Monday, October 27, 2014

Bahda Himilo Media Group Oo Tacsi U Diray Prof Xasan Xiis Oo Hooyadii Ku Geeriyootay Caasimada Hargeysa

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun
Hargeysa (Himilo) Maamulka Iyo Hawlwadeenada Himilo Media Group Oo Kala Ah Guddoomiye Madar Cabdi Axmed, Madaxa Maamulka Iyo Dhaqaalaha Axmed Cumar Maxamed, Tifatire Khadar Iid Kaariye, Maxamuud Cali Axmed (Walaaleeye), Cabdifataax Ismaaciil Mursal, Caydaruus Sh Cumar Geedi, Axmed Cumar Axmed, Cismaan Axmed Cismaan, Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf, Cabdi Cali Haybe Waxay Dhamaantood Tacsi U Dirayaan Prof. Xasan M Jaamac Xiis Oo Hooyadii Xaawa Ducaale Xirsi oo shalay Ku geeriyootay Shil Baabuur oo ka dhacay Badhtamaha Magaalada Hargeysa, Inaa li laahu wa inaa ilayhi raajicuun.
Bahda Himilo Media Group waxay ilaahay uga baryayaan Dhamaan Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii ay Marxuumaddu ka baxdayna inuu Samir iyo Iimaan saadiq ah Allah ha isiiyo, Marxuumaddana waxa aanu ilaahay uga baryaynaa Inuu Jannatul fardawsa Ka waraabiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment