London, 28 Oct, 2014 (Himilo)- Dawladda Ingiriiska, ayaa shaaca ka qaadday in dalal ay Somaliland ka mid tahay la gashay Heshiis dhigaya in Muwaaddiniintooda Sharci-darrada ku gala waddanka Britain dib loogu celin karo dalalkooda ay ka yimaaddeen ee Somaliland ku jirto.
Heshiiskan, ayaa u muuqda mid muujinaya heerka kala duwanaanshaha nabadgelyada iyo isku hallaynta xasilloonida ka jirta Somaliland ee aan ka jirin Soomaaliya oo sidoo kale aan qayb ka ahayn dalalka ay Ingiriisku sheegeen inay kula jiraan heshiiskan oo ay ka mid yihiin waddamo badan oo caalamka ka tirsani.

Wasiiru-dawlaha Arrimaha Gudaha Ingiriiska James Brokenshire oo su’aashaas ka jawaabay, ayaa sheegay in Ingiriisku heshiis aqbalaadeedka Midowga Yurub kula jiro waddamo ay ka mid yihiin Albania, Bosnia-Herzegovina, Macedonia, Georgia, Hong Kong, Macau, Moldova, Montenegro, Pakistan, Russia, Serbia, Sri Lanka, Turkey iyo Ukraine.

Heshiiskan Xukuumadda Ingiriisku sheegtay inay la wadaagto waddamo Somaliland ku jirto, isla markaana ka maqan tahay Soomaaliya, ayaa muujinaya mowqifka kala duwanaashahooda ay qabto, iyo ku kalsoonaanta xasiloonida buuxda ee waddamada caalamka ka jirta sida Somaliland.
Heshiiskan oo xukuumada Somaliland weli tafaasiil dheeraad ka ka bixin lana mid ah kuwo noociisa ah oo hore waddamo ay Itoobiya ka mid tahay la gashay, ayaa noqon kara mid soo jiita maalgashedayaasha caalamku inay ku soo dhiiradaan xasiloonida uu muujinayo awgeed, isla markaana noqonaya dood adag oo xukuumadda iyo shacabka Somaliland ku difaacaan madaxbanaanida dalkooda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment