Wednesday, October 22, 2014

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ugu jira Baarlamaannada dibedda oo Dingiin loo jeediyey

Muqdisho, 22 Oct, 2014 (Himilo)- Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya u metela Baarlamaannada caalamka, ayaa loo jeediyey digniin la xidhiidha inay xogta iyo Warbixinnada Shirarka heer Baarlamaan dal iyo mid heer qaaradadeed ama caalami ah ee ay ka qaybgalaan inay u soo gudbiyaan Mudanayaasha, haddii kale ay Xilkaas waayi doonaan.
JAWAARIGuddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa arrintaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Digniin kama danbeys ah ayaan u jeedinayaa Xildhibaannada Baarlamaanka ku metela Baarlmaaannada caalamka, waxaanan leeyahay Warbixinnadiinna u soo gudbiya Xildhibaannada kale si ay ula socdaan halka ay wax marayaan, haddii kale waxaa imaanaysa in laga beddelo hawsha loo igmaday.”
Sidoo kale, Guddoomiye Jawaari, ayaa sheegay in Xildhibaan kasta oo Baarlamanka ugu jira Baarlamaan-nada caalamka oo Warbixin keeni waaya, taasi macnaheedu uu noqonayo inaanay wax natiijo ah u hayn Baarlamaanka, isla markaana ay booskaas ku beddelan doonaan Mudane kale oo hawshaas kasoo bixi kara.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in gebi ahaan Safarradii tabobbarka ahaa ee loo bixi jiray la joojiyay, laguna beegi doono oo keliya xilliyada uu Baarlamaanku fasaxa leeyahay, si hawlaha Baarlamaanka u yaalla loo dar-dar-geliyo.
“Waxaa la joojiyay Safarradii dibedda loo aadi jiray ee Siminnaarrada ahaa, waana in taas loo sheego Hay’adaha arrimahan la ordaya, waayo? Ma aha in ay waqtiga lumiyaan. Wixii tabobbar ah ee gudaha lagu sameynayo waa la ogol yahay, waayo? Waxaan doonaynaa in hawsha noo taalla aan sida ugu dhakhsaha badan ku meel-marinno.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Hadalka Guddoomiyaha Baarlamaanka, ayaa ku soo beegmay xilli xubno ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ay dibedaha dalka ku maqan yihiin, si ay uga qaybgalaan tabobbarro iyo shirar ay leeyihiin Baarlamaannada ay ka midka yihiin.
Dingiintan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee uu Prof. Jawaari u jeediyay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee ku jira Baarlamaannada ay wada-shaqaynta iyo xidhiidhka ay leeyihiin xubnahani u metelaan, sidoo kalena uu joojiyay gebi ahaan Safarradii ay Xildhibaannadu dibedda dalka ugu bixi jireen, iyadoo ay dawladdu sheegtay in sannadka 2016-ka ay dalka doorasho ka dhici doonto.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment