Hargeysa, 22 Oct, 2014 (Himilo)- Prof Yuusuf Cabdilaahi Kaariye oo ka mid ah Aqoonyahannada Somaliland, ayaa magaalada Hargeysa gudaheeda ka baafinaya baabuur noociisu yahay Indho-cadde lambarka taarikadiisu tahay 40331, kaas oo duhur cad laga xaday barxadda hore ee gurigiisa oo ku yaala xaafadda Goljanno ee degmada 26 June.

Prof Yuusuf Cabdilaahi Kaariye oo shalay nagu soo booqday Xarunta Wargeyska Himilo ee magaalada Hargeysa, waxa uu sharraxaad ka bixiyey qaabkii uu gaadhigii u waayey iyo dedaallada uu u galay inuu dib ugu helo gaadhigiisa oo ilaa wakhtigan ka maqan.
“Anigoo magacyadu yahay Yuusuf Cabdilaahi Kaariye, waxa layga xaday baabuur aan leeyahay oo noociisu yahay
Indho-cadde ah, lambarkiisu yahay 40,331, anigoo markaas soo rawaxay oo aan hordhigay gurigayga oo ku yaala xaafadda Goljanno. Dabadeena waxa yar ka dib waanu waynay, markii aanu weynayna waxaan u tagay ciidanka taraafikada xaruntooda Jig-jiga yar,. Dabadeedna waxay nagu yidhaahdeen Saldhigga Dhexe taga, nin sarkaal ahbaa na soo raacay oo na keenay meesha CID-da oo fooniyaha ciidanku yaallo oo waxay na yidhaahdeen Kaantaroollada ayaanu dhigaynaa Lambarkiisa si aanu uga bixin, markiibana waxa lagu baahiyey fooniyaha.
Immika intaan doon-doonayey waxay ku dhowdahay laba Wiig, ilaa immikana ma hayo gaadhigaygii,” sidaas ayuu yidhi Prof Kaariye.
Prof Kaariye oo waxa uu sheegay inaanay wax jawaab ah oo warka gaadhigiisa ku saabsan ka helin qaybta Saldhigga Ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka ee Galbeedka Hargeysa oo warbixintiisa ay u gudbiyeen.
“Ilaa immika kama hayno wax jawaab ah oo xataa warbixintii la dhigay Kaantaroolada kamaanaan helin,” ayuu yidhi Prof Kaariye.
Waxa uu AqoonyahanYusuf walaac ka muujiyey halista farsamadan tuugada ahi ku yeelan karto Caasimadda, waxaanu yidhi, “Nin reer Hargeysa ahbaan ahay. Tuugadani waa dhacdo ku cusub magaalada, waligeed may dhici jirin Hargeysa tani, gaadiidka dibaddaa la dhigi jiray, cidina may qaadan jirin, waddankuna ammaanbuu ahaa, immikana waxaad mooddaa inay wixii gacmaha ka baxayaan.”
Ugu dambayntii, waxa uu bulshada Somaliland qaybaheeda kala duwan, gaar ahaan goobaha lagu iibiyo furfurka gaadiidka ka codsaday inay ku wargeliyaan ciidamada Ammaanka ama isaga la soo xidhiidhaan haddii ay la kulmaan gaadhigiisa oo noociisu yahay Indho-cadde wata taariikada lambarkeedu yahay 40331SL.
Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sarreeye Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan, Taliyaha Ciidanka nabadgelyada Wadooyinka iyo Saraakiil Booliska ka tirsan oo taliyaha Qaybta Galbeedka Hargeysa ka mid yihiin oo Wargeyska Himilo isku dayey inuu dhinacooda wax ka weydiiyo kiiskan ugubka ku ah caasimadda, ayaanay noo suuragelin inaannu helno, ka dib markii ay qaarkood taleefannadooda Gacanta naga qaban waayeen, qaarkoodna aannu la kulanay taleefannadooda oo xidhan, halka mid ka tirsan saraakiishaas oo ay suurto-gashay inuu telefoonka naga qabto uu gebi ahaan ka gaabsaday inuu arrintan ka hadlo. Hase-yeeshee, Dhacdooyinka la xidhiidha tuugada baabuurta, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku soo badanayey magaalada Hargeysa, waxaana dhacdadan u dambeysay ee Prof Kaariye la kulantay ku lammaan oo kiiskooda loo gudbiyey taliska ciidanka nabadgelyada waddooyinka laba baabuur oo tuugadan oo kale lagu kacay, kuwaas oo muwaadiniintii lahayd ay ilaa wakhtigan la’ yihiin, sida Wargeyska Himilo ku helay warar dhacdadan halista ah ku saabsan.
Balse Taliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal oo Wargeyska Himilo badhtamihii sannadka wwax ka weydiiyey dhacdooyinkan,waxa uu sheegay in cabashooyinka kiisaska tuugada baabuurtu soo gaadhaan Taliska Ciidanka Booliska, haseyeeshee illaa hadda Ciidamada Boolisku ma soo bandhigin cid ay u qabteen iyo tallaabooyin ay qaadeentoona.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment