Sunday, October 26, 2014

Madaxweyne Siilanyo Oo Ka Qeybgalay Xaflad Caano Geel Laysku Sooryeeyey Oo Lagu Furayey Dhisme Cusub Oo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Loo Dhisay

Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme laba dabaq ka kooban oo wasaaradda Maaliyaddu maalgelisay loona dhisay wasaaradda Xanaanadda Xoolaha xaruntooda Hargeysa.
Dhismahana cusub oo qeyb ka ahaa ballanqaadkii xukuumada ee dib-u-dhiska kaabayaasha qaranka ayaa maanta guud ahaan martidii ka qeybgashay furitaankiisa lagu sooryeeyey caano geel oo lis ahaa, kana dhigtay xafladii ugu horeysay een lagu arkin waxyaalaha inta badan xafladaha loogu yimaado ee ay ka midka yihiin keega, buskudka iyo sambuusaha.
Madaxweyne Siilanyo oo kormeer ku sameeyey dhamaan xafiisyada kala duwan ee dhismaha cusub ee wasaaradda Xanaananda Xoolahu ka koobnayd ayaa ku amaanay wasiirka wasaaradda Xanaanada xoolaha iyo dhamaan madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda, sida sharafta iyo xilkasnimada leh ee ay uga qaybqateen sidii ay u heli lahaayeen dhisme sidan oo kale u qurux badan iyo shaqaale tayeysan oo ay ka muuqato haybadii shaqaalenimo sida maanta idinka muuqata ee aad heegan ka ugu tihiin wasaaradda.
Intaasi ka dib Madaxweyne Siilanyo oo lagu soo dhoweeyey goobtii loo asteeyey in xaflada furitaanku ka qabsoonto oo martisharaf kala duwan oo ka kooban goleyaasha qaranka, salaadiinta Somaliland qaarkood, waxgarad iyo aqoonyahan kala duwani lagu soo casuumay ayaa khudbadihii kala duwanaa ee martidii iyo madaxdii ka soo halkaasi goobjooga ahayd ka jeediyeen u dhaceen sidan:-
HALKAN KA DHEGAYSO

[audio mp3="http://himilomedia.com/hmg/wp-content/uploads/2014/10/Codka-Madaxweynaha-JSL-ee-Furitaanka-Wasaaradda-Xanaanada-Xoolaha.mp3"][/audio]
DAAWO SAWIRADA XAFLADAN

[gallery columns="4" ids="10250,10249,10248,10247,10245,10244,10242,10241,10240,10239,10238,10237,10236,10235,10234,10233,10232,10231,10230,10229,10228,10227,10226,10225,10224,10223,10222,10221,10220,10219,10218,10217,10216,10215,10214,10213,10212,10211"]

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment