
Madaxa xafiiska Arrimaha qaxootiga Kenya Harun Komen ayaa sheegay in xeerkani u sahlaya in muwaadiniin loo aqoonsado dadka qaxootiga ah ee joogay Kenya muddo gaadhaysa shan sannadood.
Sidoo kale xeerkan cusub ayaa dhigaya in qofka qaxootiga ah ee guursada muwaadin Kenyan ah noqon doono muwaadin, isla markaana fursad u heli doono inuu ku noolaado magaalooyinka xaalado gaar ah sida waxbarashada iyo caafimaadka, ayuu sheegay Koman shalay.
Xafiiska qarammada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Aduunka ee Nayroobi ayaa soo dhoweeyey talaabadan.
“Waxaan marwalba soo dhoweynaynaa talaabo kasta oo sare u qaadaysa nolosha qaxootiga,” sidaa waxa yidhi Emmanuel Nyabera oo ah afhayeenka UNHCR ee dalka Kenya.
Dalka Kenya ayaa magan-gelyo siiyey ku dhowaad shan boqol qaxooti Soomaali ah, waxaana dalkaas ku yaala xerada ugu weyn adduunka ee ay ku nool yihiin dadka qaxooni ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment