
Wasiirka ayaa ugu horrayn ka Hadlay halista cudurkan iyo sida uu Bulshada dunida ku nool noloshooda halista ugu yahay,
“Ilaahay inooma Keeno Cudurkaas Ebola, waana cudur xun oo dilaa ah, dhinaca Galbeedka Afrika ayuu faro baas ku hayaa 9000-kiis ayuu imika ku dhaw yahay imika inta laga Helay dadka uu ku dhacana 80% ayuu dilaa, waanad qiyaasi kartaa Halistiisa.” Ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.
Wasiirka ayaa mid mid u sharraxay tallaabooyinka iyo qorshayaasha wasarad ahaan uga meel yaalla lamacaamilka cudurkan iyo ka hortegiisa, waxana uu xusay inay haatan Gebogebeeyeen tallaabooyin dhawr ah oo ay muddo ku Hawllanayeen,
“Wasaarad ahaan iyo xukuumad ahaan waanu ka diyaar garownay laba qorshe oo mid dheer iyo mid gaaban ahaaynu leenahay, waxana aanu ku talogalnay, midka degdegga ah ama gaaban oo aanu haatan hirgelintiisa wadno, waxanu ku talogalnay 53-meelood baa dalkeena laga soo galaa oo cirka, Badda iyo xuduudaha aynu la leenahay Ethiopia, Somalia iyo Djibouti ah, tababar ayaanu siinay dhammaan shaqaalaha madaarrada iyo xuduudaha jooga, waxana aanu keenay qalabkii lagu eegayey xumadda, waxana aanu garoomada diyaaradaha dhignay teendhooyin, waxana aanu samaynay foomam qofku marka uu soo dego laga Buuxinayo” ayuu yidhi Wasiirku.
Wasiirku waxa uu si cad u sheegay in cidkasta oo aan u dhalan somaliland oo cudurkaas lagu arko la celin doono, isla-markaana ciddii dalkan u dhalatay ee looga shakiyo si gaar ah loo karantiimayn doono,
“Qofkii aan muwaadin ahayn ee cudurkaas looga shakiyo waa la celinayaa, qofkii ka yimaadda ama bilihii ugu dambeeyey ku sugnaa meelaha cudurkaasi ka jirana waa la celinayaa. Waxa kale oo aanu tababar siinaynaa shaqaalaha Arrimaha Gudaha iyo Imigrataion-ka.” Ayuu sheegay wasiir saleebaan ciise.
Somaliland oo kamid ah dalalka geeska Afrika ku yaalla, ayaa in muddo ah ku Hawllanayd sidii ay u samayn lahayd qorshe lagaga hortegayo cudurkan, waxana ay ugu dambayntiis shaacisay qorshayaasheeda oo intooda badan laga hirgeliyey Goobaha Madaarada ah.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment