Tuesday, October 28, 2014

Wararkii u dambeeyey halka uu marayo Khilaafka Madaxda Soomaaliya & Qodobbada mid waliba ku doodayo

Muqdisho, 28 Oct, 2014 (Himilo)- Khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha dalkaasi Soomaaliya, ayaa u muuqda mid sii xoogaysanaya, inkasta oo ay jiraan dhinacyo durba u hawlgalay xallinta khilaafkaas oo dibedda u soo baxay Sabtidii toddobaadkan markii Madaxweyne Xasan Sheekh Buriyey Isku-shaandhayn kooban oo uu Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh ku sameeyey illaa siddeed xubnood oo ka tirsanaa Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisa oo uu isku bedbeddelay.
hassan_strategy-690x350RW-abdi-weliKhilaafkaas oo u muuqda kii heerkiisu ugu sarreeyey ee Raysal-wasaaraha iyo Madaxweynaha Soomaaliya soo dhex-galaya, isla markaana ah markii ugu horreysay ee isku-shaandhayn uu sidan oo kale Raysal-wasaare u sameeyey uu Madaxweynuhu si cad u buriyo marka loo eego dawladaha markasta Khilaafku hadhaynayey ee Soomaaliya soo maray tan iyo burburka dawladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya 1991-kii. Iyagoo Raysal-wasaarayaasha Khilaaf Madaxweynayaashoodii dhex-maray yihiin 13 Raysal-wasaare oo khilaafka ku waayay boosaskoodii markii Madaxweyne weliba istaagay amaba xalku noqday in laga beddelo.
Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa noqonaya Raysal-wasaarihii 14-aad ee Soomaaliya soo mara tan iyo sannadkii 2000, waxaanu noqonayaa Raysal-wasaarihii labaad ee uu magacaabo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tan iyo intii xilkaas loo doortay 10 September 2012-kii, isagoo Raysal-wasaarihii koowaad khilaaf soo kala dhex-galay dartii uu xilka ku waayey, Cabdiwelina beddelkiisa ku yimi.
Haddaba, Khilaafkan xooggan ee Sabtidii sida cad u qarxay, ayaa Xogaha ay Warbaahintu ka helayso Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa tibaaxaya in ay bilawdeen dedaallo lagu dhexdhexaadinayo Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka soo ifbaxay ee ka dhex taagan labadan Masuul, kaasoo labadooda mid waliba ku doodayo inuu qaaday tallaabado Dastuuri ah oo Sharciga dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya u oggol yahay.
Xogo Warbaahinta qaarkeed ka heshay ilo-wareedyo ku sugan Villa Soomaaliya, ayaa sheegeya in Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha uu mid walba wato arrimo uu doonayo in gundhig looga dhigo xallinta khilaafkan oo ka bilawday isku shaandheyntii Golaha Wasiirrada qaar ka mid ah lagu sameeyay.
Ilo-wareedyadan ayaa sheegaya in labada Masuul xalay is arkeen markii ugu horreysay tan iyo markii ay soo kala saareen War-Saxaafadeedyada is burinaya maalinimadii Sabtida. Kulankaasi ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay, walow dawladda ay ku adkeysaneyso in khilaaf kasta oo jira aan loo baahneyn in ajnabi soo dhexgalo.
Qodobbada Madaxweynuhu doonayo:
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa u arka arrinta isku shaandheynta mid aan waafaqsaneyn xeerarka dalka, isla markaana ay tahay xad-gudub ka Madaxweyne ahaan lagu sameeyay, sidaas darteed-na wuxuu doonayaa in Raysal Wasaaruhu si cad uu Saxaafadda uga sheegayo inuu ka laabtay isku shaandheyntii Sabtidii uu ku kala beddelay illaa siddeed xubnood oo ka mid ah Golaha Xukuumadda uuna ku jiray Wasiirka Garsooka Faarax Cabdiqaadir oo lagu tiriyo inuu yahay gacanta midig ee Madaxweynaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale doonaya in Raysal Wasaare Cabdiweli caddeeyo in isku shaandheynta uu sameeyay ay ahayd khalad isaga ka dhacay, isla markaana uu ka cudur-daarto, caddeeyana inuu ka noqday.
Madaxweynaha ayaa u arka in aan xilligan loo baahneyn wax isku shaandheyn ah, maaddaama hawlo culus ay socdaan sida dib-u-habeynta dastuurka iyo shirka la filayo in Novembar uu ka dhaco dalka Denmark, kaasoo lagaga hadli doono taageerada beesha caalamka ee qorshaha “Higsiga Cusub” ee sannadka 2016 ee Federaalka Soomaaliya.
Qodobbadan ayuu Madaxweynuhu shuruud uga dhigay in lagu soo afmeero khilaafka ka dhex taagan Xafiisyada Madaxda sare ee dawladda loogana waaqsan karo carqalad siyaasadeed iyo mid dastuuri ah oo dalku uu galo xilligan.
Raysal Wasaaraha Muxuu rabaa?
Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliy Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa la sheegay inuu miiska keenay arrimo ka hor-imaanaya dalabka Madaxweynaha, isagoo sheegay inuu ku qanacsan yahay in khilaafka loola tago Golaha Baarlamaanka si uu go’aan uga gaadho oo codka kalsoonida loogu qaado.
Waxaanu Raysal wasaare C/weli ku dheggan yahay in isku shaandheyntiisu ay ahayd mid uu xaq u leeyahay, dastuurkuna uu isaga siinayo awoodda isku beddelka iyo kala bedelka Golaha Wasiirrada Xukuumadda uu Raysal-wasaaraha ka yahay.
Raysal Wasaaraha waxa kale oo uu soo jeediyay in khilaafkan la geeyo Baarlamaanka si ay uga gaadhaan go’aan, isla markaana ay u kala saaraan Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha cidda khaldan ama sax ku joogta.
Maalintii Axadda ee toddobaadkan, ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu shaaca ka qaaday in Baarlamaanku uu diyaar u yahay inuu xalliyo khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha, isagoo sheegay in shuruucda dalka ay ku filan tahay in lagu kala baxo haddii kala duwanaansho dhanka fikirka ahi uu yimaaddo.
Dadka falanqeeya Siyaasadda Soomaaliya, ayaa sheegaya in Xildhibaannada Baarlamaanka laftoodu ay ku kala qeybsan yihiin khilaafka Madaxda dalkaas, isla markaana ay jiraan qaar raba in khilaafkan ay ka faa’iidaan si ay uga gaadhaan danahooda gaarka ah, waana taasi midda sii adkeyneysa in khilaafku uu noqdo mid sahlan oo si fudud ku dhammaada.
Illaa hadda lama saadaalin karo in Khilaafka ka dhex-qarxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu galaafan doono Raysal-wasaaraha sidii Raysal-wasaarayaashii ka horreeyey oo kale, halka uu salka dhigan doono iyo inuu noqon doono mid inta xal laga gaadho ay si caadi ah u sii wada-shaqeeyaan Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaruhu.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment