Hargeysa, 28 Oct, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Siyaasiyiinta ku bahawday Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Xasan Guure Jaamac, ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan Golaha Wakiillada Somaliland, kaasoo uu ku tilmaamay mid Xukumaddu hurisay, isla markaana ujeeddada laga leeyahay salka ku hayso muddo-kordhin uu sheegay inuu damacsan yahay Madaxweynuhu in loo sameeyo sida uu hadalka u dhigay.

“Annagu (Madasha Wada-tashiga) nagumay cusbayn in Golaha Baarlamaanku isku iman waayo iyo in Khilaafku daba-dheeraado, markii Madasha aannu isugu nimid waxaa noo muuqanayay inay tani dhici doonto, sababta ay u dhacaysaana waxa weeye Madaxweynaha oo raba inuu dib u dhigo wakhtigii doorashooyinka, ujeeddada iyo saldhigga khilaafkuna waa kaas.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac oo shalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa.
Waxaanu Xasan intaas ku sii daray oo yidhi; “Waa Dawladda oo doonaysa in 5-ta sano markay dhammaadaan ay sii fadhido oo ay dhaqan innoo noqotay in Ninku muddadaas oo dhan iska fadhiyo oo wakhtigiisa ku dhammaysto oo wax alle wax hawl ah oo uu qabtay aanay jirin waliba hawl-gabkiisii loogu abaal-gudo in wakhti kale la siiyo, taasi ayaa dhaqan innoo noqotay, Rayaale ayaa korodhsaday, Siilaanyo-na tii buu rabaa iyo inuu korodhsado.”
Xasan Guure Jaamac waxa uu sheegay in labada qodob ee fadhiga aan Caadiga ahayn la isugu yeedhay Golaha Wakiillada yihiin ansixinta xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo in Xeerka diiwaangelinta la isla eego, waxay Muxaafidku dedejintooda ka werwereegayaanna iyaga yihiin, balse aanay muddo-kordhin sababi karin ee ay dib-u-dhac keeni karo habsankoodu, waxaanu yidhi; “Waxa keliya ee doorashada dib loogu riixi karaa waxa weeye in wakhtigii dib loo riixo, Komishankii hore oo la beddelay, kii cusbaa oo aan la ansixin, labada qodob ee Shirkan Wakiillada inuu isugu yimaaddo ugu weynaa waxay ahaayeen Guddiga doorashada oo la ansixiyo iyo Xeerkii Diiwaangelinta oo laga daba tago. Labadaasi dib u dhigistoodu waxay keenaysaa wakhtigii oo dib loo riixo.”
Xasan Guure waxa uu sheegay inay hadda muuqato in Hay’addihii siyaasiga ahaa ee dhiirigelinayay dimuquraadiyaddu hawl-gabeen sida Baarlamaanka, Fulinta iyo Xisbiyada. Waxa uu sheegay in haddii Xisbiyadu yihiin kuwo sidii loogu talo-galay u shaqaynaya ay Goluhu isu iman lahaa oo si fiican u shaqayn lahaa. “Waxa kale oo aynu Ogsoonnahay sababta kale ee muddo-kordhinta ku jirtaa waxa weeye dee Madaxweynaha Caafimaadkiisa waad ka wada-dheregsan.” Ayuu yidhi Xasan Guure.
Xasan Guure Jaamac waxa uu ka sheekeeyey Sheeko qosol leh oo aanu fasirin xigmadda uu wakhtigan uga jeedo ama uga socdo, balse uu xusay inay Dugsiyada Waxbarashada ku dhigan jireen xilligii uu Ardayga yar ahaa, waxaanu yidhi; “Waxaannu Iskuullada ku dhigan jirnay sheeko ah; ‘Bari baa Nin Boqor ah oo aan caqli wanaagsanayni u yimid Nin Dawaarle ah oo ku yidhi ‘Maxaad toshaa? Dawaarlihii baa yidhi; ‘waxaan tolaa dhar aan qofka caqliga xun ama doqonka ahi arag…! Boqorkii-baa yihdi; ‘bal tus oo intuu Gacmaha oo madhan kala fogeeyay ayuu Dawaarlihi ku yidhi; ‘wakaase miyaanad arkayn? Boqorkii baa is yidhi haddii aad tidhaa ma arko waxa la odhan wuu caqli xun yahay Boqorku, markaasuu yidh; ‘Igu qiyaas oo ii tol’.”
“Boqorkii ayuu ku qiyaasay oo ku yidhi; ‘waanigaa kuu geliyay.’ Waxaa iska soo baxay Boqorkii oo qaawan! Markaas, baa dadkii la waayay qof yidhaahda ‘Boqoroow waad qaawan tahay’, Wiil yar baa markii dambe yidhi; ‘Alla bal eega Boqorkii wuu qaawan yahaye! Markaasaa dadkii oo dhami wada yidhi’ ‘Alla Boqorkii wuu qaawan yahay!’,” sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosintu Xasan Guure.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment