
Isku shaandheynta oo aheyd mid lama filaan ah ayaa waxaa la isku bedelay Wasiirka Garsoorka iyo Dastuurka loo magacaabay Saalim Caliyow Ibrow, halka Faarax Sheekh C/qaadir oo xilkaas hayay loo dhiibay Wasaarada Xanaanada Xoolaha.
Isku shaandheyntan oo aheyd mid kooban ayaan wada saameyn dhamaan Golaha Wasiirada oo dhan, hase ahaatee wasiirka kaliya ee sida tooska ah u saameysay ayaa ah Faarax Sheekh C/qaadir oo ahaa Wasiirkii Garsoorka iyo Cadaalada, iyadoo Faarax lagu tiriyo xubnaha aadka ugu dhow Madaxweynaha.
Lama oga in Madaxweynaha uu wax ka og yahay arrintan iyo in kale, waxaana loo arkaa dagaal siyaasadeed oo bilow ah, maadaama Ra’iisul Wasaaruhu uu qaaday tallaabo aan hore looga filaneyn.
Hadaba halkan akhriso isku shaandheynta iyo sida Wasiirada, Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha la isku bedelay
1-Wasaarada Garsoorka iyo Dastuurka Saalim Caliyow Ibrow
2-wasaarada xanaanada xoolaha dhirta iyo Daaqa Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed
3-Wasiiru dowlaha Wasaarada Maaliyada Burci Maxamed Xamza
4-Wasiiru dowlaha Wasaarada arrimaha Dibada C/llaahi Maxamed Nuur
5-Wasiir kuxigeenka arrimaha dibada C/raxmaan Cabdi Cismaan
6-Wasiir kuxigeenka Maaliyada C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow
7-Wasiir kuxigeenka Wasaarada Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga Mahad Maxamed Salaad
8-Wasiir kuxigeenka Ganacsiga iyo warshadaha Fahmo Axmed Nuur
Himilo Media
No comments:
Post a Comment