Monday, October 27, 2014

Dilma Rousseff Oo Markale Madaxweyne Noqotay

Reo Dejanero:Oct,27,2014(Himilo)-Dilma Rousef Oo Hore u ahayd Madaxweynaha Dalka Brazil, ayaa la sheegay inay ku guulaystay Doorashadii Madaxtinimo ee Dalkaasi laga qabtay Toddobaadkan.

rsoWararka soo Baxaya ayaa sheegaya inay kaliya saddex boqolkiiba ay ka badnayd ninkii la tartamayay Aecio Neves, waxana hadal guusheeda kadib ay jeedisay ay ku sheegtay in baahi loo qabo sidii gacmaha la isku qabsan lahaa.

Waxay la kulantay banaanbaxyo badan, sanadkii hore oo looga soo horjeeday musuqmaasuqa, lacag badan oo lagu qarashgareeyay Koobka Adduunka, iyo adeegyada dowladda sida waxbarashada iyo caafimaadka oo aan fiicnayn.

Wariyayaasha Halkaas ku sugan, ayaa sheegaya in codbixiyayaasha ay doorteen in la sii wado habka dowladda oo malaayiiin qof ka saaray saboolnimada.

Dilam Rouseff, ayaa iyadu waxa ay dalkaas soo xukumaysay Muddo-xileed hore,waxana la sheegay inay ku joogtay raadka Madaxweynihii ka horreeyey ee Lula Da Silva oo isagu dalkaas ka dhigay mid dunada miisaan ku leh, isla-markaana taladiisa loo baahdo.

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment