Saturday, October 25, 2014

Sheekh Almis Yaxye oo sharraxaad ka bixiyey Taariikhda Hijriyada iyo Qiimaha ay ugu fadhido Umadda Islaamka

Hargeysa, 25 Oct, 2014 (Himilo)- Waxa maanta bilow ah sannadka Cusub ee Islaamka oo maraya qarnigii 15aad kuna beegan 1-da Bisha Muxarram 1436-ka ee Hijriyada, taas oo waafaqsan 25-ka Oct, 2014 ee taariikhda Miilaadiga.

Taariikhda Sannadka Islaamka, sida uu ku bilaabmay iyo muhiimadda ay shacabka Muslimka ah ugu fadhido, waxa sharraxaad ka bixiyey Sheekh Almis Yaxye xaaji Ismaaciil oo ka mid ah Culimada waaweyn ee magaalada Hargeysa.

Sheekh Almis Yaxye Xaaji IbraahimSheekh Almis oo ka warramayey taariikhdii uu soo maray sannadka Hijriyada Islaamka, wakhtigii laga soo bilaabay iyo cidii iska lahayd Fekerka lagu hirgeliyey in umadda Islaamka ahi taariikh ay ku xisaabtanto ka dhigato tirsiga bilaha Dayaxa, waxa uu yidhi, “Sannadka Hijriga ah ee Cusub waxa hindisihiisa iyo fekerkiisa lahaa Sayidinaa Cumar Bin Khadaab (RC) khaliifadii labaad ee umadda Nebi Muxamed (SCW) yeelato Nebiga dabadii. Saxaabadii buu talo-galiyey oo uu weydiiyey halkeebaynu ka bilownaa taariikhda sooyaalka Islaamka?.

Sheekh Almis waxa uu xusay soo-jeedinno dhowr ah oo Axsaabtu iskula soo qaadday in laga dhigo bilowga taariikhda Islaamka, kuwaas oo ay ka mid yihiin Dhalashii Nebiga (NNKHA), Dagaalkii Beder, Soo-dejintii Waxyiga iyo Hijradii Nebiga iyo Asxaabtiisu kaga baxeen magaalada Makka wakhtigii ay bilowda ahayd diinta Islaamku, waxaanu yidhi, “Wuxuu Cumar fahmay Hijradii uu Nebigu (SCW) ka haajiray Maka ee uu u haajiray Madina inay ahayd laf-dhabar taariikhda iyo socdaalka Islaamka, isbeddel weynina uu ku dhacay, markaa saxaabadiina way ku waafaqeen, sidaasaa laysku raacay inay noqoto taariikheyntu Hijradii Nebiga (SCW) in kow laga dhigo.”

Sheekh Almis Yaxye oo la weydiiyey duruusta umadda Islaamka ahi ka faa’idaysan karto bilowgii taariikhda Hijrada ilaa taariikhda wakhtigan la marayo, waxa uu ku jawaabay, “Nebigu saddex iyo toban sanno ayuu ka hawl-galayey Maka oo Diintu ku cusbayd dadka, Midnimada Illaahay way ku cusbayd, 360 sanam oo ay ku caabudi jireen ayaa u dhex-yaallay Baytullaahi Xaramka. Dadkii reer Makka iyo Qureysi dagaal weyn bay la galeen Nebiga (SCW), Nebiguna si walba wuu ugu dhigay, wuu wacdiyey mid-midbuu ula kulmay, wadar buu ula kulmay, wayse ka soo hor-istaageen.”

“Nebigu intaanu Makka ka haajirin, waa kii Asxaabtiisa kula taliyey inay laba Hijradood ku tagaan dhulka Xabashida, iyaga oo ka soo cararaya culayskii Makka ka soo gaadhayey Saxaabada. Socdaalkii Saddexaad wuxuu noqday in Nebiga loo fasaxo inuu ka xaajiro Makka oo uu u haajiro Madiina. Muxuu Nebigu Maka uga Haajiray? Reer Makka way diideen diintii uu Alle u soo dhiibay iyo dacwaddiisa. Habeen-buu Illaahay ka dheel-miyey Nebi Muxammad (SCW) Makka isagoo sariirtiisa Jiifa oo uu u dheelmiyey Majidul-Quddus, Quddus-na uu ka qaaday oo uu geeyey samada, isla habeenkiina wuxuu ku soo celiyey sariirtiisa, laakiin markay Hijradu timi, Nebigu wuxuu lugeeyey 500 KM oo buuro iyo saxare kulayl badan ah,” sidaas ayuu yidhi Sheekh Almis.

Sheekha oo la weydiiyey in Hijradu gaar u ahayd Nebi Muxamed iyo in Ambiyadii ka horeysay hijro galeen, waxa uu sheegay inay sidan oo kale u hijroodeen, kuwaas oo uu xusay inay ka mid ahaayeen Nebi Ibraahim (CS) iyo Nebi Muuse (CS) ka dib markii ay dhibaato kala kulmeen bulshadii ay la noolaayeen.

Himilomedia.com/Hargeysa

No comments:

Post a Comment