
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, oo Saxaafadda La Hadlay, ayaa sheegay inay xukuumaddo tabcaynayso Habsami usocodka arrimaha doorashooyinka dalka ka qorshaysan,
“Xukumadda iyo Odhanmaayo Guurtidee Gudoomiyaha Guurtida oo si gaara ugu shuraakoobay inay dalkan Mudo kordhin ka sameeyaan ayaa Xeerkii Diwaangalinta Joojiyay.waxaa cad oo ayaan darana ah in Xukumaddu maalin walba tidhaahdo Doorashada wakhtigeedii baanu ku qabanaynaa iyadoo mudo korodhsi damacsan waana wax bari caddaan doona” ayuu yidhi Xoghayahah Waddani.
Mudane Uurcadde waxa uu Xukumadda ku eedeeyay in labadii sano ee u dambeeyay ay lugta jiidaysay talaabooyinkii Doorashada loogu diyaar garoobayay islamarkaana hadda ay habsaamisay Ansixintii Komishanka, sidoo kalena shaqadii ka joojisay Komishankii hore ee hawlaha sii wadi lahaa.
“Hadda waxaa la marayaa in Odaygii Ugu weynaa Somaliland ee Saleebaan Gaal uu noqday Muddo kordhiye u fadhiya Golaha guurtida iyo qarankaba inuu muddada uun kordhiyo hawl kale oo uu dalka u qabtaana aanay jirin.waxaanu ka digaynaa oo si cad u leenahay heshiiskaa Xukumadda iyo Saleebaan kuwada jiraan ee ay doonayaan inay Umaddan iyo qarankan ku curyaamiyaan oo wanaagaa Caalamku Somaliland la doonayo ay kala weyn tahay Muddo kordhintu, waxaanu leenahay anaga waxaa nala wayn in Doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, in Caalamka aynu raali galino maadaama ay inaga wax inala doonayaan” ayuu yidhi Mr Uurcadde.
Xoghayaha Waddani, waxa uu u soo jeediyay Xildhibaanada Wakiilada u xusul duuban mudo kordhinta iyo xukumadduba inay ka waantoobaan oo ay shuruucda dalka u hoggaansamaan, “haddaanu nahay Xisbiga Waddani marna aqbali mayno in maalin lagu daro Doorashada wakhtigeedii.haddii Xukumaddu intay xilkeedii gudan weydo, waliba ay doonto in abaal marin loo siiyo xil gudasho la’aanteeda oo mudada loogu kordhiyo oo ay Caalamka inaga dhex saarto marna yeeli mayno.waxaanu leenahay Saleebaan Oday weyn baa tahay Kursiga dadka qaar aad ugu danaynayso ha eegin ee dalkan iyo dadkan eeg” ayuu yidhi Mr Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.
Muran iyo is qabqabsi badan ayaa ka dhex aloosmay xukuumadda iyo Hoggaamiyaha Xisbiga waddani, ahna guddoomiyaha Xisbiga waddani, waxana shalay dhaliilo iska soo horjeeda saxaafadda isu mariyey mudanayaal Wakiillada ka tirsan oo kala taageersan xukuumadda iyo Guddoomiye Cirro.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment