
Suldaan Abshir waxa kale oo intaasi ku daray “Dadka ku nool Lughaya, waxa ay ganacsiyo kooban oo sigaar u badan u iibgeeyaan Yaman, arrintii sidaas ahayd ayaa la yidhi nin la yidhaa Ina Awsiciid ayaa loo xidhay oo dadkii ma dhoofin karaan, waxa maanta lughaya ka dhacayana isaga ayaa u sabab ah, waxa aan ka biyo diidnay arrintaas oo waxa aan u tagnay wasaarada Gaashaandhiga oo aan kaga dacwoonay ciidanka xoogan ee ay xukuumadu soo dhoobtay, waxayna yidhaaheen badda ayaan ilaalinaynaa, ninkii jananka ahaa ayaa loo tagay oo waxa uu yidhi waxbaa meesha ka soo daga oo aan ilaalinaynaa, Wasaaradii Maaliyada ayaa loo tagay oo waxay tidhi anagu shaqo kuma lihin, Wasaaradii ganacsiga ayaase shaaca ka qaaday arrinta uurjiifta ah oo tidhi Ninka ina Aw-siciid ma aha ee waa qof kale wax buskud ah ma dhoofin karo ayayna tidhi, waa wax lala yaabo, Muu’minka daciifka ah, Muminka Qawiga ah ayaa Eebe ka jecel yahay, waxaan leeyahay reer Lughaya meeshaas yari waa isha kaliya ee aad leedihiin ee wax idiinka soo dagaan ee aad ku nooshihiin, waxa aan leeyahay kolay dayn maysaane idinka rasaastu ha idinku dhacdo”ayuu yidhi Sul. Abshir
Isaga oo hadalka sii watana Sul. Abshir waxa uu yidhi “ Ninka Ciidanka Qaranka haysta waxa laga sheegayay maxaan Mayd ugu iman waayay, waxa aanan leenahay haddii aad maanta arki wayday bariba waad arki maydka aad u calaacalayso, Madaxwayne ku xigeenka waa loo tagay hadal shaafi ahna nama odhan, waxna kama uu tarin oo Ina-awsiciid ayuun buu noola mid yahay, waxa aan leenahay Madaxwaynaha ayuun baan ogayn arrintaasi ee madaxwayne dadkaagu kuma necba ee waa lagugu dirayaa ee wax ka qabo, inta ka soo hadhayna Anagu waanu ka dhalanay Eebena Waan leenahay, Madaxwayne Meel aan lughaya ahayn oo laga hadlayaa ma jirto, meel goobo ka xidhan yihiin oo aan Lugahaya ahayn ma jirto, Meel xadkeeda lagu murmayo oo aan Lughaya ahayni ma jirto, meel imika la helay oo la kala boonayo ayaa la moodaa, mana noqonayso oo sidii ay ahayd ayay ahaaniye, dadkaaga Madaxwayne kala cesho, dad ayaa cidhiidhi nagu haya adiga kaa soo horeeya ee inta anay xeedho iyo fandhaal kala dhicin dadkaaga naga cesho”
Eng. Bilaal oo halkaasi ka hadalay ayaa isna yidhi “ Waxa dhacay waa wax argagax leh, dad barakacsan oo reer miyi ah ayaa xabad lala dhacay, oo xoolahoodii la laayay, qaybna la didiyay oo duurka galay, waxaas dhacaya ma ahayn wixii aan xukuumada kulmiye ka sugaynay oo kama aanan Mutaysan, dadkaas waxa ay dhoofiyeen waxii wadanka yaalay oo ay dalal shisheeye u dhoofiyeen ee dawladeenii ma dalal shisheeye ayay Gaadh u noqotay oo ay ilaalinaysaa, reer Magac-lehna kaligood ayuun baa wax wadaya ee inta kale ha daawato ma aha wax la qaadan karo, dadka barakacsanna arrinta saarani waa mid xanuun kulul shidaalkii ayaanan ogayn, tana waa mid kale oo dheeri ah, ciidankii qaranka ee cadawga difaaci jirayna hadii uu dadkiisii ku soo laabtay waa wax la yaab leh, waxaana aan xukuumada ka rabnaa in arrinta dhacday wax laga qabto, umadaasna laga dulqaado cunaqabataynataasi lagu hayo.
Caaqil Cismaan Yaasiin (Cismaan Djibouti) oo hadalka soo afmeeray ayaa dhacdadii u dambaysay ku sifeeyay mid la mid ah dhaqankii boqorkii Xabashida ee Xayle Salaase waxaana uu yidhi “Hawl dheeri ah oo aan lagaranayn dadkuna iswaydiinayaan waxa dhacay ayaa xaal yahay, dawlada waxa aan u qornay tabasho dhamaystiran, kama soo jawaabin, waxaana ay noogu dartay inay baddii Lugahaya naga xanibaan, ciidamo ayaa la dul dhigay dadka oo la moodo in lagu balamiyay in reer Lughayaad ay laayaan oo maydkoodu is dul fuulo, habeen hore dadka rasaas ayaa lagu furay oo xoolahii ayaa la laayay, 3500 oo halaad ayaa maqan oo la la’yahay oo waraabe badidoodii cunay, dadkiina imika waxa aan u oodnay xero qaxooti ah oo waxa aan leenahay xukuumadii masruufi lahayd ha soo diyaargarawdo oo ha is shaaciso, waxa aan leenahay dhibta lagu hayo Lughaya ma aha mid loo adkaysan karo hadii xoolahii la dhaqanahay la laynayo si la mid ah sidii Xayle Salaase xoolaha Soomaalida u layn jiray, meeshu waa barakac, xaalkana waan ka dayrinaynaa, waxaan leenahay Dawladu ha ogaato nabadu inay tahay mid dadka gacantiisa ku jirta, daka reer Lughayaad ee beerka dhulka ku hayay ee cabsoonayay, maanta waxay u muuqdaan in la kicinayo oo cabsidii laga biinayo xaaladuna faraha ayay ka bixi doontaa ee xukuumadu ha ogaato arrintu sida ay u fool xuntahay maanta hana soo dadajiso xal waara oo dadka reer Lughaya helaan.
Wabilaahi Tawfiiq
Abdale Ali Yusuf
Borama Awdal
+25224456820
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment