Thursday, October 23, 2014

Siciid Cilmi Rooble oo Iftiimiyey Sababta Xildhibaannada Muxaafidku Dacwadda uga daba-geeyaan Xeer ay wax ka ansixiyeen

Hargeysa, 23 Oct, 2014 (Himilo)- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa ka shifay waxa keenay khilaafka cusub ee hadda ka dhex-curtay Xildhibaannada Mucaaradka iyo kuwa Muxaafidka ah ee Golaha Wakiillada Somaliland oo uu sheegay inay si isku mid ah ugu wada codeeyeen Xeerka diiwaangelinta Madaniga ah iyo ta Cod-bixiyeyaasha doorashada ee dalka.
Xeerkan diiwaangelinta ayay 12 Xildhibaannada Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE taageeraa Dacwad ka dhan ah waxay u gudbiyeen Shir-guddoonka Guurtida oo iyaguna Dacwaddaa awgeed u hakiyey guda-galkii Xeerkaas oo ay dib ugu soo celiyeen Golaha Wakiillada oo aqlabiyad ku meel-mariyey. Waxaanu Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iftiimiyey sabab uu sheegay inay tahay ta Xildhibaannada Wakiillada ee Muxaafidka ahi ka daba-tagaan Xeerka ay ansixintiisa gacanta u taageen, taasoo uu sheegay inay tahay weji-gabax iyo canaan ay kala kulmeen Madaxtooyada.
“Dhawr iyo afartan Xildhibaan iyo Xukuumaddu waxay wada hadlayeen muddo,waxaa lagu wada hadlayay Inoo wada kordhiya. Xukumaddu waxay leedahay mayee la inoo wada kordhin maayee, idinku 10 sano ayaad joogteena idinku naga hor gala Doorashada,mayee ha la inoo wada kordhiyo haddii kalena jiq baynu isku siinaynaa ayay xildhibaanaduna leeyihiin. Annagu intaas waannu daawanaynay, mar walba waxaannu lahayn labadu-ba ha idin wada dhaafaan, Nimankan iyaguuni wada hadlaya ee qaraabada ah ee isku shushubtay ee Qarankan iyo baabbi’iisa aan ka fikiraynin ha idin wada dhaafaan oo hal mar halla wada qabto (doorashada) ayuu go’aankayagu ahaa.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ahaa Xildhibaanno Xisbiga WADDANI taageera oo shalay Shir Jaraa’id oo jawaab u ah Xildhibaannada Muxaafidka oo Duray Guddoomiye Cirro qabteen.
Siciid-Cilmi-roobleXildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu intaas ku sii daray; “Nimankii markay soo heshiin waayeen iyagoo Ordaya ayay daf noo soo yidhaahdeen, waxay yidhaahdeen Xukuumaddii heshiin weynay oo waxay yidhaahdeen Goluhu ha innaga horreeyee, markaa mar baynu ka wada-dhigaynaa, waayahay baannu ku nidhi, dabadeedna Illaahay baa sikhiray oo gacantaa loo wada taagay in doorashada Maddaxtooyada iyo Wakiillada mar la wada qabto oo 64 baa gacanta taagay oo hal Nin baa diiday.”
Waxa uu Xildhibaan Siciid oo ka hadlaya markii ay Xeerka ansixiyeen Wakiillada tallaabada ay qaadeen Mudanayaasha markii Guurtida loo gudbiyey Dacwadda ka daba-geeyey waxa uu yidhi; “Nimankii haddana Madaxtooyada ayay isku shubeen oo yidhaahdeen waxaannu soo ansixinnay in mar la wada qabto labada doorasho. Nimankii Xukuumadda Anfariir bay arrintii ku noqotay oo Indhaha ayay Nimankii kaga dhacday waxaana halkaas ku go’ay Xidhiidhkii ka dhexeeyey, dabadeedna waxay Xildhibaannadii yidhaahdeen waar Khalad baynu gallaye sidee baynu u saxnaa oo qiil bay raadiyeen.”
“Saddex khalad ayuu galay Guddoomiyaha Guurtidu, koow Guddoomiye Sharci ah baa u gudbiyay Sharci, halkii uu wax maqlay isagoo aan tallaabo qaadin bay ahayd inuu Guddoomiyaha u yeedho oo wax ka weydiiyo; laba wuxuu Xildhibaannada Wakiillada ee Cabashada u gudbiyay odhan waayay wixii aad sheegaysaan Golihiinnaad ku soo dhammaysan lahaydeene kaygan ha gelina; 3. Waxay ahayd in Golaha uu fadhiisiyo oo laga doodo oo Guddoomiyuhu keligii awood ma leh uu waxna ku celiyo waxna ku oggolaado.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment