Sunday, October 26, 2014

Millateriga Kenya oo Sheegay inay Dagaalyahanno Boqol ku dhow ka dileen Al-Shabaab, Gaadiidna ka gubeen

Kismaayo, 26 Oct, 2014 (Himilo)- Millateriga Waddanka Kenya, ayaa sheegay in Ciidamadooda ka tirsan kuwa Midawga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dawladda Soomaaliya ay ku dileen 80 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab deegaanno ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee Koonfurta dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Millateriga Kenya Col. David Obonyo, ayaa sheegay inay habeenkii Khamiista weerareen laba Saldhig oo ay Al-shabaab ku lahayd deegaan lagu magacaabo Magambo oo 60-km u jira Kismaayo iyo deegaan kale oo 30-km Waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.
download“Intii ay weerarradu socdeen waxaan ku guuleysannay inaan dilno 80 ka tirsan xoogagga Al-shabaab, sidoo kalena waxaan gubnay afar gaadiidka dagaalka ah oo ay ku rakiban yihiin qoryaha daran-doorriga u dhaca.” SIdaa ayuu yidhi Afhayeenka Ciidanka Millateriga dawladda Kenya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya Col. Obonyo.
Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu xusay in labadan Saldhig ay ahaayeen kuwo ay Al-shabaab kasoo abaabuli jirtay weerarrada ay kusoo qaaddo deegaanka Buulo-guduud oo ay ku sugan yihiin Ciidammada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee ka tirsan AMISOM.
“AMISOM way sii wadaysaa weerarrada ay la beegsanayso goobaha ay Al-shabaab kaga dhuumaaleysanayaan gobollada Jubbooyinka, si deegaannadaas oo dhan looga saaro.” ayuu hadalkiisa ku daray Afhayeenka u hadlay Millateriga Kenya.
Si kastaba ha ahaatee, Xarakada Al-shabaab ayaa weli deegaanno dhawr ah oo dalka Soomaaliya ka tirsan gacanta ku haysa, iyagoo beegsada goobaha ay ku sugan yihiin Ciidammada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika ka socda ee (AMISOM).
Maaha markii ugu horreysay ee ay dawladda Kenya sheegto inay weerarro ku dishay xubno badan oo Al-shabaab ka tirsan, isla markaana ay burburisay Saldhigyo ay lahaayeen iyo gaadiidkooda dagaalka, balse Al-shabaab weli kamay hadal Warkan ay Millateriga Kenya ku sheegteen inay 80 Dagaalyahan kaga dileen, Afarta Baabuur ee kuwa dagaalka ahna kaga gubeen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somalilanddownload

No comments:

Post a Comment