhuudda
“Xalka muuqda waa, hadii Yuhuudu doonayso inay nabad ku noolaadaan, waa inay qaadaan talaabooyin ay ku yareynayaan xiisadda,” – Maraykanka
“Talaabadaasi waa go’aan aan caqliyad ku salaysnayn, waxay ku adkaynaysaa saaxiibbada Yuhuudda inay difaacaan eedahooda”- Ingiriiska
Washington 30 Oct, 2014 (Himilo)- Xukuumadaha Maraykanka iyo Ingiriiska, ayaa si adag uga soo horjeestay qorshe Dawladda Yuhuudu degsiimooyin cusub kaga hirgelinayso magaalada Quddus ee xarunta Falastiiniyiinta, waxaanay ku tallaabadaas ku tilmaameen mid ka horimanayso dedaallada loogu jiro xasilooni iyo nabad ay ku wada-noolaadaan labada shacab ee Falastiin iyo Israa’iil.
Haweenay Afhayeen u ah Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka oo lagu magacaabo Jen Psaki, ayaa sheegtay, in kasta oo aanay wali dawladda Israa’iil si rasmi ah uga maqal qorshahooda deegamaynta cusub, ay wer-wer xooggan ku abuurayso dedaallada Maraykanku hormoodka ka yahya ee nabadeynta Bariga Dhexe.
“Waxaan u aragnaa deegaamayntaa sharcidaro, waxaanan gebi ahaanba ka soo horjeednaa talaabadaa ay gaarka u qaateen Israa’iil,” ayey Psaki sheegtay.
Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, John Kerry, ayaa todobaadkii hore xidhiidh ku dhexmaray khadka telefonka arrintan kagala hadlay Raysal-wasaaraha Yuhuudda, Benjamin Netanyahu, sida ay sheegtay afhayeenka wasaaraddaa Psaki sheegtay.
“Waxa jira xaalado aanan isku waafaqsanayn xukuumadda Yuhuuda,” ayey sheegtay Ms Psaki iyadoo tilmaamaysa kala duwanaanshaha xidhiidhkooda difaaca iyo siyaasada Yuhuudda ee u dhexeeya Maraykanka.
Afhayeenka Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa sheegtay inuu jiro xidhiidh ka dhexeeya deegaamaynta cusub ee Yuhuuda iyo sii socoshada weeraradda argagxisada ee shacabka Israa;iil la kulmaan, iyada oo todobaadkii hore weerro gaadiid kala duwan loo adeegsday lagu qaaday laguna dilay dad shacab ah oo u dhashay Israa’iil.
“Xalka muuqda waa, hadii Yuhuudu doonayso inay nabad ku noolaadaan, waa inay qaadaan talaabooyin ay ku yareynayaan xiisadda,” ayay tidhi Ms Psaki.
Sidoo kale, dawladda Britain ayaa si weyn u dhaleecaysay qorshaha Yuhuuddu deegaamayn cusub kaga hirgeliyeen Bariga magaalada Barakaysan ee Quddus, taas oo ay ku tilmaameen tallaabo wakhti aan ku haboonayn la qaaday.
Wasiirka Arrimaha Barriga Dhexe u qaabilsan Ingiriiska, ayaa qoraal uu ka soo saartay tallaabada Yuhuuda ku sheegay, “Ingiriisku wuxuu dhaleecaynayaa qorshaha xukuumadda Israa’iil ku sheegtay wiiggan inay guryo cusub oo gaadhaya 1,060 kaga dhisayso Bariga Jerusalem (Quddus). Talaabadaasi waa go’aan aan caqliyad ku salaysnayn, wakhti aan haboonayna la qaaday.”
Mr. Ellwood ayaa sheegay in qorshaha Yuhuudu caqabad ku noqonayo gaadhitaanka xal laba dawladood oo Yuhuudda iyo Falastiiniyiintu yeeshaan. Waxaanu yidhi, “Talaabadaasi waxay ku adkaynaysaa saaxiibadda Yuhuuda inay daafacaan eedahooda, umana wanaagsana nabadeynta.”
Hadallada Maraykanka iyo Ingiriisku ku diidan yihiin qorshaha deegaamanyta Yuhuuda ayaa u muuqda mid ay kula wadaagayaan beesha caalamka oo badi si weyn uga soo horjeeda siyaasadaha Yuhuuda ee ku waajahan shacabka Falastiin.
Haseyeeshee, Raysal-wasaaraha Israa’iil oo Isniintii todobaadkan khdubad ka jeediyey baarlamaanka dalkiisa, ayaa ku adkaystay inay xaq u leeyihiin dhismeyaasha ay ka hirgelinayaan Bariga magaalada Quddus.
“Dadku waxay aaminsan yihiin in Israa’iil xaq u leedahay deegaamaynta Jerusalem (Quddus). Faransiisku wuu dhistay Paris, Ingiriisku wuu dhistay London,” sidaas ayuu Raysalwasaaraha Israa’iil ka sheegay baarlamaanka dalkiisa.
Dawladda Yuhuudda, ayaa aamisan in magaalada Quddus ka dhigtaan caasimaddooda, in kasta oo wakhtigan magaalada Tel Aviv ay xarun u tahay hay’adaha dawladda ee dalkaas.

Guddi Dhalinyaro oo ku guulaysatay in Dib loo Furo Maktabadda Gaandi oo saddex maalmood Quful ka laalaaday
Hargeysa, 30 Oct, 2014 (Himilo)- Xarunta Maktabada Gaandi ee magaalada Hargeysa oo ay wax ku akhristaan dhalinyarada iyo aqoonyahanka wax ka barata jaamacadaha dalka, ayaa shalay dib loo furay, kaddib amar madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo ku bixiyey in sideedii hore lagu soo celiyo xarunta.
Xarunta Akhrista ee Gaandi oo Maktabadda ugu qadiimsan caasimadda Hargeysa oo la furay sannadkii 1999-kii, isla markaana ay ku xidhnaayeen dhalinyaro tiro badan oo wax ku akhrista, ayaa xukuumaddu goobta ay ku taalo iyo dhismaheeda ku wareejisay Ganacsade reer Somaliland oo loogu beddelay dhul ganacsadahaasi ku leeyahay goob kale oo sida la sheegay loogu talo-galay in dhismayaal looga sameeyo Maxkamadda sare ee dalka.
Hoggaanka Sare ee dalladda Dhalinyarada ee SONYO, Daladda Naadiyada Akhriska, Ururka qorayaasha iyo bahda Abwaannada da’da yar oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay barxadda hore ee Maktabadda, ayaa sheegay in dedaal badan ka dib ku guulaysteen in dib loo furo xarunta oo isla shalayba hawlaheeda bilowday, waxaanay sheegeen in lagu furay amar madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo bixiyey.
Guddoomiyaha Daladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mubaarik Ismaaciil Taani oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Maanta oo bishu tahay 29 OKtobeer, wuu furan yahay, waa suura-gashay in Library-ga Gaandi shaqadii uu u hayay dhalinyarada uu ku soo laabto. Hawl badan iyo dedaal badan oo ay sameeyeen daladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO, Ururka qorayaasha Somaliland, Daladda Naadiga Akhriska, Aqoonyahan, abwaanno kala duwan oo Reer Somaliland ah oo ahaa Guddi farsamo oo isu xilqaamay inay dareenka dhalinyarada ee ku aaddan xidhitaanka Gaandi Library inay gaadhsiiyaan xukuumadda, ayaanu ahayn, maanta (shalay) guul-bay ku soo dhammaatay. Waxaanu u mahadcelinayaa cid kasta oo hawshaas ka qayb-qaadatay oo na dhegaysatay, hawshii aan u soconnayna guddoontay.
Ugu horeyn waxaanu u mahad-naqaynaa madaxweynaha Somaliland oo go’aan fiican ka qaatay. Waxa kale oo aanu u mahad-naqaynaa wasiirka madaxtooyada, wasiirka waxbarashada, wasiirka Arrimaha Dibadda, Taliyaha Booliska iyo guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo dhammaantood xil-kastnimo wayn muujiyey,” sidaas waxa yidhi Guddoomiyaha Daladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO.
Saddam Xuseen Cara boo ka mid ah hoggaanka Naadiga Akhrista oo halkaas ka hadlay, ayaa tafaasiil ka bixiyey dedaalkii ay guddi ahaan u galeen iyo madaxdii ay arrintan gaadhsiiyeen, waxaanu yidhi, “Ugu horeyn ciddii aanu ka abbaarnay inaanu gaadhsiino dareenka iyo cabashada ardayda iyo aqoonyahanka ku xidhnaa maxkabadda waxay ahayd wasaaradda Waxbarashada oo aanu u arkaynay meel ku munaasib ah, si wacan bay wasiirka waxbarashadu noo soo dhawaysay, arrintana ay nooga xil-qaadday oo ay tidhi anigaa idinku soo war-qaadaya oo aan u qaadayaa madaxda qaranka ee Madaxweynuhu u sarreeyo.” Waxa kale oo halkaas ka hadlay Yaasmiin Maxamed Kaahin oo ka mid ahayd Guddiga Dhalinyarada arrintan Isu-xilqaamay, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa, “Guddigan dhalinyarada oo ka kooban 10 xubnood iyaga ayaa isu xil-qaadamay inaanay dhalinyaradu kicin, dhalinyaradu inaanay fal-celin kaga jawaabin xidhista Maktabadda, dhalinyaradu wax ay wada-xaajood ku dhamayn karayso inaanay rabshado inoo soo jeedin. Buugga maanta lainaga xidhay ee aynu cilmiga ka faa’idaynay inuu qof innagaga dhinto ama shacabkeenna lagu boobo, ayaannu annagu ka xumaannay. Taasaannu annagu u dhex-dhexaadinnay annaga oo aan qolada Library-ga ka masuulka ah dhinac ka ahayn, dawladda dhinac ka ahayn, qolada iibsatayna dhinac ka ahayn,” sidaas ayey tidhi Yaasmiin Maxamed Kaahin.
Maamulka Maktabadda Gandi iyo dhalinyarada ku xidhan akhrista buugaagta Maktabadda oo wakhtiga la furay ku sugnaa gudaha xarunta, ayaa soo dhaweeyey go’aanka dib loogu furay Maktabadda.

Wednesday, October 29, 2014
Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 29aad Gaandhi: Magac iyo Maktabad-W/Q Boobe Yuusuf Ducaale
“Guclo been ah, gaalleef af-daran, gawdhis iyo duudsi,
Lib-gad iyo ammuur wada gurracan, geesi la illaawo,
Giddi xalay waxaan Yuusufow, gurayay taariikhe,
Ged-geddoonka waayaha haddaan, gaar u falanqeeyay,
Goobii la soo maray intii, guluf la heenseeyay,
Hadba goosh ha joogtee wixii, guulo laga keenay,
Dadku uma gudboonayn sidii, loogu hawl-galaye,
Gurmadkii ku kacay baad ahayd, ‘Gii-di’ maatada e’,
Waxa se iyaba waa guul-darree, gorof ku maalaaya,
Oo aan Gobaad loogu tegin, gaalo-ka-hadheene,”
Maansadii Gaarriye ee Gashi ee uu u tiriyay Yuusuf Xaaji Aadan, 80kii,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
30/10/2014ka, Hargeysa,
Qormada: 1aad
Maansada Gashi ee aan idiin ka soo garoocay tuducan sare, waxa tiriyay Macallin Gaarriye, 1980kii, mar uu ku sugnaa magaalada Muqdisho. Wuxu ka tiriyay dhacdo qabsatay Yuusuf Xaaji Aadan oo markaa ka hawl-geli jiray Wasaaraddii Hiddaha iyo Tacliinta Sare oo uu beryahaa Wasiir ka ahaa nin la odhan jiray Axmed Ashkir Bootaan. Macallin Gaarriye wuxu maansadan ka tiriyay duudsi uu Yuusuf Xaaji Aadan ka mutay maamulladii Wasaaradda iyo dalkaba.
Maanta sannadku waa 2014ka. Waa Hargeysa iyo Somaliland oo dibuxoreyntoodii ilaahay ogyahay geesiyada loo sadqeeyay iyo moodka ku burburay intii uu le’ekaa. Waa maalintii la is-lahaa waa la ciil-dhacsanayaa. Waa maalintii la is-lahaa geesiyaashii kala dambeeyay waa la abaal-marin doonaa. Waa maalintii la is-lahaa kuwa nool ee waaxyahoodii ku waayay ayaa lagu horreyn doonaa. Waa maalintii la is-lahaa waxa xilka ugu sarreeya dalka haya ninka ku faana in uu ugu muddo dheeraa xarakaddii SNM hoggaaminteedii. Kuwo nool oo wax loo qabto iska daaye, kuwii quufle dhintay ee Ingiriiska iyo jahligaba la dagaallamay ee ku dhintay ayaa luxudkii loogu tegay oo magacoodii iyo milgahoodii loo sadqaynayaa dhismayaal aan dhul kale loo waayin.
Maxaa haddaba maantana dhacay. Aan idiin mariyo sheeko xanuunkeeda xaradhaamadeeda iyo xadantadeedaba leh. Maqaalkan waxaan ku suntaday: MAGAC IYO MAKTABAD.
Magaca:
Ka-miskiin ma aha magaca. Waxa loogu wan-qalay Yuusuf oo ka soo jeeda reer Ismaaciil Samatar Furre. Intaa laguma deyn e’, naanaysna waxa looga dhigay ‘Gaandi’. Garo’ oo waxa wax lala wadaajiyay hoggaamiyihii weynaa ee dal-weynaha Hindiya ee Mahatma Gaandhi. Yuusuf Ismaaciil Samatar xilliyadaa uu barbaarayay ee uu macallinka ahaa ayay xarakaddii Mahatma Gaandhi adduunyada haysatay. Had iyo jeer wuxu ka sheekayn jiray Gaandhi, sidaas ayaana loogu bixiyay. Waa da’aaddii ku dhalatay Hargeysa 1920kii isla markaana ku barbaartay. Nin gaabni iyo madowba u dhashay oo caqli badan ayuu ahaa.
Halgankii loo soo galay waxbarashada ayuu ka mid ahaa horseedkii hirgeliyay ee huluulaha u galay, hadimadana u mutay. Wuxu ku lammaana oo hoggaan u ahaa: Maxamuud Axmed Cali iyo Yuusuf Xaaji Aadan. Waxa ku lammaanaa oo iyaguna la hawl-galay Maxamed Shire iyo Cabdisalaan Xasan.
Yuusuf Ismaaciil Samatar, waxa loo diray magaalada Burco si uu uga soo hirgeliyo waxbarashadii bilowga ahayd. Dalka waxa ka talinayay gumeysigii Ingiriiska oo ay la socdeen baadderiyadii diinta kiristaanka fidin jiray. Gumeysiga waxay barbar wadeen gaaleyn iyaga oo dugsiyo furay, dadkuna aammineen in dadka lagu gaalaynayo. Dagaal ba’an ayaa lagala hor tegay oo diimeysan, islaamaysan. Kooxdeennan waxbarashada horseedka u ahaydna waa la raaciyay oo lagama reebin. Dagaalka noocaas ah ayaa Yuusuf Ismaacil Samatar (Gaandhi) ku qabsaday magaalada Burco oo nabarro jidhkiisa lagu soo gaadhsiiyay. Tiraba laba jeer ayuu nin Shire la odhan jiray Yuusuf bakoorad ku garaacay. Mar wuxu ku dilay maxaad iskuullada u furaysaa? Mar kalena wuxu ku dilay wiilkiisii oo uu dugsigii ka buuxsamay ku dar.
Yuusuf, Gaandhi, markii in badan reer Burco sidii Timacadde kor iyo hoosba ula hadlayay ayuu markii dambe Yuusuf Xaaji Aadan u soo qoray ayaado uu ka soo qaatay Suuradda Nuux oo ahaa:
قَالَ رَبِّ إِنِّي دَعَوْتُ قَوْمِي لَيْلاً وَنَهَاراً (5) فَلَمْ يَزِدْهُمْ دُعَائِي إِلَّا فِرَاراً
من الاية 5 الى الاية 9 نوح
Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ugu soo jawaabay:
فَاصْبِرْ كَمَا صَبَرَ أُولُو الْعَزْمِ مِنَ الرُّسُلِ وَلَا تَسْتَعْجِلْ لَهُمْ ۚ كَأَنَّهُمْ يَوْمَ يَرَوْنَ مَا يُوعَدُونَ لَمْ يَلْبَثُوا إِلَّا سَاعَةً مِنْ نَهَارٍ ۚ بَلَاغٌ ۚ فَهَلْ يُهْلَكُ إِلَّا الْقَوْمُ الْفَاسِقُونَ
35 الأحقاف الاية
Yuusuf Ismaaciil Samatar, intaa kuma koobnayn e’, waxa uu soo galay halgan siyaasiya oo dal iyo dadba lagu xoreynayay oo dheeraa. Halgankaa siyaasadeed ee Yuusuf Ismaaciil Samatar kuma ekayn ama ma khusaynayn Somaliland oo keliya, bal se wuxu ahaa mid Soomaali oo dhan lagu xoreynayay isla markaana lagu mideynayay oo lagu hirgelinayay dal-weynihii Soomaaliyeed ee ay gumeystayaashu shanta gobol u qaybiyeen.
Daliilkeedu wuxu yahay: 1958kii magaalada Muqdisho waxa lagu qabtay Shirweynihii ugu danbeeyay ee xarakaddii ballaadhnayd ee la odhan jiray Pan SNM ama Pan Somali National Movement. Xarakaddaas oo ay himiladeeda ugu weyni ahayd xoreynta iyo mideynta shantii gobol ee Soomaaliyeed, waxa beryahaa Guddoomiye u ahaa geesigii la quudhi waayay ee gumeystuhu sadqeeyay ee Maxamuud Xarbi ee reer Jabuuti. Yuusf Ismaaciil Samatar, halgankaa dheeraa ee siyaasiga ahaa waa uu soo galay, waxaanu ka tirsanaan jiray hormuudkii xisbigii gobannimada horseeday ee SNL, Somali National League. Macallin aqoonyahan ah ayuu ahaa. Markii labadii gobol laga xoreeyay gumeysiga ee la isku daray, wuxu soo galay Baarlamaankii beryahaa jiray, marna waxaabu noqday wasiir-ku-xigeen. 1972kii ayuu ku dhintay laguna aasay magaalada Muqdisho. Sooyaalkii Gaandhi oo koobani waa kaas.
Saa waa Maktabadda:
Meel halbowle ah ayay ku taallaa. Waa badhtamihii Hargeysa. Waxa hor marta waddada ugu dheer magaalada ee isku xidha Guriga Dawladda (State House) iyo madaarka Hargeysa. Dhinaca woqooyi waxa ka xiga oo dhowr tallaabo u dhexeeyaan saldhigga Dhexe ee Bilayska Hargeysa. Waxa ka dambeeya dhisme taariikhiya oo ah boostii ugu horreysay ee Hargeysa oo ka mid ah raadadka taariikheed ee dhismo ahaan badbaaday ee magaalada ku sii hadhay. Waxa ka dambeeya oo koonfur-galbeed ka xiga Xafiiskii Qaaddiga Hargeysa oo isaguna raad-taariikheed oo nadir ah dalka ku ah.
(La soco Sabtida, haddii Eebbe idmo)

Qabiil Qaran Ma Dhiso-W/QAhmed rasheed Q.1aad
Mujtamaca waa in laga wacyi-geliyaa in qabiil aanu qaran noqon karin Maxaadse Ka Taqaan Qabiilka & Ilbaxnimada S/land? “Qaranimo iyo Qabiil” (QARAN iyo QABIIL MEEL MA WADA GALAAN).
Waxa mahad iska leh ilaahay SW.,marka xigta waxaan salaamayaa dhammaan shacabka S/land dibad iyo gudaba, iyo dhamaan shabakadaha warbaahineed ee inoo saamaxay inaynu fikradeheenna ku soo bandhigno mareegahooda, si aynu uga kala faa’iideysano, Akhristoow sida aan la wada socono S/land waxay jirtay muddo ku dhow 23 sano oo ay gooni isu-taagtay, ilaa xiligaasna waxa ka jirey xukuumadu siday doonaan itaalkoodu ha ahaadee.
Marka aynu ay dib u jaleecno taariikhdii hore siiba aasaskii waxay ka soo unkatay dhinaca miyiga oo aynu odhan karno, waxayba sees u ahayd nolosheena, kadibna muddo iminka laga joogo saddex ilaa afar qarni waxa bilaabmey samaysankii magaalooyinka kuwaasoo,markii hore ku teedsanaa dhulkeena xaga xeebaha yaal , iyadoo ay sababtu ahayd, dadkii xadaaradaha inagaga horeeyey siiba carabta ,hindidii, gumeysiyaddii iyo wadamaddii kale ee aynu xidhiidhka ganacsi la lahayn, oo badidoodu ka soo degi-jirey magaalooyinka dhinaca xeebaha ku teedsan, halkaas oo lagu kala bedalan jiray alaabooyinka muhiimka ah.
Dadkaasi ayaa sida taariikhda ku duugan, waxay ka koobnaayeen jinsiyado kala duwan oo ka kala yimid wadamadda Carabta, Cafar, Turki, Pakistan, Hindi iyo Muslimiinta ku nool dhulka xabashida, waxa ugu weyn ee isku xidhi jirayna waxay ahayd Diinta Islaamka oo dhaqankoodu ku Salaysnaa iyo caadooyinkoodaba, waxay ahaayeen dad ka xoroobay aafada Qabiilka iyo waxa la xadhiidha, waxa kale oo ku noolaa Yuhuud samayn jirtay Dahabka oo lagu Qadarin jirey Caadooyinkooda iyo waxay aamin-sanyihiin, ganacsigu waxuu ku iman-jirey maraakiibta iyo doonyaha waaweyn oo u kala gooshi jirey Badda Cas ( Red sea ).
Qoraalada laga hayo taariikhda S/land way farabadan yihiin, balse aan ka soo qaado, socdaalo oo ay ku soo kala bixiyeen taariikhdeena niman la kala odhan jiray Richard Burton & Johnston,xilligaa ay labadaa nin soo kala mareen ,xeebeheena badda cas ku yaalay, waxay ahayd 1844-kii oo uu Johnston soo maray iyo 1854-kii oo uu Richard soo maray, iyagoo xilligaasi ku sii socday magaalada Herer, magaalada Berbera ayaa xilligaasi loo yaqaanay magaca “Malawo” waxay ka mid ahayd magaalooyinka ay warbixintu ka bixiyeen Richard Burton iyo Johnston-ba, waxayna labadooduba ku tilmaameen sebenadaa, inay magaaladu ahayd magaalo weyn, oo lagu samayn jirey carwooyin waaweyn oo ganacsi, gaar ahaan xilliyada magaaladu qabawdahay.
Qarnigii 19-naad horraan-tiisii ilaa dhammaadkiisii, magalaada Berbera dadka deggenaa waxay u badnaayeen Carab iyo Hindi, balse waxa dadkaa ajaanibka ah u ahaa “Abbaan” dad Somalilander ah, waayo suurtagal may ahayn in qof qalaad uu Abbaan la’aan ku dhexjoogo magaalooyinka xeebaha Somaliland, Nin la odhan jiray Drake-Brockman oo Somaliland ka qoray buug aad u faahfaahsan 1912-kii wuxuu ku qiyaasay tirada dadka Berbera inay u dhaxay-say 15,000 ilaa 30,000 xilliga qaboobaha, balse xilliga xagaaga ama kulaylaha ay tiradaasi hoos ugu soo dhici jirtay 5000-10,000 oo qof ,magaalooyinka ku yaalla xeebaha Somaliland, kumay koobnayn Berbera , ee waxaa jiray magaalooyin kale oo qaar ka midi ay kaba facweyn yihiin Berbera. Sida magaalooyinkaa Seylac, Laasqoray, Bullaxaar, Maydh iyo Xiis.
Dadkii markay ay qaba-timeen magaalooyinka waxay la yimaadeen hab ka duwan,qaabkii loogu noolaa noloshii miyiga, waxaana dadku u dhaqmeen sida magaalooyinka caalamka ku yaala. oo kale, waxaana bilaabmey sida ganacsiyo kala nooca iyo dhismayaal kala duwan, waxaana isla-markiiba meesha ka baxday adeegsiga bahasha qabyaalada, maadaama hadaba waqtigaasi asbaabihii qabyaalada loo adeegsan jiray ay yaraadeen noloshiina ka baxday tii aynu lahayn ee reer miyinimo, isla-markaana la bartay nolol cusub oo magaalanimo taasoo dhaqankeeda wadata, waxay dadkii magaaladu barteen maamulka, iyagoo markiiba u dhaqaaqay xaga siyaasada. Iyo horumarka Laakiin miyigii oo keliya ayey ku sii hadhay qabyaaladii.
LA SOCO QAYBTA 2aad……
ALLAA Mahad & Mudnaanba leh,
TELL: 063-4000578
AHMED RASHEED
HARGEISA SOMALILAND

Washington Oo Weerarro Argagixiso Looga Baqayo Iyo Ammaanka Oo Xoog Loo Adkeeyey
Washington:Oct,29,2014(Himilo)-Xukuumadda waddanka Maraykanka ayaa Baahisay in si weyn loo adkeeyey ammaaanka Goobaha muhiimka ah eek u yaalla Magaalada Washington, maadaama la helay xogo dhiilo leh.
War kasoo baxay Waaxda arrimaha dibadda Dowlada Mareykanka ayaa lagu sheegay in la qaadayo tilaabooyin taxadar ku dheehan yahay si looga hortagi lahaa weeraro iyo dhibaatooyin kale ay sheegeen in ay maleegayaan Kooxo Argagaxiso ah.
Dowlada Mareykanka ayaa ku warantay in talaabadan loo qaadayo kadib markii ay soo baxeen Hanjabaadyo ka imanayay kooxaha Argagaxisada ah kuwaa oo doonaya in ay weeraro ka fuliyaan goobo Muhiim ah oo kuyaala Magaalada Washington.
Magaalada Washington waxaa laga soo sheegayaa in ay ka jirto cabsi xoogan, waxaana Laamaha amaanka ee Magaaladaasi ay ugu baaqeen mulkiilayaasha iyo maamuleyaasha goobaha muhiimka ah iyo shacabka in ay taxaddar muujiyaan.
Dowlada Mareykanka ayaa ka cabsi qabta in taageerayaasha Xoogaga Daacish ee ka Dagaalama Dalalka Ciraaq iyo Siiriya in gudaha dalkaasi ka geystaan Weeraro lamid ah kii dhawaan lagu weeraray Xarunta Baarlamaanka Dalka Canada.
Ururka Daacish, ayaa taageerayaal Badan waxa uu ku leeyahay Dalalka Koonfurta America, waxana muddooyinkii dambe dad xag jir ah oo la dhacdan fikradaha ururkan lagu arkay Meelo ay Canada ugu badan tahay.

Madaxweynihii Zambia Oo Ku Geeriyooday Carriga Ingiriiska Oo Uu Caafimaad ahaan Loogu Qaaday
London:Oct,29,2014(Himilo)-Madaxweynihii Hore ee Dalka Zambia Mecheal Zata ayaa saaka ku geeriyooday Caasimadda Dalka Ingiriiska oo uu caafimaad ahaan u joogay in muddo ah.
Mecheal Zata, ayaa ku geeriyooday Da’da 77-ka, waxana uu in muddo ah ka Cabanayey xanuun kusoo booday oo warar kooban laga Helayey.
Xoghayaha Golaha Wasiirada ee Zambia Roland Msiska ayaa maanta oo Arbaco ah xaqiijiyey in Mr Sata uu geeriyooday shaley gelinkii dambe.
Sata waxaa uu Zambia hoggaaminayey tan iyo sannadkii 2011 oo uu ku guuleystey doorashadii madaxtinimada ee soo afjartey taladii Xisbiga Movement for Multiparty Democracy oo muddo labaatan sanno waddanka soo xukumayey.
Toddobaadkii hore, xafiiska madaxweynaha ayaa sheegay in Mr Sata uu dalka dibeddiisa ugu ambabaxay baadhis caafimaad, laakiin ma jirin faahfaahin dheeri ah oo uu xafiisku bixiyey.
Xaaladdiisa caafimaad ayaa tan iyo bishii July laga muujinayey walaac, kadib markii uu socdaal uu isku soo daweynayo ku tegey Israel, wixii intaa ka dambeyseyna muddo saddex bilood ah laguma arkin meel fagaare ah.
Bishii la soo dhaafey waxaa uu hor iman waayey shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee New York oo uu khudbad ka jeedin lahaa, waxana markaas la ogaaday inuu Madaxweynuhu xanuun la tiicayo.
Zambia ayaa kamid ah Dalalka Afrika ku yaalla ee Dhaqaalahoodu soo korayo, waxana madaxweynaha haatan geeriyooday la sheegay inuu ku joogay Jidkii horumarka oo uu muddo saddex sano ah ku socday.

Banki Mon Oo Maanta Muqdisho Degay, Lana Shiray Madaxda Somalia
Muqdisho:Oct,29,2014(Himilo)-Xoghaya Guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa MD Banki Mon iy wafti sare oo uu hoggaaminayo, ayaa saaka kasoo degay Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho, waxana ay shirar la qaateen Madaxda ugu sarraysa Dawladda Somalia.
Shirka oo ka dhacay qayb ka mida Garoonka diyaarahada Muqdisho ayaa loogaga hadlay dadaalada ay Soomaaliya ka wado Qaramada Midoobay sida taageerada ay siiso dowladda iyo maamul goboleedyada, kaqayb qaadashata tayeynta ciidamada Soomaaliya oo buuxa iyo qodobo kale oo muhiim u ah labada dhinac.
Banki Mon, ayaa soo maray dalalka Djibout iyo Ethiopia, waxana la filayaa inuu dhinaca Kenya u noqdo, walina lama hubo ujeeddada rasmiga ah ee uu u socdo.
Banki Mon ayaa xilligii xukuumaddii Ku-meel-gaadhka ahayd ee Sheekh Shariif, waxa uu ka degay Magaalada Muqdisho, waxana uu shirar kala duwan la yeeshay Madaxdii xilligaas, iyadoo xilligaas xoogaga Al-shabaaba ay dalka xoog badan ku lahaayeen.

Madaxtooyada Oo Iska Difaacday Eedo Ugu Yimi Mudanayaal Mucaarid ah
Hargeysa:Oct,29,2014(Himilo)-Madaxtoyada somaliland, ayaa markii ugu horraysay Jawaab cad ka Bixisay kana gilgilatay Eedo maalintii shalay Mudanayaal Mucaarid ahi dusha ka Huweyeen Hannaanka Hoggaamineed ee Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxtooyadu waxa ay iska Fogeysay inay wax garogelin ah ku Hayso Arrimaha Golaha Wakiillada, waxana ay xustay inay shaqo ku lahay muranka iyo is qabqabsiga ka dhex aloosan Mudanayaasha Wakiillada Dhexdooda.
Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul Oo Maanta warbaahinta kula hadlay Qasriga Madaxtooyada ayaa Eedaha Mucaaradka bar bar uga duway Madaxweynaha, waxana uu arrabka ku adkeeyey inay xukuumaddu si weyn diyaar ugu tahay Doorasho dalka laga qabto,
“Waxaan halkan ka cadaynayaa saddex Calaamadood oo uu muujinaya sida Xukumaddu diyaar ugu tahay Doorashada, mid waxa weeye, In Madaxweynuhu labada Gole ka hor caddeeyay inaan Doorashada Maalin loogu darin, midna waxa weeye In Madaxweynuhu Waraaq u diray Qaadhaan bixiyeyaasha oo u sheegay inay Doorashadii naga diyaar tahay, waxaad wada Ogsoon tihiin Miisaaniyaddii la diyaariyay Oo Cirro ka war-wareegayo in la Ansixiyo laakiin muday golaha wakiilada hor taalaa” ayuu yidhi Mr Dhuxul.
Mudane Dhuxul waxa uu nasiibdarro ku tilmaamay xeer uu sheegay inuu Guddoomiye cirro kusoo daray wax aan ahayn wixii Goluhu ansixiyey, waxana uu tilmaamay in arrintaasi ay tahay taariikh xumo aan loo dulqaadan Karin,
“Xeerkii Goluhu ka dooday in inta wax laga bedelo loo gudbiyo Guurtidu waa Ayaan daro, waa dhacdo taariikhi ah,waligeed may dhicin in xeer la ansixiyay wax laga bedelo.Xeerarka waxaa loo sameeyaa in Qarankan iyo kuwa dhuuxeena ku jira inay anfacaan oo hadhaw ay ku dhaqmaan.waxaa Ayaan daro ah in Xeerarkii ay ahayd in Qaranka loo dhigo in la doonayo in Gudoomiye Cirro leekaysiiyo Shaadhka Xisbigiisa waddani”ayuu yidhi Afhayeen Dhuxul.
Afhayeenka Madaxtooyadu waxa uu sidoo kale Mid mid uga jawaabay Eedaymo ay soo jeediyeen Qaar ka mid ah Mudanayaasha Mucaaradka ahi “Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,wuxuu yidhi Beesha Caalamku hana soo kala gaadho,taa macnaheedu waxa weeye Anaga iyo Soomaaliya isku mid baanu nahay ee noo soo gurmada Qarana ma jiro macnaheedu weeye. Waxa kale oo Xisbiga Waddani Bilaabay inuu dadka Somaliland Dalkan u kala sheegto oo dadka qaar dalkan ka sheegto,Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayuu Nin La yidhaa XIldhibaan Bashiir Tukaale Cambaareeyay,hadalkiisuna wuxuu u dhignaa inuu ka sheegto Qarankan,waxaanu hadalkiisa ka raali galinaynaa dadweynaha Reer Sool,waxaanu ka raali galinaynaa Gudoomiye xigeenka 1-aad oo aanu leenahay hadalkaasi idinma qabto.waxaan leeyahay shacabka Somaliland ee Waddani kala suntayaa waa isku mid.” Ayuu yidhi Dhuxul.
Afhayeenka Oo Hadalkiisa sii wata, ayaa si gaar ah ugu jawaabay Xildhibaan Aareeye oo isagu shalay si kulul u dhaliilay Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu yidhi,
“Waxaa isna la yaab leh Nin la yidhaa Xildhibaan Cali Aareeye,Cali Aareeye waxaa iigu dambeysay isagoo bari intuu halkan Madaxtooyada yimid yidhi Indhaha oo uu ka cabanayay hala iga caawiyo,Madaxtooyadu iyadoo waajibkeeda gudanaysa way caawisay oo Indhaha ayaa loo soo qalay, Bidhiiqii u horeeyay ee uu wax arkayna Cay buu Madaxtooyada ula soo fadhiistay.Wuxuu yidhi Shalay Madaxweyne Siilaanyo ayaa Boqol jeer ka daran Siyaad Barre,Madaxweyne Siilaanyo Miyaanu ahayn kii la dagaalamay Siyaad Barre ee ka soo hor jeestay. Waxaan leeyahay Cali Aareeye waanu ka xunahay.Madaxweyne Siilaanyo oo horumarka ku hogaamiya dadkiisa inuu yidhaahdo Siyaad Barre ayaa ka wanaagsanaa jawaab teedu waxay u taal shacabka.Wuxuu yidhi Waxaa la shaqeeya qaar Gaagaaban,cida uu sheegayaa way iska caday laakiin,waxaanu leenahay intay Maalin qarankan u qabteen kuwa aad sheegaysaa waligaa umaad qaban” ayuu yidhi Mr Dhuxul.
Madaxtooyada somaliland ayaa ugu dambayntii ka Gilgilatay Dhaliilo isdaba joog ahaa oo mudanayaasha Mucaaridka ahi gogga u gelinayeen Maalmahan, waxana Jawaabtani ay dab kusii shidaysaa Khilaafkii Madaxtooyada iyo mucaaridka dhexyaallay eek u saabsanaa Xeerar Hore Golaha uga Baxay.

Komishanka iyo Axsaabta Siyaasadda oo sawir ka bixiyey marxaladda Kala-guurka ee wakhtigan iyo saamaynta ay ku yeelan karaan Doorashooyinka kal dambe
Muddo-xileedka Guddigii hore ee Doorashooyinka oo Maanta ku eg, Xubnihii Cusbaa oo aan Wali la asnixin iyo Jihada Muranka Siyaasadeed
“Somaliland waxay haybad iyo sharaf hore u soo shaqaysatay ee in badan la lahaa ku-dayashay leedahay, waxay qoladani ka dhigayaan hal bacaad lagu lisay. Markaa waxa laysugu tagayaa…” Cali Guray
“meesha bannayn mayno ee xataa dawladda waannu isku ognahay inaannu sugno inta la soo ansixinayo Guddiga cusub,”
Hargeysa, 29 Oct, 2014 (Himilo)-Guddigii hore ee Doorashooyinka Somaliland oo shantii sanno ee u dambaysay soo-hagayay nidaamka doorashooyinka Somaliland isla markaana dalka ka soo qabatay labada doorasho, ayaa muddo-xileedkoodu ku egyahay maanta oo bishu tahay 29-ka October, iyada oo aan wali la asixin xubnaha Guddiga cusub ee Doorashooyinka oo dhawaan madaxweynuhu u gudbiyey Golaha wakiillada.
Xubnaha Komishanka Doorashooyinku wakhtigoodu dhammaaday oo sannadkii 2009-kii loo doortay Guddiga, ayaa muddadii ay hoggaaminayeen Komishanka, waxa ay dalka ka qabteen laba doorasho oo muddo 2 sanno ah kala horeeyey, iyada oo doorashada hore ahayd tii Madaxtooyada ee sannadkii 2010-kii oo madaxweyne Siilaanyo ku fuulay kursiga, halka ta labaadna ahay Doorashadii Goleyaasha deegaanka oo sannadkii 2012-kii ka qabsoontay dalka. Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Dalka, ayaa muddo-xileedkoodu ku egyahay Shan sanno, sida ku xusan dastuurka dalka.
Guddigan Cusub oo madaxweynuhu dhowaan u gudbiyey Golaha Wakillada, ayaa qorshuhu ahaa in lagu ansixiyo fadhi aan caadi ahayn oo Golaha wakiilladu yeesheen Axaddii todobaadkan, haseyeeshee fadhigaas ayaa kooram la’aan u qabsoomi waayey, ka dib markii ay Golaha ku kaliyeysteen dhowr iyo toban xildhibaan oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha wakiillada ugu jira Xisbiga Waddani, iyada oo xildhibaannada muxaafadka ah oo haystay aqlabiyadda mudaneyaasha aanay fadhiga ka soo xadirin.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland ee wakhtigoodu dhammaaday Maxamed Axmed Geelle oo Wargeyska Himilo Xalay wax ka weydiiyey dhammaadka muddo-xileedkooda iyo hawlaha ku gedaaman, waxa uu yidhi, “Muddo-xileedkayagu wuxu ku eeg-yahay berri (maanta) oo ay bisha October tahay 29.” Sidaa ayuu yidhi Geelle oo ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay wakhtigooda dhammaanaya.
Guddoomiyaa Guddiga doorashooyinka ee wakhtigooda sharciga ahi maanta dhammaaday Maxamed Axmed Geelle oo aan sii weydiinnay maaddaama oo wakhtigoodi dhammaaday, isla markaana Guddigii beddeli lahayd aan weli la ansixin oo muran-ba ka taagan yahay Golayaasha, sida uu xaalku noqonayo, waxa uu yidhi; “Horta, Annagu waannu sugaynaa uun. Run ahaantii waxaannu immika fulinaynaa ma jirto, laakiin waannu sugaynaa inta la soo ansixinayo (Guddiga cusub), waannu sugaynay muddaba, markaa illeen meesha bannayn mayno ee xataa dawladda waannu isku ognahay inaannu sugno inta la soo ansixinayo Guddiga cusub, dabadeedna aannu xilka si fiican ula kala wareegno.”
Sidoo kale, Mr. Geelle oo ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay, inay muddooyinkii dambe wadeen halaha loogu diyaar-garoobayo doorashooyinka iyo diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha iyo hawlahaasi sii socdaan oo ay wadaan iyo inay joojiyeen, waxa uu yidhi; “Qorshaha badankiisii waannu soo dhammaynay, laakiin intii u dambaysay waxaannu la sugaynay Komishanka cusub ee imanaya si uu isagu halkaas ka ambaqaado oo u sii wado.”
Mar la sii weydiiyey Guddoomiyaha Guddiga shaqada ka tegaya ee doorashooyinka inay taasi ka dhigan tahay inaanay jirin guud ahaan haba-yaraatee wax shaqo ah oo sii wadaan inaanay jirin iyo inay jiraan hawlo muhiim ah oo wakhtigu ka soo gaadhay, waxa uu yidhi; “Haa, immika ahaan waxaannu wadnaa ma jiro. Berri (maanta 29 October 2014) wixii ka dambeeya wax aannu fulinaynaa ma jiraan. Markaa, waa la isla wada-gartay Qaadhaan-bixiyeyaasha, Hay’adihii nala shaqaynayay iyo xataa dawladda waxaannu isla garnay hawlaha socday halkaas ku hakinno inta Guddiga cusub ee doroashooyinku imanayaan ee ay hawsha la wareeayaan.”
Ugu dambayntii Maxamed Axmed Xirsi Geelle oo ka jawaabayey su’aal aannu ka weydiinnay in hakintaas lafteedu caqabad ku noqon karto habsami-u-socodkii hawlaha doorashooyinka sannadka soo socda dalka inay dhacaan, waxa uu yidhi; “Horta, joojin maaha ee waa hakin, waa Gaadhi aad waddo oo aad joojisay oo qof kale Isteerinka qabtay oo dhaqaajiyey oo kale, kolkaa wax caqabad ah oo sidaa u weyni ma imanayso. Kolkaa waannu sugaynaa oo illaa inta la ansixinayo Guddiga cusub waannu sugaynaa illeen carari maynee waa in si xishmad leh xilka loola kala wareegaa.”
Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf oo aanu dhinacooda wax ka weydiinnay sida ay u arkaan muddo-xileedka guddiga doorashooyinka ee dhammaaday iyada oo aan la ansixin xubnaha guddiga cusub ee beddeli lahaa, waxa uu ku jawaabay, “Arrintaasi waa mid loogu talo-galay, kuwan immika joogana xafiiskaaba laga xidhay oo shaqadaa laga joojiyey iyagoon wakhtigoodii wali ka dhammaan, kuwii cusbaa ee shalay hawl-gali lahaana xukuumadda oo adeegsanaysa xildhibaanno leh muxaafidbaanu nahay oo siyaasadda madaxweynahaannu taageersannahay, ayaa si ula-kac iyo badheedh ah uga yimi in la ansixiyo.
Carqaladaha doorashada dib loogu dhigayo ee muddo-kordhinta ayuunbay ka wada mid tahay soo-celintan xeerka ee Salaabeen-gaal aanu xaqa u lahayn inuu soo celiyo, Komishankan la ansixin waayey, xeerkan immika lix bilood oo dha-dhaw la war-wareejinayo; waxaas oo dhami waxay ku wada-wajahan yihiin inaan dalka doorasho ka dhicin si muddo-kordhin loo sameeyo.”
Cali-guray oo la weydiiyey xalka xisbi ahaan ay u arkaan in lagaga gudbi karo caqabadaha uu xusay eek u gedaaman doorashooyinka, waxa uu ku jawaabay, “Waxay u baahnaan lahayd madaxweyne daacad ah oo soo jeeda. Waxaan xusuusanahay wakhtigii Daahir Rayaale uu madaxweynaha ahaa isaga oo 54 xildhibaan leh, ay labada gole ee baarlamaanku saddex-daloolow laba isku raaceen inaanay dalka doorasho ka dhicin, sharci ahaanna markaa waxay ahayd Daahir Rayaale inuu sidaas ku aqbalo waayo kumuu celin karayn xeerka aqlabiyaddii labada gole ansixiyeen.”
Cali guray oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Maanta qoladan baarlamaanka ee joogta waxa la doortay shan sanno, immikana toban sanno ayay joogaan, waxan ay wadaanna waa in tobankaa sanno iyo wax ka badan ay sharci-darro ku sii fadhiyaan. Maanta haddii ay tooda noqoto, dalku wuxuu galayaa xaalad mugdi ah oon la garanayn, Somaliland waxay haybad iyo sharaf hore u soo shaqaysatay ee in badan la lahaa ku-dayashay leedahay, waxay qoladani ka dhigayaan hal bacaad lagu lisay. Markaa waxa laysugu tagayaa waa doorasho la’aan, haddii doorasho la’aan laysugu tagona doorkan xaalku siduu noqonayo ma jirayo. Haddii labadan arrin la dhaafi kari waayo maalmaha soo socda, markaa waxay u baahanaysaa in talo- kale la gaadho, markaa waxay noqonayaa ninkii rooni reerka ha u hadho.” Sidaas ayuu yidhi Cali Maxamed Yuusuf.
Hoggaanka sare ee Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo aanu xalay wax ka weydiinnay muddo-xileeedka dhammaaday ee guddiga doorashooyinka iyo sida ay u arkaan muranka ka taagan ansixinta guddiga cusub, ayaa gebi ahaan ka gaabsaday inay wax ka yidhaahdaan arrintan.

Xukuumadda oo iska fogeysay inay Qayb ka tahay Khilaafka Wakiillada iyo Muddo-kordhin ay damacsan tahay
Hargeysa, 29 Oct, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ayaa iska fogaysay inay qayb ka tahay khilaafka ka dhex-aloosan mudaneyaasha Golaha Wakiillada iyo Wax qorshe oo ay kaleedahay muddo-kordhin lagu baajiyo doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan badhtamaha sannadka soo socda.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyi-gelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir, ayaa sheegay inaanay jirin wax faro-gelin ah oo ay xukuumad ahaan ku hayaan Golaha Wakiiladda, waxase uu ugu baaqay inay Gole ahaan dib isula noqdaan xeer hoosaadkooda oo ay dhamaystaan wixii khilaaf ah ee Golahooda ka dhex taagan.
“Golaha Guurtidda iyo Golaha Wakiiladda waxay u shaqaynayeen si wacan, Golaha Xukuumadd-na waxa uu u shaqaynaynaa si wacan waxay talladeeddu noqon-doontaa sidii aynu wax ku dhamaysan-jirnay . Golaha Wakiiladd-na waxaan ugu yeedhayaa sidii aad u shaqayn-jirteen iyo Aqlabiyaddii aad isku Ixtiraami-jirteen iyo Sidii aad isku Ixtiraami-jirteen isku Ixtiraama oo kuwii-na tirada badan xoog ha sheegani-na, kuwii-na laga badan yahayna Gal-galashadda iska daaya,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.
Isaga oo hadalkiis sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Ma Jirto wax faro-gelin ah oo ay Xukuumaddu Golaha Wakiiladda ku hayso waxay haysaa dhamaymahoodda, waanay dawaynaysaa, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka waa Hogaamiyayaasha qaranka ma jirto wax faro-gelin ah oo aanu ku haynaa Golaha Wakiiladda, Guddoomiye ku xigeenka afraad ee Xisbiga KULMIYE waa Madaxweyne ku xigeenka, markaa Xisbiga WADDANI haddii uu Xisbiga KULMIYE eedeeyo yaanu Xukuumadda ku gal-galan. Axsaabta oo dhan waxaanu ugu yeedhaynaa Dimuquraadiyadda ilaaliya Golaha Wakiiladda-na waxaanu leenanay Dimuquraadiyadii-na ilaaliya Aqlabiyadana Ixtiraama.”
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay inaanay jirin baahi ay qabto muddo kordhin, isaga oo ku dooday inaanay inay yar tahay in axsaabta tartamaysa laga helo murashax la loomi karo madaxweyne Siilaanyo, waxaanu yidhi, “Muddo Kordhin ILAAHAY nama badani, Musharaxayagu waa Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siillaanyo, musharax isla Sharixi-karaa maanta wuu yar yahay,” ayuu yidhi Cukuse.
Isaga oo hadalkiis sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi,“Cabdiraxmaan Cirro waa nin Mucaarid ah waa Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, wixii Hoggaamiye Xisbi Mucaarid ahi ku hadli-jiray ayuu ku hadlay, laakiin idinku waxaad moodaysaan in Guddoomiyihii Golaha Wakiiladdu idinla hadlayo , markaaa isaga oo Guddoomiyihii Golaha Wakiiladda ah wuu garanayaa Golihiisa in cid Xukuumadda ah oo faro-gelisaa aanay jirin, wixii Mucaarid odhan-jiray ayuu odhanayaa, Xaqaana wuu leeyahay.”
“Laakiin annagu waxaanu leenahay Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI adiga oo ah markan waxaad tahay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee Dalka, waxaanu ugu jecel nahay oo aanu idinku yeedhaynaa Golaha Wakiiladda waar fadhiista oo sidii aad isku maali-jirteen , Xeer-hoosaaddkiinii Ixtiraama Annaguna baahi weyn waxaanu u qabnaa inay Doorashaddii dhacdo, waxaanu baahi weyn u qabnaa in Miisaaniyaddii qaranka Ansixisaan waa mid idin-taalla , taas oo wax badan oo Noloshii qaranka ahi ku xidhan-tahay,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Ciidamada Qaranka oo fashiliyey Af-duub noociisu ugub yahay oo Koox Dhuxulaysato ahi ka gaysteen Gobolka Badhan
Badhan, 29 Oct, 2014 (Himilo)- Koox dhuxulaysato ah oo gadoodsan, ayaa afar nin oo dhalinyaro ah ka afduubay deegaan u dhexeeya tuulooyinka Damala-xagare iyo Awr-boogays oo ka tirsan gobolka Badhan, ka dib markii Ciidamo ka tirsan Milatariga Somaliland oo fadhisinkoodu yahay magaalada Ceerigaabo ay ka gubeen Dhuxul ay shiteen deegaankaas.
Falkan afduubka ah oo gelinkii dambe ee Isniintii todobaadkan ka dhacay meel u dhaxaysa Damala-xagare iyo Awr-boogays, ayaa la sheegay inay fuliyeen koox dhuxulaysato ah oo ka soo jeedda Deegaanka Awr-boogays, kuwaas oo Ciidamo ka tirsan Milatariga Somaliland oo hawl-gallo xaalufka deegaanka lagula dagaalamayo ka waday gobolka Badhan ay kala wareegeen dhuxul ay ka shiteen meel u dhow tuulada Awr-boogays.
Afarta nin ee la afduubay oo watay gaadhi xamuul ah oo ka tagay tuulada Damala-xagare, ayaa niis carro kaawo u doontay meel doox ah oo u dhexeeya labada tuulo, halkaas oo kooxda dhuxulaysatada ahi ka afduubeen, sida ay Himilo khadka telefonka ugu xaqiijiyeen masuul ka tirsan laamaha dawladda ee gobolka Badhan iyo qof shacab ah oo iyaga oo ku sugan magaalada Badhan xalay khadka telefonka ugu warramay Wargeyska Himilo.
Warku waxa uu intaas ku daray in Ciidamko ka tirsan milatariga Somaliland oo ay wehelinayaan madax-dhaqameedka beesha ragga afduubka fuliyey ka daba-tageen ka daba-tageen dhuxulaysatada falkan ku kacday, isla markaana ay soo badbaadiyeen Afarta nin oo caafimaad-qaba iyo kooxda afduubka geysatay.
“Afar ninbaa shalay (dorraad) galab lagu afduubay Damale Xagare iyo Awrboogays dhexdooda. Nimanka waxa afduubay waa dhuxulaysato Nimankan wax afduubtay waxay leeyihin ciidamada Somaliland-baa dhuxul naga gubay. Afarta nin waxay wateen baabuur xamuul ah oo waxay doonanayeen Niis, dabadeed iyagoo maraya meel u dhaxaysa Damala-Xagare iyo Awr-boogays, ayuu gaadhigii dhiidhi ka galay, nimankan dhuxulaysatada ahina sidaasay kula kulmeen,” sidaa waxa wargeyska Himilo khadda telefonka ugu sheegay Maxamed Aadan oo ka tirsan shacabka ku dhaqan magaalada Magaalada Badhan.
Isaga oo hadalkiis sii watay waxa uu yidhi, “Dabadeena ciidanka qarankaa ku baxay, nimankii waa la qab-qabtay, afartii ninna waa la soo badbaadiyey, iyagiina waxa immika lagu hayaa meeshii ay u dhasheen oo ah Aw-boogays,”
Dhinaca kale, Isuduwaha Xafiiska horumarinta iyo Nabadeynta gobollada Bari ee Somaliland Cabdikariim Maxamuud Xasan oo muddooyinkii u dambeeyey ku sugnaa deegaanno ka tirsan gobolka Badhan oo inta badan uu ka hawl-galo, ayaa Wargeyska Himilo u xaqiijiyey dhacdadan oo gelinkii dambe ee maalintii Isniinta ka dhacday meel u dhaxaysa tuulooyinka Awr-boogays iyo Damala-xagare ee gobolka Badhan oo ay kala deggen yihiin Beelaha Wargsangeli iyo Dhulbahante.
Cabdikariim oo arrimahan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Waa dad dhuxulaysato ah oo iyagoo dhuxulaysanaya ayaa ciidan kaga soo baxay Ceerigaabo, ciidankiibaa ka gubay dhuxushii. Markaa kuwii dhuxusha laga gubaybaa inamo Afar ah oo Niis u doontay meel dooxo ah oo gaadhi waaraad ah wata, ayaa la kaxaystay, haddana waa la soo celinayaa baa la lahaa oo xal nabadeed iyo waan-waan baa lagu soo celinayaa.”
“Odayaal ka soo jeeda beesha nimanka wax afduubtay ayaa ku baxay, innamadiina waa la soo celinayaa oo waa nabad-qabaan baa la yidhi maanta (shalay) galinkii dambe,” sidaas ayuu yidhi Isuduwaha Xafiiska horumarinta iyo Nabadeynta gobollada Bari ee Somaliland Cabdikariim Maxamuud Xasan.
Tallaabada Kooxda dhuxulaysatada ah ku afduubeen afarta nin oo u muuqda madax-fursasho ay ku doonayaan mag-dhowga dhuxusha ciidanku ka gubay, iyada oo nimanka afduubka loo geystay oo u dhashay tuulada Damala-xagare oo beesha Warsangeli deegaan ahaan iska leedahay, halka kooxda dhuxulaysatada ah u dhalatay deegaanka Awr-boogays oo ay deggen yihiin beel ka tirsan beelaha Dhulbahante ee dega Koonfurta gobolka Sanaag.

Xildhibaan Rayte oo Sheegay inay Xukuumaddu Guddiga cusub ee Doorashooyinka fartay inaanay hor-tegin Golaha Wakiillada
Hargeysa, 29 Oct, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte, ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inay Xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka loo soo xulay dhawaan ee aan la ansixin ay fartay inaanay hor-iman Golaha Wakiillada.
Xildhibaan Rayte waxa uu ku dooday in Xukuumaddu sida ay Xildhibaannada Muxaafidka ah u fartay inaanay hor-tegin Golaha Wakiillada si aan loo ansixin xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka ay Xubnaha laftoodana arrintaas oo kale u fartay. Waxaanu Xildhibaan Rayte sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hargeysa, kaasoo uu ku sheegay dulucda khilaafka ka dhex-taagan Golaha Wakiillada ee Mudanayaasha Muxaafidka iyo Mucaaradku ku hirdamayaan ay tahay arrin badi shacabka ka qarsoon oo ay muhiim tahay in la fahmaa.
“Farsamo ahaan marka laga yimaaddo nuxurka khilaafku muxuu daarran yahay? Wuxu daarran yahay arrin qudha, taasaan rabaa dadweynuhu inay fahmaan. Maxaa ka dhexeeya Komishankan la is-hortaagay iyo Xeerkan diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha? Dadka badankoodu ma arkaan waxa ka dhexeeya, waxbaa ka dhexeeya? Labuba doorashaday khuseeyaan, Xeerka diiwaangelinta Cod-bixiyeyaashu hadduu soo baxo waxa bilaabmaysa diiwaangelintii cod-bixiyeyaasha, hadday bilaabanto oo dhammaato doorashadii baa ku xigta, dariiqu waa bannaan yahay. Guddiga doorashooyinku haddii la ansixiyo muxuu qabanayaa?” sidaa ayuu yidhi Md. Rayte.
Waxa uu Xildhibaan Rayte intaas ku sii daray; “Wuxu qabanayaa diiwaangeilnta cod-bixiyeyaasha ayuu ka bilaabayaa, dabadeedna doorashada ayay qabanayaan, labada arrimood halkaasay isugu imanayaan. Waxan oo hawl ah, waxan oo haddal ah iyo waxan oo buuq ah nuxurka ay leedahay waxa weeye diiwaangelintu inay dib uga dhacdo xilligeedii, waayo way muddaysan tahay diiwaangelintu, doorashaduna way muddaysan tahay, haddii diiwaangelintu dib u dhacdo, waxa imanaya in doorashaduna dib uga dhacdo waqtigeeda, hadday taasi dhacdana waxa dhacaya waa la garanayaa. Waxa loo tegayaa Guurtida, Guurtiduna waxay samaynayaan arrintii caanka ahayd ee mudda-kordhinta.”
“Komishanka cusub Xukuumadda ayaa ku tidhi Golaha ha tegina, Xildhibaannada KULMIYE ka soo jeedana tidhi Golaha ha tegina, markaa waxan oo dhami waxay ku ururayaan Xukuumadda. Ujeeddada laga leeyahayna waa in muddo kordhin la helo, waxa la is-hortaagay labadii qodob ee Ansixinta Guddiga doorashada ee cusub iyo dedejinta Xeerka diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo ay Qaadhaan-bixiyeyaashu ku xidheen Kharashka ku baxaya dhammaystirkooda, muddo-kordhini haddii ay timaaddana waxa meesha ka baxayaa waxa weeye Xaqa Shacabka ee ah inay codkooda ku soo doortaan qofka ay doonayaan oo aan cid kale u doorin.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo ka mid ah Mudanayaasha Mucaaradka ee waqtigan ka tirsan Xisbiga WADDANI.

Xildhibaan Bashiir Tukaale oo si Qaawan u weeraray Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada
Hargeysa, 29 Oct, 2014 (Himilo)- Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka tirsan mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee ku abtirsada xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani isla markaana taabacsan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa si qaawan u weeraray Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golahaas Baash Maxamed Faarax oo uu ku weeraray weedho baalmarsan xaaladda iyo muranka ka taagan golaha Wakiillada.
Xildhibaan Bashiir Takaale ayaa weerarkiisu daba socday hadal guddoomiye Baashe Maxamed Faarax ka jeediyey kulan mudaneyaasha muxaafadka ah oo labada guddoomiye ku-xigeenka ku jiraan dorraad ku yeesheen magaalada Hargeysa, kaas oo uu kaga jawaabayey hadal mudaneyaal ka tirsan xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI qaylo-dhaan ka dhan ah muranka ka taagan Xeerka Diiwaangelinta ugu dirsadeen beesha Caalamka.
Xildhibaan Tukaale waxa uu ku dooday in ka been-abuuray hadalka Xildhibaannada mucaaradka ah, isla markaana ay shir-guddoon ahaan iyagoo xaqiiqadu waxa ay tahay garanaya ay majaro-habaabiyeen ismaan-dhaafka ka dhex-jira golahooda, waxaanu sheegay inay shir-guddoonka Md Baashe ka mid yahay loo gudbiyey Nuqulka xeerka golaha guurtida loo gudbiyey.
“Golaha Wakiillada marka laga doodayo Xeerarka, waxa jira Innamo xoghayn ah oo ninka kasta oo hadla (mudaneyaasha) codkiisii oo duuban baa la hayaa. Labada shir-guddoon ee ku-xigeennada mid waliba wuu haystaa nuqulkii (Xeerka) ee loo gudbiyey Golaha Guurtida si ay faylkooda u gashadaan, wixii ay xalay (habeen hore) ku hadlayeenna waad arkayseen,” sidaas waxa yidhi Xildhibaan Tukaale oo shalay warbaahinta kula hadlay shir-jaraa’id oo xildhibaano ka tirsan xisbiga Waddani ku difaaceen guddoomiyaha Golaha Wakilllada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo xildibaannada Muxaafidka ah ee Golahaasi ku eedeeyeen inuu Guurtida u gudbiyey xeer ka duwan Xeerkii Diiwaangelinta ee Wakiilladu ansixiyeen.
Xildhibaan Bashiir Tukaale waxa uu si qaawan u weeraray shakhsiyadda Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa; “Odayga Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Baashe AMISOM iyo Odayga madaxweynaha ka ah Koonfurta, ayuu dhowr jeer ku-cel-celiyey. Odayga wax kale odhan maayee, Barigii uu soo galayey Golaha Wakiillada wuxuu igu yidhi Boqol Dollar baa igaga baxay doorashada Golaha Wakiillada, boqolkaasina nin Kulmiye ka tirsan ayaa ka sii bixiyey isaga oo maqan. Laba cisho markii ay ka hadhay doorashadii guddoomiyeyaasha, ayuu diyaaradda ka soo dagay,” ayuu yidh Bashiir Tukaale.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray oo yidhi, “Markaa waxaan leeyahay, adeer adigoo bakhtiyaanasiib helay dadka inaad sidaa usii wareeriso maaha adigoon dadkaagii la joogin oo xataa kuwa gobolkaaga ee halkan jooga aan ka war-haynin, kuwa xaggaas (Sool) jooga iska daayoo, wuxuu xataa neceb yahay kuwa Somaliland-tu dhab ka tahay oo waanu ognahay. Markaa, waxaanu ku leenahay bakhtiyaanasiib ayaad heshay oo balaayo aanu oggolnahay ayaad tahaye iska shaqayso.”

Suldaan Maxamed oo ka hadlay muranka ka taagan Dhismaha Maktabadda Gandi oo ay ku guulaysatay Shirkadda Al-Xarbi
“Waxaan u arkaa arrinkaa mid khalad ah oo xaq-darro ah. Waxaan leeyahay guriyihii faraha badnaa ee shacabka Hargeysa ee Daaraha dhaadheer laga wada dhisay, maalin qudha cid ka hadashay ma jirto..” Suldaan guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir
Hargeysa, 29 Oct, 2014 (Himilo)- Suldaanka Guud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sheegay inaanay habboonayn in laga qayliyo dhul dawladdu leedahay oo sifo sharci ah ay ku heshay Shirkad waddani ah, isla markaana wuxuu xusay in reer Faarax Xarbi ay deegaan ahaan weligood-ba ahaayeen reer Hargeysa, ee aanay ahayn reer Burco iyo reer Ceerigaabo toona.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka hadlay muran ka dhashay dhulka ay hadda ku taallo Maktabadda Akhriska ee Gaandi ee Saldhigga dhexe ee Booliska ee badhtamaha magaalada Hargeysa dhinaciisa, oo hore u ahaan jirtay xaruntii Madbacadda xilligii Soomaaliya, kaasoo ay qandaraas ku heshay Shirkadda Al-xarbi. Suldaanka oo arrintaa ka hadlaya wuxuu sheegay, inay dawladdu xaq sharci u leedahay Maamulka dhulkeeda, isla markaana aanay habboonayn in qas iyo buuq laga abuuro baloodh dhul ah oo sifo sharci ah qof ku raacay.
Suldaanku hadal uu shalay warbaahinta siiyay oo uu arrinta dhulkaa kaga hadlay wuxuu ku bilaabay oo uu yidhi; “Had iyo jeer waxaynu aragnaa dhul dawladdu leedahay oo ay dad shacbi ah ka iibiso. Taariikhda reer Faarax Xarbi deegaan Burco iyo meel kale toona shaqo kumay lahayn, deegaankoodu waa Hargeysa. Guriyihii dawladda dadka ugu badan ee la siiyay ama laga iibiyay waa reerka Subeer Awal la yidhaahdo, weli maan arag cid ka daba qaylinaysa oo leh maxaa looga iibiyay halkaa, maxaa loo siiyay halkaa? Cidina kuma qabsato. Waxase la yaab leh waxa baloodhkan Maxkamadda sare dhismaha loogu dhisayo ee ay qandaraaska sharciga ah ku heshay Shirkadda Al-Xarbi looga daba qaylinayaa, illaa Wasiir illaa Biyatooni ay uga wadahadlayaan. Dadku miyay kala faddilan yihiin, dhulka miyaanay wada lahayn?.”
“Waxaan u arkaa arrinkaa mid khalad ah oo xaq-darro ah. Waxaan leeyahay guriyihii faraha badnaa ee shacabka Hargeysa ee Daaraha dhaadheer laga wada dhisay, maalin qudha cid ka hadashay ma jirto, cid baana badi qaadatay, loogama xuma, lagamana hadal, sidaa aawadeed maaha baloodh muwaaddin kale ku guulaystay in laga qayliyo. Waxa aannu ka war haynaa xitaa Wasiirradda Sacad-Muuse inay soo faro-geliyeen arrinta dhulkan yar ee Maxkamadda sare dhismaha loogu dhisayo ee Shirkadda Al-Xarbi tartanka Qandaraaska ku heshay.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed.
Suldaanku wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Xukuumadda waxaan leeyahay dadka ha u xaqsoorto, oo muwaadinka sifo sharci ah wax ku hela ha loo baneeyo dhulkiisa. Haddii Maktabad loo baahan yahayna, halkani waa dhul yare, dhulkii loogu talo galay ee Madaxweynuhu dhagax dhigay oo kan ku soo laba laamaya ha laga dhiso, anaga ayaa ka qayb-galayna oo dadka ayaa ka qayb-galaya, Gaandina Oday Taariikh leh buu ahaaye ha loo bixiyo magaciisa. Muran yar oo aanay Sakaaro ka biirsana laga wacan in la isu daba yaaco.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Hargeysa, 29 Oct, 2014 (Himilo)- Suldaanka Guud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sheegay inaanay habboonayn in laga qayliyo dhul dawladdu leedahay oo sifo sharci ah ay ku heshay Shirkad waddani ah, isla markaana wuxuu xusay in reer Faarax Xarbi ay deegaan ahaan weligood-ba ahaayeen reer Hargeysa, ee aanay ahayn reer Burco iyo reer Ceerigaabo toona.

Suldaanku hadal uu shalay warbaahinta siiyay oo uu arrinta dhulkaa kaga hadlay wuxuu ku bilaabay oo uu yidhi; “Had iyo jeer waxaynu aragnaa dhul dawladdu leedahay oo ay dad shacbi ah ka iibiso. Taariikhda reer Faarax Xarbi deegaan Burco iyo meel kale toona shaqo kumay lahayn, deegaankoodu waa Hargeysa. Guriyihii dawladda dadka ugu badan ee la siiyay ama laga iibiyay waa reerka Subeer Awal la yidhaahdo, weli maan arag cid ka daba qaylinaysa oo leh maxaa looga iibiyay halkaa, maxaa loo siiyay halkaa? Cidina kuma qabsato. Waxase la yaab leh waxa baloodhkan Maxkamadda sare dhismaha loogu dhisayo ee ay qandaraaska sharciga ah ku heshay Shirkadda Al-Xarbi looga daba qaylinayaa, illaa Wasiir illaa Biyatooni ay uga wadahadlayaan. Dadku miyay kala faddilan yihiin, dhulka miyaanay wada lahayn?.”
“Waxaan u arkaa arrinkaa mid khalad ah oo xaq-darro ah. Waxaan leeyahay guriyihii faraha badnaa ee shacabka Hargeysa ee Daaraha dhaadheer laga wada dhisay, maalin qudha cid ka hadashay ma jirto, cid baana badi qaadatay, loogama xuma, lagamana hadal, sidaa aawadeed maaha baloodh muwaaddin kale ku guulaystay in laga qayliyo. Waxa aannu ka war haynaa xitaa Wasiirradda Sacad-Muuse inay soo faro-geliyeen arrinta dhulkan yar ee Maxkamadda sare dhismaha loogu dhisayo ee Shirkadda Al-Xarbi tartanka Qandaraaska ku heshay.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed.
Suldaanku wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Xukuumadda waxaan leeyahay dadka ha u xaqsoorto, oo muwaadinka sifo sharci ah wax ku hela ha loo baneeyo dhulkiisa. Haddii Maktabad loo baahan yahayna, halkani waa dhul yare, dhulkii loogu talo galay ee Madaxweynuhu dhagax dhigay oo kan ku soo laba laamaya ha laga dhiso, anaga ayaa ka qayb-galayna oo dadka ayaa ka qayb-galaya, Gaandina Oday Taariikh leh buu ahaaye ha loo bixiyo magaciisa. Muran yar oo aanay Sakaaro ka biirsana laga wacan in la isu daba yaaco.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Maamulka Maktabadda Gandhi oo ka sheekeeyey Fekerkii Aasaaskeeda, Ciddii Bixisay Dhismaha iyo sida uu ku yimi Amarka lagu Xidhay
“Nin muwaadin ah baan ahay, nin muwaadinimadu dhab ka tahay baan ahayn, madaxweynaha Somaliland maanta waxaan ka codsanayaa, halkaa qaladbaa ka dhacay, qaladkaa in la saxo.”
Hargeysa, 29 Oct, 2014 (Himilo)- Maktabadda Gaandhi, ayaa maalintii saddexaad xidhan, ka dib markii ciidamada bilayska ee saldhigga dhexe oo fulinaya amar kaga yimi maxkamadda gobolka Maroodijeex, ay albaabada u laabeen loo laabay 25-bishan, ka dib markii la sheegay inay xukuumaddu ku wareejisay dhismaheeda iyo goobta ay ku taallo nin ganacsade ah.
Maktabadda Gaandhi oo xaruntii hore ee boostada oo dhinac Koonfureed kaga dhejisan Saldhigga Dhexe ee Hargeysa, ayaa shaqaynaysay 15-kii sanno ee u dambeeyey, waxase dhowrkii maalmood ee u dambeeyye soo baxayey warar sheegayey in xukuumaddu dhismaha Maktabadda iyo goobta uu ku yaalo ku wareejisay Nin ganacsade ah oo sida la sheegay dhisme dabaq ah ka jeexanaya goobtaas, arrintaas oo inta badan dhalinyarada iyo bahda akhristu ay si xooggan cambaareeyeen.
Maamulka Maxktabadda Gaandhi, ayaa tafaasiil ka bixiyey qorshihii lagu hirgeliyey Maktabadda, heerarkii kala duwanaa ee soo martay muddada 15-ka sanno ahayd ee ay jirtay iyo markii u horeysay ee uu ogaado ganacsadaha goobta lagu wareejiyey.
“Maktabadda Gaandhi 15 sannadood ayuu furan yahay, waxa la bilaabay 1999-kii, aasaaskiisu wuxuu ka yimi waddanka Canada oo laga keenay buugaagta iyo Shelf-yada. Wakhitgaasoo aanu la kulannay dawladda Somaliland maayarkii wakhtiyagaas ee Hargeysa Cabdiraxmaan Cadami oo xilligaas doonayey inuu Maktabad ka sameeyo meel Madbacadda Qaranku lahaan jirtay, annaguna aanu la kulannay anigoo u socda Hargeysa inaan Library ka furo, sidii buu ku hirgalay.
Madaxweynaha Somaliland baa Maktabadda soo ogolaaday, wasiirkii arrimaha Gudaha Axmed Jaambiir iyo ninkaas Maayarka ahaa ee Cabdiraxmaan Cadami, ayaa masuul ka ahaa. Wasiirku wuxuu Maayarkii u qoray waraaq uu u leeyahay ninkaasaa Maktabad casri ah meesha ka dhigaya ee muftaaxa u dhiib, warqaddii Wasiirku qorayna waa taas oo waan hayaa ilaa immika,” ayuu yidhi Maamulka Maktabadda.
Maamulka Makatabadda Gandhi Public Library waxa kale oo uu ka hadlay caga-juglayn iyo hanjabaad guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodijeex kula kacay, ka dib markii maktabadda loogu keenay waraaq yeedhmo ah oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Faysal Dheg-dhego.
“Waxa ku soo biiray muddo immika bil laga joogo, waxa Library-ga iigu yimi nin wada warqad uu leeyahay Maxkamadda gobolkaa lagaaga yeedhayaa. Maalintii ku xigtaybaan tagay maxkamadda gobolka, nin Oday ah oo guddoomiyaha maxkamadda gobolka ah oo layidhaahdo Faysal ayaa igu yidhi Waan ku xidhayaa, markii dambe ee aan ku idhi maxaad igu xidhaysaa, wuxuu igu yidhi ‘Maxkamadda Sare ayaa warqad laga soo qoray oo la leeyahay niman reer Somaliland ah oo baayacmushtar ah oo Ilma Faarax Xarbi la yidhaahdo ayaa dawladdu meeshaasi siisay, waa inaad toban cisho kaga baxdaa’. Markaa Faysal waan u sheegay oo waxaan idhi meeshu Library-bay ahayd, madaxweyne Cigaal baa bixiyey, meeshaasi waxay u furan tahay dadweynaha, waa meel wax lagu akhristo, maaha meel dukaan ah oo qof shakhsi ahi leeyahay, sidaasaannu ninkaas ku kala nimi.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Haddana warqad ayaa la keenay saldhigga Dhexe oo la leeyahay Library-ga ha la xidho, Library-giina wuxuu xidhan yahay. Waxaan qabaa inuu Library-gaasi khalad ku xidhan yahay oo uu gar-darro ku xidhan yahay oo uu dulmi ku xidhan yahay. Library-ga intaas oo dad ahi ka faa’idaysatay ee madaxweynuhu soo ogolaaday ee ay dawladdu ogeyn, in aayar nin ganacsade ah oo dan gooni ah wata la siiyo oo weliba aniga layidhaahdo waa lagu xidhayaa, waxaan u malaynayaa inay qalad weyn tahay oo dadweynaha waxbarashada ku xidhan qalad ku tahay.”
“Ninka Odayga ah ee meesha ku magacaaban oo ah Yuusuf Ismaaciil Samatar oo taariikhda iyo waxbarashada Somaliland magac ku leh oo madaxweynaha immika ee Somaliland marag ka yahay taariikhda uu dalka ku leeyahya, warqaddaasi meesha la keenayaa sharaf-dhacbay ku tahay ninka muwaadinka ah ee lacagtiisii iyo wakhtigiisii geliyey si wakhtigiisa dalka ugu faa’ideeyo. Ninka lacagtiisa dan-guud geliya in waliba la yidhaahdo Maxkamadbaa laguu soo dirayaa, waa qalad aad iyo aad u weyn, raalli kama nihin, Library-ga lama xidhi karo,” sidaas ayuu yidhi.
Maamulka Maktabadda Gandhi ee magaalada Hargeysa, waxa uu ugu dambayntii si gaar ah ula hadlay madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu yidhi, “Waxaan odhanayaa oo lagama maarmaan ah oo aan codsanayaa; nin muwaadin ah baan ahay, nin muwaadinimadu dhab ka tahay baan ahayn, madaxweynaha Somaliland maanta waxaan ka codsanayaa, halkaa qaladbaa ka dhacay, qaladkaa in la saxo.”

Tuesday, October 28, 2014
Madaxweynayaasha Ugu maal-qabeensan Qaaradda Afrika?-W/Q Cabdifataax Xasan Cirguje
Afrika waa qaaradda labaad ee ugu wayn dunida, haddana waan qaaradda labaad ee dunida ugu dadka badan.
Sidoo kale waa qaaradda ugu kheyraadka badan oo wali kheyraadkeedu dihin yahay marka loo eego qaaradaha adduunka. Misana waa qaaradda dadkeedu ugu faqiirsan yihiin caalamka. Qaaraddan ayaa waxaa ragaadiyay oo caalamka intiisa kale ka reebay dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihiin, kaligood-taliyayaal aan xilka ka dagin inay ka dhintaan ama laga fara maroojiyo mooyee, waxaana hadda jira qaar ka mid ah waddammada Africa oo ay hoggaamiyaashoodu waqti badan ama in muddaba sidii boqortooyadii oo kale iska xukumayaan, iska haystaan amaba iska maamulayaan, haddana dhanka kale dhibaatooyinka dadkooda haysata sida: gaajada, maamul xumada iyo horumar la’aanta ka indha xiran oo aan ka danqanayn balse taa badalkeeda ayaga iyo reerahoodu ay hanti ka tabcadeen.
Waxaan halkaan idiin kusoo bandhigayaa qaar ka mid ah madaxda hantida bilaa xadka ah ka tabcaday waddammada ay maamulaan, iyadoo dhanka kale dadkoodu gaajo iyo baahi ku dhammaadeen, Haddaba waxay iskugu jiraan Madaxdaan: qaar kamida kuwa waqtiyada badan iska xukumayay waddammadooda walina ayagu maamula iyo kuwo kale oo waqti kooban talada hayay balse aad ushaqaystay, waxaana lagu tilmaamaa madaxda caynkaas ah, Hoggaamiyaasha Jirran ee musuqmaasuqa iyo cadaalad darrada ku Taajiray “Leaders with Ill-gotten wealth”.
Hantidaas meel kale kama tabcan si kalena uma soo galiin, ee waa hantidii dadwaynaha, waxayna ka tabcadeen xoolahaas kheyraadkii la wada lahaayee dadka udhaxeeyay ee dalkooda, oo ay sigaara u maamusheen. Hoggaamiyaashaan jirran, meeshii ay dadkooda wax uga qaban lahaayeen, dhibaatada haysatana uga saari lahaayeen, shaqo abuurna ugu sameen lahaayeen, waxay si gooniya usamaysteen shirkado ganacsiyoodoo kala duwan, waxayna dhammaan shirkadahaas udhiibeen oo ay hoos geeyeen dad ay ehel wadaagaan.
Haddaba waa kuwaan Sagaalka Hoggaamiye ee sanadkaan 2014-ka ugu qanisan/hantida badan amaba ugu taajirsan qaaradeenaan Afrika cilmi baaris dheer kadib:-
1) Jose Eduardo Dos
Waa madaxwaynaha waddanka Angola
Waxuu talada hayay 34 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $20 Billion
Jose Eduardo waa Madaxwaynaha hadda talada haya ee Dalka Angoola, hantida uu gaarka uleeyahay waxaa lagu qiyaasaa in kabadan “$20 Billion”Labaatan Bilyanoo doolar, sidoo kale gabadha uu dhalay Madaxwaynuhu ee magaceeda ladhaho “Isabel Dos Santos” Iyana waa Bilyaneerad, waxayna haysataa lacag celcelis ahaan dhan “$3.8 Billion” Saddex Bilyan iyo sided boqoloo milyan oo doollar. Hadda gabadhaasi waa gabadha haweenka Afrikoo dhan ugu taajirsan, sidoo kale waa gabadha haweenka madaw oo dhan ugu qanisan amaba ugu hodansan. Dhanka kale Madaxwaynaha hantidaas xad dhaafka ah leh, dadkiisu 70% Boqolkiiba todobaatan waxay maalintii kunoolyahiin wax ka yar laba doolar.
2) Mohamed VI
Waa Boqorka waddanka Marocco
Waxuu talada hayay 15 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $2.5 Billion
Boqor Maxamad waa Boqorka Dalka Marooko, sidoo kale waa ninka ugu hantida badan ganacsatada dalka, hantida uu sida gaarkaa uleeyahayna waxaa lagu qiyaasaa “$2.5 Billion” laba Bilyan iyo Shan Boqoloo Milyan oo doolar.
3) Teodoro Obiang Nguema Mbasogo
Waa madaxwaynaha waddanka Equatorial Guinea
Waxuu talada hayay 34 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $600 Million
Teodoro Obiang waa madaxwaynaha dalka Igwatooriyaal Gini “Equatorial Guinea”, waxuu talada dalkaas kulawareegay Afgambi Militari, waxuuna kala wareegay adeerkiis “Francisco Macias Nguema”.
Sida uu qoray wargayskaan “Fobres Magazine” Madaxwaynaha iyo reerkiisuba waxay dalkaas katabcadeen dhaqaala aad u buuran, Marka laqiyaaso Hantida Madaxwaynuhu sida gaarkaa uleeyahay celcelis ahaan waxaa lagu qiyaasaa “$600 Million” Lix boqoloo milyan oo doolar. Haddaba inkastoo dalka Iqwatooriyaal Gini “Equatorial Guinea” uu yahay waddanka labaad ee Afrika ugu hodansan, haddana dadkiisu inta badan waxay ku nool yihiin nolol ka hoosaysa fakhriga.
4) Uhuru Muigai Kenyatta
Waa madaxwaynaha waddanka Kenya
Waxuu talada hayay 1 Sano oo kaliya.
Waxa uu haystaa celcelis ahaan haystaa Hanti dhan $500 Million
Uhuuru kiiinyaata waa madaxwaynaha dalka Kiinya, sidoo kalena waa wiil uu dhalay Madaxwaynihii ugu horeeyay ee dalkaasi Kiinya ee la oran jiray Joomo Kiinyaata “Jomo Kenyatta”. Hantida gaarka uu uleeyahayna celcelis ahaan waxay dhantahay “$500 Million” Shan boqoloo Milyan oo doolar.
Madaxwayne Uhuru iyo reerkiisa ayaa sida uu wargayka “Fobres Magazine” qoray waxay dalka Kiinya kuleeyihiin hanta aad ubadan, oo isugu jirta: Shirkado ganacsi, goobo dalxiis, dhul, beero iyo bangiyo.
5) Poul Piya:
Waa madaxwaynaha waddanka Cameroon
Waxuu talada hayay 31 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $200 Million
Poul Piya waxuu dalka Kaamiruun ka talinayay 31 Sano, Hantida uu haystana celcelis ahaan waxaa lagu qiyaasaa “$200 Million” Laba Boqoloo Milyan oo doolar. Dhanka kale dadka Reer Kaamiruun Boqolkiiba Afartan iyo Sideed 48% waxay kunool yihiin nolol ka hoosaysa fakhriga, oo waxaa maalintii soogasha amaba ay kunoolyihiin wax kayar $1 Hal doolar.
Sanadkii 2009-kii bay ahayd markuu warsidaha dalka faransiiska laga leeyahay ee lagu magacaabo “French Online News paper” uu shaaca ka qaaday in fasaxyada amaba safarada “Vocation” Madaxwaynaha dalka Kaamiruum ay kamid yihiin kuwa ugu qarashka badan dunida, marka loo eego madaxda caalamka, waxuu warsiduhu raaciyay in xataa uu ka qarash badanyahay madaxwaynaha Maraykanka.
6) Goodluck Jonathan
Waa madaxwaynaha waddanka Nigeria
Waxuu talada hayay 4 Sano oo kaliya.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $100 Million
Goodlick waa madaxwaynaha dalka Nigeria, lacagtuu haystana celceliss ahaan waa “$100 Million” Boqol Milyan oo Doolar, dhan waxaa lagu tilmaamaa hoggaamiye bulshadiisa waxyaalo badan kusoo kordhiyay marka la eego mudadii yarayd ee uu xilka hayay, dhanka kalena waxuu kamid yahay hoggaamiyaasha ku tagrifilay xoolihii dadwaynaha udhaxeeyay ee loo igmaday, hantina ka tabcaday intuu talda dalka hayay.
7) King Mswati III
Waa Boqorka waddanka Swaziland
Waxuu talada hayay 28 Sano.

Sida uu qoray wargayska “Forbes Magazine” ee kasoo baxa dalka Maraykanka, Marka la barbar dhigo dunida, qoyska Boqorka Miswaatiga 3-aad “Mswati III” waa qoyska ama reerka 15-aad ee dunida ugu taajirsan. Boqor Miswaati waa boqorka hadda xukuma dalka Iswaazilaan, waxuuna gaar uleeyahay waqtiga lajoogo hanti kabadan amaba kor udhaafaysa “$100 Million” Boqol miliyan oo doolar, Balse laba sano kahor sanadkii 2012-kii waxuu haystay hanti celcelis ahaan gaaraysay “$200 Million” Laba Boqoloo Milyan oo doolar, taa macnaheedu waxaa weeye waxuu lumiyay labadii sanoo lasoo dhaafay boqol milyanoo doolar.
Boqor Miswaati waxaa lagu eedeeyaa inuu hantida qaranka kulumiyo waxaan dalka iyo dadkaba dani ugu jirin, xagaaga sanadkii 2009-kii ayay ahayd markuu boqorku lacag “$6 Million” Lix milyan oo doolar ahayd uu ku qarash gareeyay, qaar kamida Sadddex iyo tobankiisa xaas adeegoodii oo kaliya. Sanadkaan 2014-Ka waxay baarlamaaanku u ansixiyeen sanad miisaaniyadeedka Boqorka Lacag dhan “$61 Million” Lixdan iyo Hal milyan oo doolar, Sidoo kale mid kamida Baabuurtiisa Raaxada ayaa qiimihiisu dhanyahay$500,000 Shan boqoloo kun oo doolar. Haddaba dhanka kale Boqorkaan raaxada kujira ayay dadkiisu boqolkiiba lixdan iyo saddex “63%” calaa qof Maalintii waxay kunoolyihiin$2 Laba doolar oo qura.
8) Idiris Deby
Waa madaxwaynaha waddanka Chad
Waxuu talada hayay 23 Sanno.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $50 Million
Idiris Deby waxuu dalka Jaad utalinayay 23 sano, lacagtuu haystana celceliss ahaan waa “$50 Milliom” Konton milyan oo Doolar. Sidoo kalen waxuu kamid yahay hoggaamiyaasha xoolo tabcashada kujira halka dadkooduna baahan yihiin.
9) Robert Mugabe
Waa madaxwaynaha waddanka Zimbabwe
Waxuu talada hayay 26 Sano.
Waxuu haystaa celcelis ahaan Hanti dhan $10 Million.
Mugabe waa madaxwaynaha dalka Zimbaawi, lacagtuu haystana celceliss ahaan waa “$10 Million” Toban Milyan oo Doollar, haddaba Kaligii taliskaan ayaa ah hantiile lacag badan haysta, doorashooyin badan oo dalkiisa kadhacay oo isbadal lagu doonayayna ku guulaystay, inkastoo ay jireen dhaleecayno kala duwanoo uga imaanayay dacalada dunida, waxaana lagu eedeeyaa inuu musuqmaasuqo dooorashooyinka.
GUNAANAD
Hoggaamiyeyaasha jirran ayaa ah hoggaamiyeyaal markasta naftooda ka hormariya dalka iyo dadkaba, waana kuwa marka talada loo dhiibo amaba loo igmado u arka nasiib ay dadka dheeryihii iyo waliba fursadii ay xoolo ku tabcan lahaayeen ee aan dib ujaleecin talooyinkay bulshadu usoo jeedisay markii ladoortay.
Hoggaamiyaashaan sifooyinkooda waxaa kamida in markay ololaha doorashada kujiraan dadka had iyo goor ugu qudbeeyaan hadallo aad qurux badan iyo balan qaadyo dadka rajo ku abuura, balse marka ladoorto lasoo baxa sawirkooda runta aha ee ay kaqariyeen bulshada, waxayna meesha uga tagaan balan qaadyadii loo wada riyaaqay ee fulintooda loo doortay.
Haddaba akhristayaal dawladahaan aan kor ku xusay waa dawlado dhisan oo nidaam kala dambayn leh, sidoo kalena dadkoodu waxay ku seexdaan nabad oo ah tiirka ugu muhiimsan dawladda. Marka bal qiimeeya dalkeena Soomaaliya oo aad ogtihiin xaaladu kusuganyahay! Iyo Dadkeena oo aad ogtihiin nolosha ay kunoolyihiin!
Waa tay Soomaali horay utiri “Dameeraley dad laxer maahee” Bal kawarama haddii Hoggaanka talada haya ee dalka ee loo doortay inay aafada ku habsatay dadkeeda ka samata bixiso, ay udhaqanto sida hoggaamiyaashaas aan kor kusoo xusay?! Xaqiiqdii waan qiiroodaa markastoo aan maqlo dawladda Soomaaliya waxbay musuqmaasuqday!
Waxaan hadalka uga baxayaa oraahdii Soomaaliyeed ee caan ka ahaydee oranaysay “Ninkii Timir beeriyo Ninkii Tiin talaalaba Taariikhdu way qori”.
FIIRO GAAR AH: Xogtan ku saabsan Hoggaamiyaasha Afrika waxaan kasoo xigtay, warsida kasoo baxa dalka Marayka ee Layiraahdo “Fobres Magazine” sidoo kale waxaan iyagana wax ka soo qaatay “Foreignpolicy.com, iyo French online News paper”.
Cabdifataax Xasan Cirguje
Email: cirguje1986@gmail.com

Madaarka caasimada Somaliland oo markii u horeysay laga hirgaliyey in rakaabka laga baadho cudurka EBOLA
Hargeysa (Himilo) Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa ka bilowday hawlgal caafimaad oo dadka dalka soo galaya lagaga baadhayo cudurka Ebola.
Hawlgalka baadhitaanka cudurka Ebola ayaa markii u horeysay laga fuliyey madaarka caasimada hargeysa ee cigaal internation airport, kaasoo ay iska kaashanayaan wasaaradaha caafimaadka iyo duulista hawada, talaabadan oo ka mid ah qorshe xukuumada Somaliland ku doonayso inay kaga hortagto cudurka Ebola oo haatan dunidu si weyn uga baqo qabto.
Baadhitaanka caafimaad ayaa isla maanta lagu bilaabay dhammaan dadkii ka soo degay madaarka diyaaradaha ee Hargeysa, waxaana hawshu siday u socoto iyo qorsheyaasha Xukuumadda ee ku aaddan cudurkan.
Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa u kormeer uu ugu kuurgalayo oo soo kormeeyey hawl-galka baadhitaan ee shaqaalaha caafimaadku ka wadaan Madaarka Hargeysa ee ay ku hubinayaan cudurka Ebola, waxaanu sheegay inay hawshaasi u socoto si habsami ah.
Dhinaca kalena hawlwadeeno caafimaad oo dadka ka baadhaya cudurka Ebola ayaa la dhigay iridaha xuduudaha dalka Somaliland laga soo galo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Hawlgalka baadhitaanka cudurka Ebola ayaa markii u horeysay laga fuliyey madaarka caasimada hargeysa ee cigaal internation airport, kaasoo ay iska kaashanayaan wasaaradaha caafimaadka iyo duulista hawada, talaabadan oo ka mid ah qorshe xukuumada Somaliland ku doonayso inay kaga hortagto cudurka Ebola oo haatan dunidu si weyn uga baqo qabto.

Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa u kormeer uu ugu kuurgalayo oo soo kormeeyey hawl-galka baadhitaan ee shaqaalaha caafimaadku ka wadaan Madaarka Hargeysa ee ay ku hubinayaan cudurka Ebola, waxaanu sheegay inay hawshaasi u socoto si habsami ah.
Dhinaca kalena hawlwadeeno caafimaad oo dadka ka baadhaya cudurka Ebola ayaa la dhigay iridaha xuduudaha dalka Somaliland laga soo galo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Xildhibaan Aareeye Oo Si Kulul U Weeraray Hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo
Hargeysa:Oct,28,2014(HImilo)-Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahim Aareeye oo ka tirsan Mudanayaasha La Safan Garabka Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, ayaa eedo kulul dusha ka saaray Madaxweynaha somaliland.
Xildhibaanka ayaa shaaca ka qaaday dhacdooyin uu ku sheegay fashillo siyaasadeed oo dhacay intii uu Madaxweyne Siilaanyo Caynaanka Hayey, waxana uu tilmaamay in loo Baahan yahay in wax laga barto.
“Siyaad Barre ayaan ka cabanaynaye, waxaa ina helay mid boqol Siyaad inagu noqday oo kuwo yar-yar oo gaagaaban haysta ayaa dalkii u soo baxay.markaa haddii Aayatul Kursi kasta lagu Akhriyana waxba laga qaban kari maayo, ilaa Shacabku yar iyo weyn ay gartaan danahooga oo Nin Caashaqana iska daayaan.Anagu hebel doorta idin ma lihin,kaas Caashaqa idin ma lihin, waxaan leenahay waar dalkii Halis buu ku jiraa” ayuu yidhi XIldhibaan Aareeye.
Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye, waxa uu sheegay in dhacdooyin aan hore Somaliland uga dhicin dhaceen intii uu dalka hogaaminayay Madaxweyne Siilaanyo “SNM uun baan ka maqli jiray wuu na kala kaxeeyey, waar ma Ninkan Odayga ah baa idin kala kaxeeyay uun baan Odhan jiray.maanta Somaliland wuu kala kaxeeyey.intuu joogay waxaa dhacday in Cali Khaliif halkaas ku soo dego oo Khaatumo lagu dhawaaqo, waa markii ugu horaysay ee Maamul Somaliland ka baxsan lagu dhawaaqo.Waxaa halkan Yimid Odayaashii Sama-roon oo tabasho u yimid, waxaa guddi loogu saaray oo la yidhi la xaala dadkii ay ka cabanayeen.waxaa ka horeeyay Odayaal Ciise ah oo iyana waxay halkan ka huleeleen iyagoo kabna lulaya kabna laalaadinaya.cid la rabaa ma jirto. Maanta halkee ugu dambeysa ayaa la yidhi, waxaa la yidhi Gudoomiyaha 50 talaabo ayuu inoo jiraaye haddii aynu kaas is dhaafin weyno Allaylehe waxba inooma yaalaan,Beelaha isaaq oo dhan marka la isku daro,meesha kaliya ee cid aan iyaga ahayni haysaa waa Halka Cabdiraxmaan.halkii Cabdiraxmaan Cirro na mid iyaga ah ayaa loo soo rabaynayaa oo ay wadaan Saleebaan iyo Siilaanyo in dhakhso loo fadhiisiyo.Qoladii Cabdiraxmaan ka dhashayna wey taagan tahay” ayuu yidhi Xildhibaan Aareeye.
Xildhibaanka oo sii wada dhaliilaha Siilaanyo waxa uu yidhi “Odaygu(Siilaanyo)wuxuu ahaa Nin Wanaagsan oo fiican, inta aan ka aqaano,Nin kasta oo wanaagsan waxbaa hela,waxbaa helay Odaygii wax helayba,wuxuuna maanta u muuqdaa qalin khadkii ka dhamaaday .Qalinka khadku markuu ka dhamaadana waa la iska tuuraa.Tuuris uma quudhnee waa Oday soo halgamaye Xanaanuu u baahan yahay oo meel la fadhiisiyo oo bisil la siiyo saddexdaa gaadhina iska wada la yidhaadho oo qoladan sidii Maqaarka kuwadana Iska diidoo haddii aad Axmed-kii la yaqaanay tahay iskaga tag meesha oo Iscasil dantaadu taasbay ku jirtaa oo Cimri kuuma hadhine” ayuu yidhi Xildhibaan Aareeye.

Midowga Reer Yurub Oo Ka Wadahadlaya Arrimaha Soo Galootiga
Brussels:Oct,28,2014(HImilo)-Midowga Reer Yurub, ayaa wax iska weydiinaya talooyin la xidhiidha sida laga yeelayo Soo Gelootiga sida mawjadaha ugu soo qulqulaya Dalalkooda.
Saraakiil dalalkan ka kala socda oo ku shirsan Dalka Belgium-ka, ayaa ka fikiraya sida ugu wanaagsan ee loola macaamilayo dadka kasoo yaacaya qaaradaha Afrika iyo Asia, waxana ay ku mashquulsan yihiin inay soo saaraan wax lagu qanco.
Kullankan, waxa uu dhacayaa ayadoo maanta lagu wado in dawalda Talyaaniga ay isu diyaarineyso inay ku wareejiso ilaalada badda Mediterranean-ka xoogag xadidan oo EU ah, kuwaasi oo xoogga saari doona ilaalinta xadadka halkii ay ka fulin lahaayeen baadhis iyo badbaado.
Golaha qaxootiga Yurub ayaa sheegay niyad ahaan ay qaladan tahay in laysku dayo in la weeciyo soo galooti cusub iyadoo la ogolaanayo dad badan inay badda ku dhintaan.
Ugu yaraan sadax kun ayaa qarqoomay sanadkii la soo dhaafay iyagoo isku dayay inay gudbaan, waxayna ciidamada badda Talyaaniga ay badbaadiyeen boqol iyo konton kun oo kale.

Subscribe to:
Posts (Atom)