
Waxaa lagu soo warramayaa mid ka mid ah ragga hubeysan in la dilay, qaar kalana la dhaawacay oo la xidhay, walise faahfaahin intaas dhaafsiisani kama ay soo bixin.
Ilaa iyo hadda ma cadda waxa ku dhacay haween iyo caruur ku sugnaa gurigaasi, waxana laga warwar qabaa in dhibaato loo geystay dadkaas maatada ah ee Halkaas ku noolaa.
Wararka qaar waxa ay sheegayaan in haween ay is soo dhiibeen booliska, waloow afhayeenka wasaarada arrimaha gudaha uu sheegay in shan haween ah la dilay.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in laba caruur ah loo qaaday isbitaal kuwaas dhaawacyo kala geddisani soo gaadheen.
Dhacdadan ayaa imaneysa maalmo ka hor qabashada doorashada baarlamaanka ee dalkaasi Tunisia.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment