
Waddanka ku yaala Bariga qaaradda Afrika ee Rwanda, ayaa noqday waddankii u horeeyey ee rakaabka diyaaradaha uga imanaya dalalka Maraykanka iyo Spain ku sameeynaya baadhitaanno lagaga hubinayo Cudurka Ebola.
Waddamada Maraykanka iyo Spain, ayaa noqday dalalkii ugu horreeyey ee ka baxsan qaaradda Afrika ee dalalkooda gudihiisa uu gaadho cudurkani.
Safaarada Maraykanku ku leeyahay waddanka Rwanda, ayaa boggooda Internetka ku daabacay in dawladda Rwanda baadhitaanno cudurka lagaga hubinayo ku samaynayso rakaabka saaran diyaaradaha ka soo shiraacda garoomada Maraykanka iyo Spain.
“Dalxiisayaasha muddo wakhti ku soo qaatay Maraykanka ama Spain 22 maalmood ee u dambeeyey, waxa loo baahan yahay inay ka war-bixiyaan xaaladdooda caafimaad, iyada oo aan loo egayn oo kaliya inay leeyihiin Astaamaha Ebola, waxaanay warbixintooda ku gudbinayaan iyada oo la xidhiidhaya telefoonka 114 inta u dhaxaysa 7:00 subaxnimo iyo 8:00 Fiidnimo, inta ay ku sugan yihiin Rwanda. Dawladda Rwanda waxay diidday inay dalkeeda soo galaan dadka u socdaallay Guinea, Libera, Senegal ama Sierra Leone 22 maalmood ee la soo dhaafay,” Sidaa waxa lagu sheegay qoraal lagu baahiyey bogga internetka ee Safaaradda Maraykanka ee Rwanda.
Waddanka Rwanda oo ku yaala Bariga Afrika, ayaa aad uga durugsan waddamada Galbeedka qaaradda ee cudurku ka dillaacay, waxaanay tallaabadan u qaadday inay dalkeeda ka xakamayso cudurkan.
Go’aanka Dawladda Rwanda ee ku Wajahan dalalka Maraykanka iyo Spain, ayaa u muuqda mid ka dhashay ka dib markii todobaadyadii u dambeeyey labadaas waddan lagu arkay dhowr qof oo cudurkani ku dhacay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment