Washington, 22 Oct, 2014 (Himilo)- Lafo-gur sharci oo ay samaysay Haweenay ka mid ah Xeel-dheerayaasha Qaanuunka caalamiga ah ee la xidhiidha Dembiyada dagaal iyo doorka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, ayaa Warbixin ay qoto-dheer oo ay diiradda ku saartay ka diyaarisay jihada cusub ee ay afka saartay Dacwad Maxkamadaha Maraykanka kaga socota General Maxamed Cali Samatar oo ahaa Raiisal Wasaarihii hore iyo Wasiirkii Gaashaandhigga Soomaaliya sideetamaadkii Xukuumaddii Millateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre hoggaaminayey.

Haweenayda lafo-gurkan Sharci samaysay oo lagu magacaabo Beth Van Schaack, ayaa sheegtay in iyadoo diiradda lagu hayo hawlaha kale ee ku xeeran Dacwadda lidka ku ah General Maxamed Cali Samatar, in ay haddana ay muhiim tahay in aan la hilmaamin codsiga Maxkamadda Sare ee Maraykanku ku weydiisanayso Xeer-ilaaliyaha Guud ee dalkaas in uu sharraxo aragtida Xukuumadda Maraykanka ee ku waajahan Racfaanka 3-aad ee Jeneraal Maxamed Cali Samatar ku codsanayo Did-U-Eegis lagu sameeyo Dacwaddiisa.
Dhegaysigii Maxkamadda Racfaanka Derajada 4-aad:
Dooddii uu General Maxamed Cali Samatar ku codsanayay xaqa labada dembi ee loo haysto - Dembi ka dhawrsanaanta falal uu geystay markii uu ahaa Raiisal Wasaaraha Soomaaliya 1980s iyo Dembi ka dhawrsanaanta Saraakiisha dalalka qalaad maaddaama uu isku hayay xilal sar-sare oo dawladeed.
Hase-ahaatee, waxaa gaashaanka ku dhufatay Maxkamadda Racfaanka Derajada 4-aad ee dalka Maraykanka oo u cuskatay sababo ay ka mid ahayd in dalka Soomaaliya aanu lahayn dawlad la aqoonsan yahay oo u dalbata General Samatar Dembi-ka-dhawrsanaan iyo si kastaba ha u dhacdee, in aan isaga loo oggolaannin dembi-ka-dhawrsanaanta xad-gudubyo reebban in xoog la isticmaalo, sababtoo ah, falalkaasi laguma sharciyaynin tallaabo qaanuun rasmi ah waafaqsan.
Xilligaas Xukuumadda Maraykanku waxay ku miisaantay Dacwaddan iyadoo xustay Wasaaradda Arimaha Dibeddu in ay go'aamisay in Jeneraal Samatar aanu xaq u yeelanay karin Dembi-ka-dhawrsanaan nooc kasta oo ay tahay, iyadoo u cuskatay laba sababood oo kala madax-bannaan, kuwaas oo ah:-
1. In aanay Soomaaliya lahayn dawlad la aqoonsan yahay oo u codsatay Jeneraal Samatar Dembi-ka-dhawrsanaantiisa, oo ay ka mid tahay in ay caddayso mawqifka ah in falalka su'aashu ka taagan tahay lagu galay masuuliyad-sharciyeed rasmi ah (Xil-dawladeed). Xaqiiqatan, iyadoo ay jirtay dalabyo iska soo horjeeda oo ku saabsan ka dhawrsanaanta wax dembi ah lagaga hadlayo, ayaa ka imanayay Soomaaliya laftigeeda: Xukuumaddii ku meel-gaadhka ahayd waxay u codsatay Jeneraal Samatar Dembi-ka-dhawrsanaan, halka Xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland ay si xooggan uga codsatay dawladda Maraykanka in aan habo-yaraatee la siinnin Jeneraal Samatar wax Dembi-ka-dhawrsanaan ah.
2. Dadka ku nool Maraykanka sida Jeneraal Samatar oo kale, kuwaasoo ku naalooda dhawrsanaanta Qaanuunka Maraykanka, oo u hoggaansan sharciga dalkan. Caadi ahaan, waxa qabanaya xuduudaha Maxkamadaha Maraykanka, gaar ahaan marka ay Dacweeyaan Muwaaddiniin kale oo Maraykan ahi.
Badheedhaha Xukuumadda Maraykan waxa kale oo ay ku sheegtay aragtideedu in ay miisaan culus leedahay, gaar ahaan waxay "mawqif cad" ka qaadatay Dacwadan:
Xukuumada Maraykanku waxay sii ahaanaysaa in ay qaadato doorkeeda ugu horreeya ee ka go'aan gaadhidda Dembi-ka-dhawrsanaanta Madaxda waddamada kale, taasoo ah Masuuliyadda Madaxwaynuhu iska leeyahay oo ku saabsan habka xidhiidhka dibedda iyo aqoonsiga Xukuumadaha qalaad. Sababahaasi dartood, Maxkamaduhu maanta waxa ku waajib ah in ay u celiyaan Golaha Fulinta dhammaan go'aan ka gaadhista dembi-ka-dhawrsanaanta.
Codsiga Did-U-eegistii 2-aad:
Jeneral Samatar ayaa markale codsaday Did-U-eegis. Iyadoo codsigiisu weli aan la gudo-gelin, ayay Xukuumadda Maraykanku aqoonsatay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya badhtamihii January 2013, ka dib markii Soomaaliya ay ka dhacday doorasho ay suurto-geliyeen Ciidammada Midowga Afrika ee lagu magacaabo Hawlgalka AMISOM la geeyay dalkaas, oo ay weheliso kaalmo dibedeed oo aad u ballaadhan, arrimahaasi oo keenay in dib loo riixo xoogagga Al-Shabaab oo laga saaray dhul muhiim ah oo badan, taasi oo keentay in ay xoogaysato Xukuumadda heer Qaran, kadib sannado tiro badan oo Soomaaliya ay ahayd dal guul-darraystay.
Bishii February 2013, Raiisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa qoraal uu u diray Xoghayihii Arrimaha Dibedda Maraykanka Mrs Clinton, kaasoo uu ku taageerayey codsiga Dembi-ka-dhawrsanaanta ee General Maxamed Cali Samatar, isla markaana qiraya in falaka dhibbanayaashu ku eedeeyeen General Samatar inuu ku fuliyay awooddiisa sharci ee dawladeed.
Maxkamadda Sare mar ee Maraykanku mar kale waxay dalbatay aragtida Xukuumadda Maraykanka, iyadoo Maxkamaddu siisay Xukuumadda fursad ay ku deristo kagana fiirsato duruufaha is-beddelay ka hor inta aanay Maxkamaddu gudo-gelin dib-u-eegista Dacwaddaas.
Mawduucii aqoonsiga waxa caqabad markaasi ku noqday xaqiiqada dhacday oo ah in Baarlamaanka Soomaaliya ay codka diidmada qayaxan kalsoonidii kagala noqdaan si xilka looga xayuubiyo Raiisal Wasaarihii u codsaday General Samatar Dambi-ka-dhawrsanaantiisa, isla markaasina ahaa Masuul wadi lahaa "heshiiska hiigsiga cusub" oo Qaadhaan-bixiyayaasha caalamiga ah oo Bud-dhiga u ahaa dib-u-dhiska Qaranka Soomaaliya.
Waxa intaasi dheerayd, Masuul isku magacaabay in uu yahay La-taliyaha sharci ee Madaxwaynaha hadda Soomaaliya hoggaamiya ee Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxa loo gudbiyay qoraal rasmi ah oo uu ku dalbanayo in la tirtiro codsiga Dembi-ka-dhawrsanaanta ee uu Raiisal Wasaaruhu u codsaday General Samatar.
Qoraalkan La-taliyaha sharci ee Madaxweynaha, ayaa sababay qoraallo iyo Farriimo Internet-ka (Emails) la isku waydaarsaday oo lagu doonayo in la ogaado in qoraalkaasi yahay mid rasmi ah iyo in uu yahay mid ruuxa qoray aanu u lahayn awood sharci, si kastaba ha ahaatee, mawqifka Rasmiga ah ee Xukuumada Soomaaliya wuxuu noqday mid aan caddayn.
Codsiga Did-U-Eegistii 3-aad:
Waxa la yaableh, Samatar ayaa awooday in uu mawqifkiisii hore beddelo, waxaanu dib u cusboonaysiiyay dalabkiisii Dembi-ka-dhawrsanaanta, isagoo si dhammaystiran u qirtay Masuuliyadda eedihii loo haystay. Maxkamadda Racfaanka Derajada 4-aad General Samatar waxa uu u gudbiyay codsigiisiii 3-aad ee dib-u-eegista Dacwaddiisa iyo dhawrsanaantiisa, taasi oo haaatan hor-taalla Maxkamadda.
Dalabkiisaasi waxa uu hordhigay Xukuumadda Maraykanka caqabado Maxkamadda Derajada 4-aad "si dhamaystiran" uga reebtay qaanuunka guud ee Dembi-ka-dhawarsanaanta marka ay dhibanayaashu ku dacweeyaan eedaymaha xad-gudubyo la geystay. Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa iyaduna mar kale sidii caadada ahayd Maraykanka u gudbisay ayidaaddeeda codsiga Jeneraal Samatar ee Dembi-ka-dhawrsanaanta.
Xilligan waxa ay u muuqata Dib-u-eegista Dacwadda General Maxamed Cali Samatar in ay marto jidkii Maxkamadda Derajada 4-aad, iyadoo ay jirto xiisad ka iman karta go'aammo laga soo saaray kiisas hore oo uu ka mid yahay Matar v. Dichter, 563 F.3d 9 (2nd Cir. 2009), go'aankaasi oo Dembi-ka-dhawrsanaan siiyay Sarkaal Taliye hore u ahaa Hay'adda Sirdoonka Israeli. Min qiyaas kasta oo haatan la qaato waxay arrimuhu ku biyo-dhacayaan jidkii Maxkamadda Derajada 4-aad Dacwaddan la martay.
Waxaanay Sharciya-qaanadda lafa-gurkan sharci samaysay soo jeedisay inaan Maxamed Cali Samatar iyo Saraakiisha la midka ah ee caalamka ee Maraykanka ku nool inaanay dawladda Maraykanku siinnin haba-yaraatee wax Dembi-ka-dhawrsanaan iyo Maamuus Masuuliyadeed ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment