
Weerarkan ayaa keenay in dowlada Masar ay xaalad deg deg ah kusoo rogtay gobalka Siinaay. Madaxweynaha Masar Cabdifatax Al Sisi ayaa sheegay in weerarada argagaxisada ee ka socda Siinaay lagu doonayo in lagu burburiyo dalka Masar.
Sisi ayaa maanta oo Sabti ah la kulmay Taliyayaasha ciidamada wuxuuna sidoo kale xidhay xaduudii Rafax ee u dhaxeysay Gaza iyo wadanka Masar.
Masar ayaa qalalaase ku jirtey tan iyo intii xilka laga qaaday Madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamed Mursi, waxana dagaal adag haatan xukuumaddan kula jira Kooxo islaamiyiin ah oo weeraro gaadmo ah ka wado goobo kala duwan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment