Wednesday, October 29, 2014

Xildhibaan Rayte oo Sheegay inay Xukuumaddu Guddiga cusub ee Doorashooyinka fartay inaanay hor-tegin Golaha Wakiillada

Hargeysa, 29 Oct, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Guddiga arrimaha gudaha Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte, ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inay Xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka loo soo xulay dhawaan ee aan la ansixin ay fartay inaanay hor-iman Golaha Wakiillada.
REYTEXildhibaan Rayte waxa uu ku dooday in Xukuumaddu sida ay Xildhibaannada Muxaafidka ah u fartay inaanay hor-tegin Golaha Wakiillada si aan loo ansixin xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka ay Xubnaha laftoodana arrintaas oo kale u fartay. Waxaanu Xildhibaan Rayte sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Hargeysa, kaasoo uu ku sheegay dulucda khilaafka ka dhex-taagan Golaha Wakiillada ee Mudanayaasha Muxaafidka iyo Mucaaradku ku hirdamayaan ay tahay arrin badi shacabka ka qarsoon oo ay muhiim tahay in la fahmaa.
“Farsamo ahaan marka laga yimaaddo nuxurka khilaafku muxuu daarran yahay? Wuxu daarran yahay arrin qudha, taasaan rabaa dadweynuhu inay fahmaan. Maxaa ka dhexeeya Komishankan la is-hortaagay iyo Xeerkan diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha? Dadka badankoodu ma arkaan waxa ka dhexeeya, waxbaa ka dhexeeya? Labuba doorashaday khuseeyaan, Xeerka diiwaangelinta Cod-bixiyeyaashu hadduu soo baxo waxa bilaabmaysa diiwaangelintii cod-bixiyeyaasha, hadday bilaabanto oo dhammaato doorashadii baa ku xigta, dariiqu waa bannaan yahay. Guddiga doorashooyinku haddii la ansixiyo muxuu qabanayaa?” sidaa ayuu yidhi Md. Rayte.
Waxa uu Xildhibaan Rayte intaas ku sii daray; “Wuxu qabanayaa diiwaangeilnta cod-bixiyeyaasha ayuu ka bilaabayaa, dabadeedna doorashada ayay qabanayaan, labada arrimood halkaasay isugu imanayaan. Waxan oo hawl ah, waxan oo haddal ah iyo waxan oo buuq ah nuxurka ay leedahay waxa weeye diiwaangelintu inay dib uga dhacdo xilligeedii, waayo way muddaysan tahay diiwaangelintu, doorashaduna way muddaysan tahay, haddii diiwaangelintu dib u dhacdo, waxa imanaya in doorashaduna dib uga dhacdo waqtigeeda, hadday taasi dhacdana waxa dhacaya waa la garanayaa. Waxa loo tegayaa Guurtida, Guurtiduna waxay samaynayaan arrintii caanka ahayd ee mudda-kordhinta.”
“Komishanka cusub Xukuumadda ayaa ku tidhi Golaha ha tegina, Xildhibaannada KULMIYE ka soo jeedana tidhi Golaha ha tegina, markaa waxan oo dhami waxay ku ururayaan Xukuumadda. Ujeeddada laga leeyahayna waa in muddo kordhin la helo, waxa la is-hortaagay labadii qodob ee Ansixinta Guddiga doorashada ee cusub iyo dedejinta Xeerka diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha oo ay Qaadhaan-bixiyeyaashu ku xidheen Kharashka ku baxaya dhammaystirkooda, muddo-kordhini haddii ay timaaddana waxa meesha ka baxayaa waxa weeye Xaqa Shacabka ee ah inay codkooda ku soo doortaan qofka ay doonayaan oo aan cid kale u doorin.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte oo ka mid ah Mudanayaasha Mucaaradka ee waqtigan ka tirsan Xisbiga WADDANI.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment