Thursday, October 30, 2014

Doorashooyinkii Baarlamaanka Tunisia Oo Uu Guul Kasoo Hooyey Xisbi Cilmaani ahi

Tunis:Oct,30,2014(Himilo)-Doorashooyinkii Baarlamaaniga ahaa eek a dhacay Dalka Tunisia, ayaa waxa la sheegay inuu Guul kasoo hooyey xisbiga Cilmaaniga ah ee Nidaa Tuunis oo kamid ah axsaabta dalkaasi ka jira.

nahXisbigan Nidaa Tuunis ayaa helay 85 kamid ah kuraasta Baarlamaanka oo ka kooban 217, inkastoo xisbigan uu helay inta badan kuraasta ayaanu hadan heysan kooramka Baarlamaanka taasi oo ku khasbeysa inuu dowlada Isbaheysi ku dhisan la sameysto xisbiyada kale qaarkood.

Xukuumada Tuunisiya ayaa waxaa hore u hogaaminayey Xisbiga Islaamiga ah ee ENAHDA kaasi oo xilka qabtay kadib doorashooyinkii dhacay markii xilka laga tuuray Hogaamiyihi hore ee dalkaasi Ben Ali oo xilka laga riday 2011.

Dalka Tunisia ayaa ah wadankii ugu horeeyey ee uu ka bilowday kacdoonkii Carabta sanadkii 2010, waxana markiiba laga qabtay doorashooyin natiijadoodu noqotay in xisbiga islaamig ah ee Annahda oo xidhiidh dhaw la leh Ikhaanka Masar uu talada qabto.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment