Sunday, October 26, 2014

Mudanayaasha Muxaafidka ah Oo Maanta Fashiliyey Kulan Aan Caadi ahayn Oo Golaha Wakiilladu Lahaayeen iyo Eedo Labada Dhinac Isweydaarsadeen

Hargeysa:Oct,26,2014(Himilo)-Mudanayaasha Golaha Wakiillada somaliland, ayaa Maanta fashiliyey kulan aan caadi ahayn oo Shirguddoonku ugu baaqay, kaas oo u jeeddadiisu ahayd in la ansaxiyo Xubnaha komishanka doorashooyinka qaranka somaliland.

KILOKulankan oo saaka loo ballansanaa, ayaa wax diiday inay kasoo agwareegaan Mudanayaasha muxaafidka ah, kuwaas oo diidanaa in la ansixiyo Xubnaha Komishanka qaranka oo dhawaan madaxweyne siilaanyo usoo gudbiyey.

Mudanayaasha muxaafidka ah oo haatan aqlabiyadda Golaha, ayaa xalay go’aan ku gaadhay inaanay tegin Xarunta Golaha, islama-markaana ay dagaal ka galaan Sidii aanu kooramku u buuxsani lahayn.

Xubno tiro yar oo muxaafid ah, ayaa iyagu golaha kasoo xaadiray, waxana wehelinayey Guddoomiye cirro oo isagu saaka si weyn uga niyad jabsanaa tallaabada ay ku kaceen xubnaha muxaafidka ahi.

Xubno kamid ah muxaafidka oo halkaas ka Hadlay, ayaa dhaliilay tallaabooyinka Muxaafidka, waxana ay tilmaameen inaanay marnaba raali ka ahayn inay doorasho dalka ka qabsoonto.

Xubnaha Komishanka doorashoyinka qaranka oo saaka halkaas kasoo xaadiray, ayaa markii dambe uu Guddoomiye Baashe la galay qol gaar ah, waxana uu ku wargeliyey inay iska tagaan, maadaama oo wax kala socday qorshaha wakiillada ee ah inaanay kooramka Buuxin.

Guddoomiye cirro ayaa isagu markii dambe ku dhawaaqay inuu Goluhu xidhan yahay, waxana uu sheeggay inay mudanayaashu kaliya iskugu iman karaan marka uu soo dhamaado fadhigoodu.

Mudanayaasha kale ee Muxaafidka ah, ayaa iska leexiyey eedaha loo jeediyey, waxana shir jaraa’id oo ay xaraf ku qabteen ku sheegeen inaanay fadhiga Golaha Tegi doonin, isla-markaana ansaxin doonin komishanka qaranka, ilaa iyo inta meel lagu tiirinayo sharci-jebin ay ku eedeeyeen Guddoomiye Cirro, waxana ay ku adkaysteen in Guddoomiyaha looga Baahan yahay inuu khaladkiisa qirto kahor inta aan sharciga lagu qaadin.

 

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment