Monday, October 27, 2014

Dhibta “Face Book” ku Hayo Shaqada iyo Shaqaalaha Dawladda-W/Q: Cali Cabdi Coomay

Muddooyin toddobaadyo ah ayaan ku jiray hawl weyn oo iga gashay qaar ka mid ah xafiisyada dawladda. Waxyaabaha ugu dhibta badnaa ee aan kala kulmay waxay ahaayeen shaqaalihii oo intooda badnayd ku fooraraan Computer-ka yar “Lap Top”. Marka aanad garanayn waxaad moodaysaa inay ku mashquulsan yihiin shaqo qaran, balse markaad gunta ugu dhaadhacdo waxaad ku arkaysaa in lagu mashquulsan yahay “Internet” gaar ahaan shabakada bulshadu ku wada xidhiidho ee Face Book. Dhibta uu shaqada Qaranka ku hayo Xafiiskii koowaad: aniga iyo dhawr oday ayaa muddo dhawr cisho ah isaga dab-
qaadaynay qaar ka tirsan xafiisyada dawladda. Waxaanu soo galnay xafiis, salaam kooban ka dib gabadhii xoghaynta ahayd ayaanu su’aalnay, bal inuu masuul Hebel joogo? Gabadhu nooma jeedo oo waxay ku foorartaa Computer yar “Lap Top” oo aad moodo inay xoolo shilin ka gurayso. Way yara dhoola cadaynaysaa, laakiin ma hadlayso. Waxay la hadlaysaa qof kale “Chating”. Maanaan aqoonsan qofka ay la hadlaysaa inuu gabadh iyo wiil midka uu yahay. Mid ka mid odayaasha ayaa si xanaaq leh ugu yidhi” adeer nala hadal”, intay si karaahiyo ku jirto noogu soo jeedsatay ayey tidhi” weli muu soo gelin”. Ka dib waxaanu isku raacnay inaanu ku soo noqono, oo aanu soo shaahayno. Soo noqosho ka dib waa sidii hore xaaladdu, dhawr qof oo meesha fadhiyay ayaa si hoose isugu leh” waar maxaa inanta aamusiiyay”, mid kale ayaa ugu af-celiyay” adduun kale ayay la haystaa”, oo maxay ahayd adduunyadaa kale?, iyo waa Face Book. Masuulkii ayaa soo galay, intay deg-deg u booday, ayay qolkii u furtay. Markay ka soo jeedsatay, ayey dadkii ku tidhi” sideed u soo kala horayseen?”. Ileyn adduunkaba may joogine. Markaasaan ku idhi” inaad markii hore la socoto ayay ahayd”. Intay xanaaq samada martay oo indhaha, sanka iyo wejiga si fool xun u qaloocisay, ayay tidhi” kolay kolba qaar ayaa geli”. Wey fahantay inay shaqadii meel kaga dhacday, ayaan isku qanciyay. Xafiiskii labaad: cabbaaro 9:00 aroornimo ayaanu ka dul-degnay xafiis aanu hawl ku lahayn. Goobtu waa cidlo gabaahiir ah, waxa jooga laba qof oo masuulka xoghayn u ah. Labaduba waxay ku fooraraan laba Computer oo ah nooca waaweyn. Salaan ka dib waxaanu su’aalnay bal inuu masuul hebel joogo? Jawaabtii ayaa cabbaar maqnayd, mar dambe ayuu midi si dirqi ah noogu af-celiyay” maya”. Oo waxa kale la socon. Wuu haleeli waayay inuu hadalk noo dhammeeyo. Su’aal kale ayaanu weydiinay, oo ahayd ilaa goorma ayuu inta badan yimaadaa? Sidii hore oo kale ayay jawaabtii raagtay. Goor dambe ayuu yidhi” kolba wakhti”. Sida labadaa qofba ka muuqata waxay la sheekaysanayeen dad iyagoo isticmaalya Face Book. Maskaxda ayaan iska idhi waa kii internet-ka ahaa sowkan dadkii waalay, ileyn in wax laga faa’iidaysto ayay ahayde Xafiiskii saddexaad: cabbaaro 8:30 aroornimo ayaanu mar kale soo galnay xafiis. Waa goob qurux badan, oo nadiif ah, waxa jooga laba hablood. Mdkood waxay u lebisan tahay sida wadammada reer Yururb, halka gabadha kalena ay xijaab xidhan tahay. Mid waajibkii ilaahay ayay ka soo baxday midna way ka tagtay. Labaduba waxay ka siman yihiin ku mashquulida Lap Top-ka. Sidii hore oo kale salaanta islaamka ku bilownay, waana lanaga qaaday. Weli ma yimid masuul Hebel ayaan weydiinay?, Maya iyo Haa midna namay odhan, mar dambe ayay gabadhii xijaabnayd tidhi” ilaa 9:30 ayuu inta badan soo gala”. Fariid cirka ka soo dhacday, ayaan ugu af-celiyay. Oo maxaan fariid ku ahay, ayay na weydiisay. Sidaad hadalka noo deeqsiisay, ayaan ugu af-celiyay. Intay faraxday oo qosol qalbiga ka soo go’ay raacisay ayay si niyad ah u tidhi” waad mahadsan tihiin”. Adiga ayaa mudan walaal ayaanu ugu darnay. Laakiin gabadhii kale warkaaba may haynin.Xalka dhibta lagaga bixi karo Maadaama oo shaqaalihii dawladdu kaga mashquuleen shaqadi isticmaalka Face Book waxa ugu fiican oo xal noqon kar qodobadan hoos ku qoran:In dhammaan isticmaalka “Face Book” laga xidho xafiisyada dawladda, si shaqadu u socoto.In ciddii shaqaale ah ee lagu arko isticmaalkiisa ganaax iyo ciqaab la isugu daro Waa inaan la xidhin Internet-ka oo shaqaalaha fursad loo siiyo inay ka faa’iidaystaan macluumaadka kale ee Internet-ku caanka ku yahay. In xafiisyada dawladda gaar ahaan xafiiska masuulka laga sameeyo meel lagu rido waraaqo talo bixinta, oo wixii xafiiska lagu arkay. Qaar badan wey leeyihiin sanduuqa talo bixinta oo waan ku arkay.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, Qoraa ah.

Haragaysa, Somaliland

calicoomay@hotmail.com

Himilomedia.com

No comments:

Post a Comment