Monday, October 27, 2014

Maamulka Iyo Shaqaalaha Shirkada Isgaadhsiinta Ee Somtel Oo Tacsi U Diray Prof. Xasan Xiis Oo Hooyadii Ku Geeriyootay Hargeysa

إنا لله وإنا إليه راجعون

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Hargeysa (Himilo) Guddoomiyaha Shirkadda Somtel iyo Guud ahaanba Shaqaale-weynaha Shirkadda Somtel iyo Dahab shiil Group waxay Tacsi Tiiraanyo leh u diyaraan Prof. Hassan M. Jama Heiss Oo Hooyadii Xaawa Ducaale Xirsi ay Saaka Ku geeriyootay Shil Baabuur oo ka dhacay Badhtamaha Magaalada Hargeysa, Inaa li laahu wa inaa ilayhi raajicuun.
Dhamaan Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii ay Marxuumaddu ka baxdayna waxa aanu leenahay Samir iyo Iimaan saadiq ah Allah ha idinka siiyo, Marxuumaddana waxa aanu ilaahay uga baryaynaa Inuu Jannatul fardawsa Ka waraabiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
كُلُّ نَفْسٍ ذَآئِقَةُ الْمَوْتِ وَإِنَّمَا تُوَفَّوْنَ أُجُورَكُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فَمَن زُحْزِحَ عَنِ النَّارِ وَأُدْخِلَ الْجَنَّةَ فَقَدْ فَازَ وَما الْحَيَاةُ الدُّنْيَا إِلاَّ مَتَاعُ الْغُرُورِ
إنا لله وإنا إليه راجعون

-somaliland-aHargeys
Himilomedia.com

 

No comments:

Post a Comment