
Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul Oo Maanta warbaahinta kula hadlay Qasriga Madaxtooyada ayaa Eedaha Mucaaradka bar bar uga duway Madaxweynaha, waxana uu arrabka ku adkeeyey inay xukuumaddu si weyn diyaar ugu tahay Doorasho dalka laga qabto,
“Waxaan halkan ka cadaynayaa saddex Calaamadood oo uu muujinaya sida Xukumaddu diyaar ugu tahay Doorashada, mid waxa weeye, In Madaxweynuhu labada Gole ka hor caddeeyay inaan Doorashada Maalin loogu darin, midna waxa weeye In Madaxweynuhu Waraaq u diray Qaadhaan bixiyeyaasha oo u sheegay inay Doorashadii naga diyaar tahay, waxaad wada Ogsoon tihiin Miisaaniyaddii la diyaariyay Oo Cirro ka war-wareegayo in la Ansixiyo laakiin muday golaha wakiilada hor taalaa” ayuu yidhi Mr Dhuxul.
Mudane Dhuxul waxa uu nasiibdarro ku tilmaamay xeer uu sheegay inuu Guddoomiye cirro kusoo daray wax aan ahayn wixii Goluhu ansixiyey, waxana uu tilmaamay in arrintaasi ay tahay taariikh xumo aan loo dulqaadan Karin,
“Xeerkii Goluhu ka dooday in inta wax laga bedelo loo gudbiyo Guurtidu waa Ayaan daro, waa dhacdo taariikhi ah,waligeed may dhicin in xeer la ansixiyay wax laga bedelo.Xeerarka waxaa loo sameeyaa in Qarankan iyo kuwa dhuuxeena ku jira inay anfacaan oo hadhaw ay ku dhaqmaan.waxaa Ayaan daro ah in Xeerarkii ay ahayd in Qaranka loo dhigo in la doonayo in Gudoomiye Cirro leekaysiiyo Shaadhka Xisbigiisa waddani”ayuu yidhi Afhayeen Dhuxul.
Afhayeenka Madaxtooyadu waxa uu sidoo kale Mid mid uga jawaabay Eedaymo ay soo jeediyeen Qaar ka mid ah Mudanayaasha Mucaaradka ahi “Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,wuxuu yidhi Beesha Caalamku hana soo kala gaadho,taa macnaheedu waxa weeye Anaga iyo Soomaaliya isku mid baanu nahay ee noo soo gurmada Qarana ma jiro macnaheedu weeye. Waxa kale oo Xisbiga Waddani Bilaabay inuu dadka Somaliland Dalkan u kala sheegto oo dadka qaar dalkan ka sheegto,Gudoomiye xigeenka 1-aad ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayuu Nin La yidhaa XIldhibaan Bashiir Tukaale Cambaareeyay,hadalkiisuna wuxuu u dhignaa inuu ka sheegto Qarankan,waxaanu hadalkiisa ka raali galinaynaa dadweynaha Reer Sool,waxaanu ka raali galinaynaa Gudoomiye xigeenka 1-aad oo aanu leenahay hadalkaasi idinma qabto.waxaan leeyahay shacabka Somaliland ee Waddani kala suntayaa waa isku mid.” Ayuu yidhi Dhuxul.
Afhayeenka Oo Hadalkiisa sii wata, ayaa si gaar ah ugu jawaabay Xildhibaan Aareeye oo isagu shalay si kulul u dhaliilay Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu yidhi,
“Waxaa isna la yaab leh Nin la yidhaa Xildhibaan Cali Aareeye,Cali Aareeye waxaa iigu dambeysay isagoo bari intuu halkan Madaxtooyada yimid yidhi Indhaha oo uu ka cabanayay hala iga caawiyo,Madaxtooyadu iyadoo waajibkeeda gudanaysa way caawisay oo Indhaha ayaa loo soo qalay, Bidhiiqii u horeeyay ee uu wax arkayna Cay buu Madaxtooyada ula soo fadhiistay.Wuxuu yidhi Shalay Madaxweyne Siilaanyo ayaa Boqol jeer ka daran Siyaad Barre,Madaxweyne Siilaanyo Miyaanu ahayn kii la dagaalamay Siyaad Barre ee ka soo hor jeestay. Waxaan leeyahay Cali Aareeye waanu ka xunahay.Madaxweyne Siilaanyo oo horumarka ku hogaamiya dadkiisa inuu yidhaahdo Siyaad Barre ayaa ka wanaagsanaa jawaab teedu waxay u taal shacabka.Wuxuu yidhi Waxaa la shaqeeya qaar Gaagaaban,cida uu sheegayaa way iska caday laakiin,waxaanu leenahay intay Maalin qarankan u qabteen kuwa aad sheegaysaa waligaa umaad qaban” ayuu yidhi Mr Dhuxul.
Madaxtooyada somaliland ayaa ugu dambayntii ka Gilgilatay Dhaliilo isdaba joog ahaa oo mudanayaasha Mucaaridka ahi gogga u gelinayeen Maalmahan, waxana Jawaabtani ay dab kusii shidaysaa Khilaafkii Madaxtooyada iyo mucaaridka dhexyaallay eek u saabsanaa Xeerar Hore Golaha uga Baxay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment