Thursday, October 23, 2014

Boko Xaram Oo Mar Kale Haween Ka Afduubatay Waqooyiga Nigeria

Abudja:Oct,23,2014(Himilo)-Kooxda Islaamiyiinta Dagaalka kula jirta Dawladda Dalka Nigeria ee Boko Haram, ayaa la sheegayaa inay tiro haween ah oo hor leh ka afduubeen goobo ku Yaalla Waqooyiga dalkaasi.

rescArrintani ayaa waxa ay ka dhacday laba degaan oo ku yaala gobolka waqooyiga galbeed ee Adamawa oo ah Goobaha Kooxahani awoodda ku leeyihiin.

Xukuumadu weli ma aanay xaqiijin afduubkan, balse dadka degaanka ayaa sheegaya in afduubkan uu dhacay maalin ka dib markii miletariga Nigeria uu sheegay in uu heshiis xabad joojin ah uu la galay Boko Haram.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in koox ay weerartay xaafado, waxayna meel isu geeyeen dumarka, kuwaas oo ay markii dambe sii kaxaysteen.

Waxaa aad u adag in warar laga helo degaanada, waana sababta ay waqti badan u qaadatay in la helo wararka ku saabsan weerarkan.

Dowladda Nigeria ayaa rajeynaysa in kooxda Boko Haram ay sii deyn doonto in ka badan 200 oo gabdhood oo ay bishii April afduubtay, maadaama labada dhinac ay u bilaabmeen wada hadallo ay dhexdhexaadinayso dawladda Jaad.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment