Hargeysa, 22 Oct, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa dacaayado waligii laga faafin jiray ku tilmaamay warar laga baahiyey xaaladiisa caafimaad iyo hankiisa siyaasadeed ee hoggaaminta dalka, kaas oo lagu sheegay inuu madaxweyne Siilaanyo uga tanaasulay tartanka madaxtinimada ee doorashada soo socta sababo lala xidhiidhiyey xaaladdiisa caafimaad oo aan u saamaxayn inuu mar labaad u tartamo hoggaanka dalka.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlay qofka nashada ee Madaarka diyaaradaha Hargeysa, ka dib markii isaga iyo wefti xukuumaddiisa ka tirsan ka soo laabteen safar muddo laba todobaad ku dhow qaatay oo ay ugu maqnaayeen waddanka Ingiriiska, halkaas oo ay kaga qayb-galeen shir maalgashi iyo xidhiidh ganacsi loogu raadinayo Somaliland.
Md Siilaanyo oo ugu horeyn ka hadlayey muhiimadda shirkaasi u leeyahay iyo rejada Somaliland ka qabto, waxa uu yidhi, “Aniga iyo Weftiga ila socdaaba inaanu ku soo noqonno dalkii oo nabad ah Illaahay Mahaddii weeyi. Shirkaasi wuxuu ahaa shir aad loogu guulaystay oo aad loo yimi oo dawladda Ingiriiska iyo ciddii kale ee timidba ay aad uga soo qayb-galeen ayuu ahaa. Markaa shirkaasi wuxuu ahaa shir aanu aad iyo aad ugu faraxsanahay kuna soo guulaysannay, Illaahayna aanu ka rejaynayno inuu midhihiisa iyo faa’idadiisa aynu wax ka aragno.”
Madaxweynaha Somaliland waxa uu been-abuur iyo dacaayado laga faafiyey ku sheegay inuu ka tanaasulay hankiisa murashaxnimo ee doorashada soo socota oo uu shore shaaca uga qaaday inuu u taagan yahay horaantii sannadkan, ka dib is-fahan iyo heshiis dhexmaray guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay isku qabteen Cidda xisbiga u meteli doonta murashaxnimada doorasho xisbigaasi ku sii xejisto sallaanka hoggaanka dalka.
“Markii aan tagay, waxa la faafiyey inaanan doorashada dambe isu soo taagaynin, taasina waa dacaayadihii badnaa ee waligoodba socon jiray, mar caafimaadkayga laga sameeyo iyo marba wax lagu gudbaba oo laga sameeyo weeyi, taasna wax alaale wax ka jiraa ma jiraan. Inta sharcigu ii oggol yahay waan taaganahay, wax alla waxaan qabaana ma jirto,” sidaas ayuu yidhi Md Siilaanyo.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu madaxweynuhu kalsooni ka muujiyey inuu mar labaad hanan karo hoggaaminta dalka. “Dalkayga iyo dadkeygana waan u shaqayn jiray, waanan u shaqaynayaa, waanan ku kalsanoonahay inay shacbigayga iyo dadkeyguba kalsoonida isiin doonaan,” ayuu yidhi Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment