Saraakiil dalalkan ka kala socda oo ku shirsan Dalka Belgium-ka, ayaa ka fikiraya sida ugu wanaagsan ee loola macaamilayo dadka kasoo yaacaya qaaradaha Afrika iyo Asia, waxana ay ku mashquulsan yihiin inay soo saaraan wax lagu qanco.Kullankan, waxa uu dhacayaa ayadoo maanta lagu wado in dawalda Talyaaniga ay isu diyaarineyso inay ku wareejiso ilaalada badda Mediterranean-ka xoogag xadidan oo EU ah, kuwaasi oo xoogga saari doona ilaalinta xadadka halkii ay ka fulin lahaayeen baadhis iyo badbaado.
Golaha qaxootiga Yurub ayaa sheegay niyad ahaan ay qaladan tahay in laysku dayo in la weeciyo soo galooti cusub iyadoo la ogolaanayo dad badan inay badda ku dhintaan.
Ugu yaraan sadax kun ayaa qarqoomay sanadkii la soo dhaafay iyagoo isku dayay inay gudbaan, waxayna ciidamada badda Talyaaniga ay badbaadiyeen boqol iyo konton kun oo kale.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment