Tuesday, October 28, 2014

Xisbiyada Mucaaridka oo khilaafka Sharci ee Wakiilada ka taagan ku Micneeyey Xeelad-siyaasadeed oo Xukuumaddu muddo-kordhin ku raadinayso

“Dagaalka halkan ka socda, maaha Mucaarad iyo Muxaafad ee waa dagaal ay is hayaan doorasho-doonka Somaliland oo xal doon ah iyo…”Cali Guray
Hargeysa, Oct 28, 2014 (Himilo)- Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay dibin-daabyo joogto ah ku hayso tabaabushaha looogu jiro doorashooyinka madaxweynaha iyo golaha Wakillada oo la qorsheeyey inay dalka ka dhacaan badhtamaha sannadka dambe.
xisbiyadaMasuuliyiin sar-sare oo ka tirsan labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADDANI oo shalay magaalada Hargeysa si wada jir ah ugu qabtay shir-jaraa’id, waxa ay ka hadleen khilaafyo sharci oo u dhexeeya Goleyaasha sharci-dejinta iyo wax ay ku tilmaameen ifafaale muuqda oo Xukuumaddu ku maleegayso xeelado-siyaasadeed oo muddo-kordhin loogu ololeynayo iyo dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka, , iyagoo tusaale u soo qaatay muranka ka taagan xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha oo xalaalayntiisu wali cirka ku laalan tahay.
Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) iyo Xoghaya Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo ka hadlay shirka jaraa’id, waxa ay si adag u dhaliileen khilaafka ka dhex-curtay Golaha Wakiillada oo sababay inaan wali la ansixin xubnaha Cusub ee Guddiga doorashooyinka, iyada oo muddo-xileedka guddigii hore ku egyahan 29-ka bishan Oktober oo ku beegan maalinta Arbacada ee Berri, waxaanay labada xisbi xukuumadda ku eedeeyeen inay sabab u tahay kala-qaybsanaanta mudaneyaasha golaha Wakiillada oo ku tilmaameen tallaabo muujinayso dib-u-dhac ku yimaadda doorashooyinka oo xukuumaddu damacsan tahay.
Ugu horeyn waxa halkaas kahadlday, Guddoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf oo Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyay inuu doorasho diid yahay, waxaanu sababeeyey halka uu salka ku hayo khilaafka wakhtigan ka dhex-aloosan goleyaasha sharci-dejinta.
“Dagaalka halkan ka socda, maaha Mucaarad iyo Muxaafad ee waa dagaal ay is hayaan doorasho-doonka Somaliland oo xal doon ah iyo Doorasho-diidka Somaliland oo Xal la’aan inagu wada, xal la’aantana hore ayaynu u aragnay”, sidaas waxa yidhi Guddoomiye Cali Guray.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxaa nasiib-darro ah, madaxweynaha qawlkiisa markaanu eegno ee ahaa ‘Anigu wakhtigii la ii igmaday Maalin ku dari maayo’, saw madaxweyneheenii maaha oo inaynu rumaysano maaha. Intaas oo jeer buu ku celiyay oo intaas oo Safiir baa soo maray oo cid walba wuxuu u sheegay in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomayso, kaalmuu waydiistay waa laga aqbalay, waana Qawl. Ficilkiisu muxuu noqday, waa kaas doorasho-diidka ah, qowlkiisu waa doorasho doon, ficilkiisiina waa doorasho-diid, dee dhinac ha iskugu guuro oo ama Xirsi iyo Cali Mareexaan iyo Balaaki ha dhegaysto cid u nasteexa malaha Ninkuye, wax u tudhayaana ma jiree ama Umadda ha soo raaco oo cidda u nasteexa ah wax ha ka dhegaysto,” ayuu yidhi Cali Guray.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa ku dooday inaanu jirin khalad ku jira Xeerka Diwaangalinta Codbixiyeyaasha, balse xukuumaddu qiil uga dhiganayso muddo-kordhin aan sharci ahayn.
“Xeerkan wax allaale wax dhib ah oo ku jirtaa ma jiro, halkee lagu dhamaystaa arrinta, waa Gole wakiilo, Guriga Saylici lagama hadleene waxaa lagu dhamaysan lahaa Golaha Wakiilada wixii golaha khuseeya. Golaha wakiilada waa la iskugu yeedhay Shir, maxay u diidayaan, wixii ay hayaan miyey halkaas ka sheegaan?, Maxay u diidayaan in la ansixiyo Komishanka la magacaabay ee loo lugaynayaa? Waxa meesha ka socdaa waa inaan doorasho dalkan ka dhicin oo faraha la iskula tago, laakiin umadda waxaanu ugu baaqaynaa nabad-galyadaas ay inoogu yimaadeen inay inagaga tagaan oo aynu ilaashano,” ayuu yidhi Maxamed Cabdillaahi Uurcadde.
Khilaafka Cirka isku-shareeray oo ka dhashay is-maan-dhaaf sharci oo ka dhex-qarxay goleyaasha Sharci-dejinta isla markaana salka ku haya Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo is-maan dhaaf ka taagan yahay, ayaa mudaneyaasha golaha wakiillada u kala jebiyey laba garab oo siyaasadda xukuumadda iyo Guddoomiyaha Wakiillada iyo Waddani kala taabacsan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment