Sunday, October 26, 2014

Madaxweynaha Soomaaliya oo Waxba kama jiraan ku sheegay Isku-shaandhayn Raysal-wasaaraha dalkaasi ku Sameeyey Golihiisa Wasiirrada iyo Khilaaf Cakiran oo ka dhex taagan

“Waxaase nasiib-darro ah in Raysal Wasaarahu si is-daba-joog ah u soo saaro go’aanno tashwiish ku abuuraya geeddi-socodka dawlnimada iyo wada shaqeynta hay’adaha dawliga ah...”
“Waxaan go’aamiyey.. In Wasiir kastaa uu sii wato xilkii lagu ogaa, saamayna aanay ku yeelan warka ka soo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha 25kii Octoober 2014...” Madaxweynaha Soomaaiya Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho, 26 Oct, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka soo horjeestay, isla markaana gaashaanka ku dhuftay jiritaanka Isku-shaandhayn uu Raysal-wasaaraha dalkaas Cabdiweli Sheekh ku sameeyey Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa gelinkii hore ee shalay, kuwaasoo uu Madaxweynuhu ku dooday inaanu Raysal-wasaaruhu kala tashan waxna ka weydiin, wax ka jiraana aanay jirin.
20141025635498443878011788mohamud001_16x9Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay inaanay Xeerarka iyo Dastuurka Ku-meel-gaadhka ah ee Soomaaliya inaanu waafajin Raysal-wasaaruhu waxa uu ugu yeedhay isku-shaandhaynta ee uu ku sameeyey Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo isugu jiray Wasiirro, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir Ku-xigeenno, kuwaas oo loo tirinayo inay yihiin shakhsiyaad Xasan Sheekh xulasho yihiin, waxaanu Madaxweynuhu sidaas ku sheegay War-Saxaafadeed uu xalay ka soo saaray Xafiiskiisa Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Markii ay soo baxday Wareegtada Raysal-wasaaruhu Isku-shaandhaynta ku sameeyey gelinkii hore ee shalay waxaa Warbaahinta dawladda Soomaaliya u akhriyey Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, waxaanay Wareegtadaas Isku-shaandhaynta Xambaarsanayd u dhignayd sidan:-
“1- Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Saalim Caliyoow Ibroow. 2-Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir. 3-Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maalliyadda Mudane Burci Maxamed Xamsa. 4- Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Dhiirrigelinta Maalgashiga Mudane Cabdillaahi Maxamed Nuur.
5- Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Dhiirrigelinta Maalgashiga Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Cismaan. 6- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maalliyadda Mudane Cabdillaahi Sheekh Cali Qalloocow. 7- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xidhiidhka Caalamiga ah Mudane Mahad Maxamed Salaad. 8- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Fahmo Axmed Nuur.”
Isku shaandheyntan uu sameeyay Raysal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee uu sameeyo tan iyo markii xilka loo magacaabay dhammaadkii sannadkii hore, inkastoo dhawr jeer uu khilaaf ka dhashay isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirrada.
bireRaysal-wasaaraha Soomaaliya ayaa ku sheegay sababta uu isku bedelka u sameeyay inay tahay in la abuuro jewi siyaasadeed oo la jaan-qaada marxaladda siyaasadeed ee uu haatan dalka Soomaaliya marayo, isagoo u cuskaday isku shaandheyntiisa qodobka 100-aad ee dastuurka gaar ahaan Xarfihiisa A iyo B.
Hase-yeeshee, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaashaanka ku dhuftay Isku-shaandhayntaas oo uu sharci-darro iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay, waxaanu War-Saxaafadeedka uu xalay soo saaray Madaxweynuhu ku yidhi sidan:- “Sida aad ka warqabtaan waxaan mar walba ku guubaabiyaa ummadda Soomaaliyeed iyo Madaxda dawlada-ba, in ay u hoggaansamaan Dastuurka Ku-Meel-gaadhka ah iyo Shuruucda dawliga ah-ba.
Waxa kale oo xusid mudan inaan mar walba hoosta ka xariiqo si loo unko Qaran Soomaaliyeed inay laga marmaarmaan tahay wada-tashi, is maqal, iyo wada-shaqeyn joogta ah. Taas oo ku dhisan tixgelinta xurmada, wada-shaqeynta, horumarinta nidaamka iyo kala dambeynta dawliga ah.
Arrimahaas oo dhan, waxay inoo horseedeen inaan maanta dawladnimada Soomaaliyeed aan soo gaadhsiinno meel lagu faani karo oo isla xisaabtan ku dhisan. Waxaan diyaarninay Barnaamijka siyaaseed ee Higsiga 2016, kaasoo saldhiggiisu yahay qoddobbada hoos ku qoran:
1. Dib U eegista iyo dhaqangelinta Dastuurka;
2. Dhisidda Maamul-goboleedyo federaali ah iyo
3. Dimoqraadiyeynta dalka, oo ku salaysan doorasho xor ah, Sannadka 2016.
Waxaa sidoo kale guulo wax ku ool ah laga soo hooyey dagaalka ka dhanka ah kooxaha xag-jirka ah, iyada oo sida la wada og-yahay dib loogu soo celiyay gacanta dawladda gobollo badan oo ay Al-Shabaab hore uga talin jireen, oo ay ugu dambeysay guushii laga soo hooyey xorreynta degmada Baraawe.
Waxaa guulo la taaban karo laga gaadhay dib-u-dhiska kaabayaasha hay’adaha dowladda. Waxaa kale oo guulo lataaban karo laga gaadhay maamul u samaynta gobollada intooda badan. Waxa foodda inagu soo haya u diyaar garowga shirka caalamiga ah ee lagu qaban doono Copenhagen, kaas oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
Waxaase nasiib-darro weyn ah, in iyada oo ay na horyaallaan dhammaystirka barnaamijyada kor ku xusan, iyo weliba ansixinta hindise sharciyeydyada muhiimka u ah dawlad dhisidda, in Raysal Wasaarahu si is-daba-joog ah u soo saaro go’aanno tashwiish ku abuuraya geeddi-socodka dawlnimada iyo wada shaqaeynta hayaadaha dawliga ah.
Waxaan dhawr jeer, aniga oo eegaya danta guud u dul-qaatay tallaabooyin qallafsan oo xad-gudub ku ah awoodaha dawliga ah ee Madaxweynaha iyo kan Dastuurkaba. Waxaan si kooban u xusi karaa:
1. In uu xil ka qaaday, magacaabayna Wasiirro Isaga oo aan wax wada-tashi ah la yeelan Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaaliga; 2. In uu Saraakiil Sare xil u magacaabay kuwa kalena ka qaaday si aan waafaqsaneyn Dastuurka.
Ugu dambeyntii, maanta (Shalay) wuxuu ku dhawaaqay waxa uu ku sheegay isku shaandeyn Wasiirro isagoo aan wax wada-tashi ah la samayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda. Sidaas darteed, aniga oo eegaya waqtiga xaasaasiga ah ee lagu jiro, ilaalinayana habraaca dawliga ah, qawaaniinta iyo shuruucda dalka u degsan, waxaan go’aamiyey:-
1. Inuu waxba kama jiraan yahay waxa lagu timaamay isku shaandheynta xubno ka tirsan Golaha wasiirradda ee ka soo baxay Xafiiska Raysal Wasaaraha 25kii Oktoobar 2014;
2. In Wasiir kastaa uu sii wato xilkii lagu ogaa, saamayna aanay ku yeelan warka ka soo baxay Xafiiska Raysal wasaaraha 25kii Octoober 2014.
3 In Ciidammada Ammaanku sii adkeeyaan siina wadaan hawlgallada hadda socda;
4. In Saraakiisha iyo shaqaalaha rayidka ee Dowladda ay howshooda caadiga ah sii wataan.”
Tallaabooyinka isku-shaandhaynta Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa ah ee Raysal-wasaaraha iyo go’aankan uu Madaxweynuhu ku biiriyey, ayaa dibedda u soo saaray khilaaf cakiran oo ka dhexeeya Madaxweynaya iyo Raysal-wasaaraha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Cabdiweli Sheekh, waxaanu Raysal-wasaarahani noqonayaa Raysal-wasaarihii labaad ee intii uu Madaxweynaha ahaa Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo bishii September 2012-kii uu magacaabo.
Waxaa Raysal-wasaarihii ka horreeyey Cabdiweli Sheekh ahaa Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), kaasoo khilaaf xooggani markii uu soo dhex-galay Madaxweynuhu Warqaddiisa kal-sooni u qaadista u gudbiyey Golaha Baarlamaanka, oo Kalsoonida Raysal-wasaare-nimo kaga qaaday Gacan-taagga Codka Kalsoonida, markaasoo ka dib uu Madaxweyne Xasan Sheekh Raysal-wasaare u magacaabay Cabdiweli bishii December ee sannadkii 2013-kii.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment