Hargeysa, 29 Oct, 2014 (Himilo)- Maktabadda Gaandhi, ayaa maalintii saddexaad xidhan, ka dib markii ciidamada bilayska ee saldhigga dhexe oo fulinaya amar kaga yimi maxkamadda gobolka Maroodijeex, ay albaabada u laabeen loo laabay 25-bishan, ka dib markii la sheegay inay xukuumaddu ku wareejisay dhismaheeda iyo goobta ay ku taallo nin ganacsade ah.

Maamulka Maxktabadda Gaandhi, ayaa tafaasiil ka bixiyey qorshihii lagu hirgeliyey Maktabadda, heerarkii kala duwanaa ee soo martay muddada 15-ka sanno ahayd ee ay jirtay iyo markii u horeysay ee uu ogaado ganacsadaha goobta lagu wareejiyey.
“Maktabadda Gaandhi 15 sannadood ayuu furan yahay, waxa la bilaabay 1999-kii, aasaaskiisu wuxuu ka yimi waddanka Canada oo laga keenay buugaagta iyo Shelf-yada. Wakhitgaasoo aanu la kulannay dawladda Somaliland maayarkii wakhtiyagaas ee Hargeysa Cabdiraxmaan Cadami oo xilligaas doonayey inuu Maktabad ka sameeyo meel Madbacadda Qaranku lahaan jirtay, annaguna aanu la kulannay anigoo u socda Hargeysa inaan Library ka furo, sidii buu ku hirgalay.
Madaxweynaha Somaliland baa Maktabadda soo ogolaaday, wasiirkii arrimaha Gudaha Axmed Jaambiir iyo ninkaas Maayarka ahaa ee Cabdiraxmaan Cadami, ayaa masuul ka ahaa. Wasiirku wuxuu Maayarkii u qoray waraaq uu u leeyahay ninkaasaa Maktabad casri ah meesha ka dhigaya ee muftaaxa u dhiib, warqaddii Wasiirku qorayna waa taas oo waan hayaa ilaa immika,” ayuu yidhi Maamulka Maktabadda.
Maamulka Makatabadda Gandhi Public Library waxa kale oo uu ka hadlay caga-juglayn iyo hanjabaad guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Maroodijeex kula kacay, ka dib markii maktabadda loogu keenay waraaq yeedhmo ah oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiye Faysal Dheg-dhego.
“Waxa ku soo biiray muddo immika bil laga joogo, waxa Library-ga iigu yimi nin wada warqad uu leeyahay Maxkamadda gobolkaa lagaaga yeedhayaa. Maalintii ku xigtaybaan tagay maxkamadda gobolka, nin Oday ah oo guddoomiyaha maxkamadda gobolka ah oo layidhaahdo Faysal ayaa igu yidhi Waan ku xidhayaa, markii dambe ee aan ku idhi maxaad igu xidhaysaa, wuxuu igu yidhi ‘Maxkamadda Sare ayaa warqad laga soo qoray oo la leeyahay niman reer Somaliland ah oo baayacmushtar ah oo Ilma Faarax Xarbi la yidhaahdo ayaa dawladdu meeshaasi siisay, waa inaad toban cisho kaga baxdaa’. Markaa Faysal waan u sheegay oo waxaan idhi meeshu Library-bay ahayd, madaxweyne Cigaal baa bixiyey, meeshaasi waxay u furan tahay dadweynaha, waa meel wax lagu akhristo, maaha meel dukaan ah oo qof shakhsi ahi leeyahay, sidaasaannu ninkaas ku kala nimi.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Haddana warqad ayaa la keenay saldhigga Dhexe oo la leeyahay Library-ga ha la xidho, Library-giina wuxuu xidhan yahay. Waxaan qabaa inuu Library-gaasi khalad ku xidhan yahay oo uu gar-darro ku xidhan yahay oo uu dulmi ku xidhan yahay. Library-ga intaas oo dad ahi ka faa’idaysatay ee madaxweynuhu soo ogolaaday ee ay dawladdu ogeyn, in aayar nin ganacsade ah oo dan gooni ah wata la siiyo oo weliba aniga layidhaahdo waa lagu xidhayaa, waxaan u malaynayaa inay qalad weyn tahay oo dadweynaha waxbarashada ku xidhan qalad ku tahay.”
“Ninka Odayga ah ee meesha ku magacaaban oo ah Yuusuf Ismaaciil Samatar oo taariikhda iyo waxbarashada Somaliland magac ku leh oo madaxweynaha immika ee Somaliland marag ka yahay taariikhda uu dalka ku leeyahya, warqaddaasi meesha la keenayaa sharaf-dhacbay ku tahay ninka muwaadinka ah ee lacagtiisii iyo wakhtigiisii geliyey si wakhtigiisa dalka ugu faa’ideeyo. Ninka lacagtiisa dan-guud geliya in waliba la yidhaahdo Maxkamadbaa laguu soo dirayaa, waa qalad aad iyo aad u weyn, raalli kama nihin, Library-ga lama xidhi karo,” sidaas ayuu yidhi.
Maamulka Maktabadda Gandhi ee magaalada Hargeysa, waxa uu ugu dambayntii si gaar ah ula hadlay madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu yidhi, “Waxaan odhanayaa oo lagama maarmaan ah oo aan codsanayaa; nin muwaadin ah baan ahay, nin muwaadinimadu dhab ka tahay baan ahayn, madaxweynaha Somaliland maanta waxaan ka codsanayaa, halkaa qaladbaa ka dhacay, qaladkaa in la saxo.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment