Dalka Singapore waa jasiirad yar oo ka kooban hal magaalo (Island City-State). 1963 Waxay ka xorowday boqortooyadii Ingriiska waxaanay ku biirtay dalka Malaysia, hase ahaatee 1965 waxa laga saaray ama laga eryay midowgii labada dal markii khilaaf soo kala dhex galay.
Waxa lays waydiiyay sida ay Singapore u sii jiri karto iyada oo aan la midoobin dal kale; Jawaabta shaki la’aan laysku raacay waxay noqotay MAYA, kaligeed ma sii noolaan karto.
Hase ahaatee hoggaamiyihii Singa pore ee wakhtigaa LEE KUAN YEW wuxuu go’aansaday inuu beeneeyo malaha khubarada oo uu suurto geliyo waxaan suurto gal ahayn.
Wuxuu dajiyay qorshe ballaadhan oo dhamaystiran oo lagu xaqiijinayo Singapore inay noqoto dal jira iyo waliba inay ka mid noqoto waddamada horumaray waxase loo arkayay riyo been ah iyo hindisayaal mala awaal ah.
Qorshayaashii Mr Lee waxa ka hor yimid caqabad adag oo marka hore u baahan in xal loo helo oo ah: Singapore waxa ku wada noolaa saddex qoomiyadood oo kala jinsi ah, kala dhaqan ah, kala diin ah oo kala af ah oo mid kastaaba dhinaca ku hayo daacadna u ah waddanka uu asal ahaan ka soo jeedo oo kala ah China, Malaysia iyo India.
Mr Lee Riyadiisa ma rumayn karo ilaa uu qawmiyadahan ka dhigo ummad reer Singapore ah oo ku abtirsada dalkooda.
Waa imtixaan adag wuxuuse guulaystay markii uu helay furihii uu ku midayn lahaa ama laysku aamini lahaa oo ah in si dhab ah loogu maamulo si siman iyo caddaalad, markaas ayay Singapore samaysay waxaan la samayn karin oo mucjiso lagu tilmaami karo (They achieved the unachievable).
Lee Kuan Yew mar la waydiiyay sida dalkiisu u gaadhay horumarka intaa leeg, wuxuu ku jawaabay “Haddaan ku soo gaabiyo laba eray oo qudha, waxaan odhan lahaa caddaalad iyo Isku kalsooni (If I have to choose two words to explain, why Singapore succeeded, they are Justice and Confidence).
Aan u soo noqono nuxurka qoraalka Somaliland waxay qayb yar ka tahay qoomiyada ballaadhan ee Soomaalida, waa ummad isku dhaqan ah, isku diin ah oo isku af ah, bulshadu dhamaantood waa xigto iyo xigaal, sidaa awgeed waa wax la hubo midnimadoodu haddii aan laga shaqayn in la kala furfuro waliba madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud iyo masuuliyiinta kale ee qaranku markasta iyo goob kasta waxay dadwaynaha ugu baaqaan ama ku celceliyaan in midnimada la adkeeyo iyo nabad-gelyada qaaliga ahna la ilaaliyo.
Runtii waa hadal aad u wanaagsan, waa talo waayeel oo loo baahan yahay, waana inta Soomaalida kale aynu dheer nahay, muwaadin kastana waa ku waajib inuu ku guubaabiyo dadka inta uu gaadhi karo laakiin shicibka haddii laga rabo midnimo madaxda iyagana maxaa laga rabaa? Waxa laga rabaa hoggaamin fiican iyo dadkooda inay ku dhaqaan Caddaalad oo sharciga loo sinnaado, shaqooyinka loo sinnaado, deroojinka loo sinnaado oo qandaraasyada iyo fursadaha kaleba loo tartamo oo la joojiyo qaraabo-kiilka iyo in aan muwadiniinta awoodda dawladda qaarna lagu soo dhawayn qaarna lagu daadafayn.
Haddaba waa sidee xaalada Cadaaladda Somaliland? Marka caddaalad la soo hadal-qaado waxa laga yaaba in markiiba waxa maskaxdaada ku soo dhacaa yahay hay’adaha garsoorka laakiin caddaalad-darrada dadka oo dhan saamaysaa waxay ka timaddaa hay’adda-fulinta ama xukuumadda gaar ahaan wasiirrada qarkood oo si aan xishood lahayn ugu kala eexda ama u kala sooco bulshadii in uu u shaqeeyo loo igmaday.
Soomaalidu waxay tidhaahdaa Fule xantii ma mooga; Madaxweyne, dadweynuhu waxay kugu xantaan inaad raalli ka tahay dhaqanka iyo ficillada gurracan iyo awoodda xad-dhaafka ah ee masuuliyiinta qaranka qaar ka mid ah maadaama aad waxba ka qaban wayday.
Si kastaba ha ahaatee, haddii caddaalad la waayo midnimada bulshadu way dhantaalamaysaa, haddii midnimo la waayana horumar la gaadhi maayo nabadduna ma waarto.
Bal u fiirso waddamada dagaallada sokeeye iyo colaaddu ka aloosan tahay ee xasili waayay iyo sababaha keenay oo ay caddaalad-daradu kow ka tahay.
Madaxweyne, waxaan u malaynaa inaad rumaystay ammaanta beenta ah iyo borobagaandhada warbaahinta dawladda laakiin Somaliland waxay maraysaa jid qaldan, waxaanay ku socotaa jiho qaldan.
Madaxweyne, dadku kaamay wada quusan, adiguna kama aad quusan wali waxaad haysataa fursad aad isbeddel ku samayso oo dalku ku badbaadi karo kaliya waxaad u baahantahay geesinimo iyo in aad ku dhiirrato.
Cabdiraxmaan Cadami
abdrahamanadami@yahoo.com
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment