Friday, October 31, 2014

Ukrain Oo Dib U Helaysa Gaaskii Hore Ruushku Uga Joojiyey

Kiev:Oct,31,2014(Himilo)-Dalka Ruushka ayaa markii ugu horraysay Ogolaaday inuu dib u celiyo Gaaskii uu siin jirey Dalka Ukrain oo ay hore uga Joojiyeen, kadib is af garanwaa labada dhinac dhex maray.

kievRuushku waxa uu ogolaaday in uu dib u bilaabo gaaskii uu u dhoofin jiray Ukraine, waxa uuna qayb ka yahay heshiis ay dhexdhexaadiyeen Midawga Yurub, kaas oo labada dhinacba faa’iido ay ku heli karaan.

Xukuumadda Ruushka ayaa joojisay shidaalkii ay u dhoofin jirtay Yukraine dhawr bilood kahor, sababtuna waxa weeye Ukraine oo iska bixin wayday daymo ay daymo ay Ruushku ku yeesheen.

Heshiiskan waxaa kale oo uu ogolaanayaa in shidaalku uu sii dhexmaro Ukraine oo wadamo kale oo qaarada Yurub ah laga iibiyo, waxana ay hore Gaaska Ruushku marin ugu ahayd dalal badan oo yurub ah.

Madaxa arrimaha shidaalka ee Midawga Yurub Guenther Oettinger ayaa sheegay in uu ku kalsoonyahay in Ukraine ay awoodi doonto in ay iska bixiso kharashaadka shidaalka ay u baahantahay.

Waxa uu intaas ku daray in arrintan ay noqon karto talaabo yaraysa xasaasiyada ay kala qabaan Ruushka iyo Ukraine.

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment