Wednesday, October 29, 2014

Suldaan Maxamed oo ka hadlay muranka ka taagan Dhismaha Maktabadda Gandi oo ay ku guulaysatay Shirkadda Al-Xarbi

“Waxaan u arkaa arrinkaa mid khalad ah oo xaq-darro ah. Waxaan leeyahay guriyihii faraha badnaa ee shacabka Hargeysa ee Daaraha dhaadheer laga wada dhisay, maalin qudha cid ka hadashay ma jirto..” Suldaan guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir
Hargeysa, 29 Oct, 2014 (Himilo)- Suldaanka Guud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa sheegay inaanay habboonayn in laga qayliyo dhul dawladdu leedahay oo sifo sharci ah ay ku heshay Shirkad waddani ah, isla markaana wuxuu xusay in reer Faarax Xarbi ay deegaan ahaan weligood-ba ahaayeen reer Hargeysa, ee aanay ahayn reer Burco iyo reer Ceerigaabo toona.
MAXAMED CABDIQAADIRSuldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka hadlay muran ka dhashay dhulka ay hadda ku taallo Maktabadda Akhriska ee Gaandi ee Saldhigga dhexe ee Booliska ee badhtamaha magaalada Hargeysa dhinaciisa, oo hore u ahaan jirtay xaruntii Madbacadda xilligii Soomaaliya, kaasoo ay qandaraas ku heshay Shirkadda Al-xarbi. Suldaanka oo arrintaa ka hadlaya wuxuu sheegay, inay dawladdu xaq sharci u leedahay Maamulka dhulkeeda, isla markaana aanay habboonayn in qas iyo buuq laga abuuro baloodh dhul ah oo sifo sharci ah qof ku raacay.
Suldaanku hadal uu shalay warbaahinta siiyay oo uu arrinta dhulkaa kaga hadlay wuxuu ku bilaabay oo uu yidhi; “Had iyo jeer waxaynu aragnaa dhul dawladdu leedahay oo ay dad shacbi ah ka iibiso. Taariikhda reer Faarax Xarbi deegaan Burco iyo meel kale toona shaqo kumay lahayn, deegaankoodu waa Hargeysa. Guriyihii dawladda dadka ugu badan ee la siiyay ama laga iibiyay waa reerka Subeer Awal la yidhaahdo, weli maan arag cid ka daba qaylinaysa oo leh maxaa looga iibiyay halkaa, maxaa loo siiyay halkaa? Cidina kuma qabsato. Waxase la yaab leh waxa baloodhkan Maxkamadda sare dhismaha loogu dhisayo ee ay qandaraaska sharciga ah ku heshay Shirkadda Al-Xarbi looga daba qaylinayaa, illaa Wasiir illaa Biyatooni ay uga wadahadlayaan. Dadku miyay kala faddilan yihiin, dhulka miyaanay wada lahayn?.”
“Waxaan u arkaa arrinkaa mid khalad ah oo xaq-darro ah. Waxaan leeyahay guriyihii faraha badnaa ee shacabka Hargeysa ee Daaraha dhaadheer laga wada dhisay, maalin qudha cid ka hadashay ma jirto, cid baana badi qaadatay, loogama xuma, lagamana hadal, sidaa aawadeed maaha baloodh muwaaddin kale ku guulaystay in laga qayliyo. Waxa aannu ka war haynaa xitaa Wasiirradda Sacad-Muuse inay soo faro-geliyeen arrinta dhulkan yar ee Maxkamadda sare dhismaha loogu dhisayo ee Shirkadda Al-Xarbi tartanka Qandaraaska ku heshay.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed.
Suldaanku wuxuu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Xukuumadda waxaan leeyahay dadka ha u xaqsoorto, oo muwaadinka sifo sharci ah wax ku hela ha loo baneeyo dhulkiisa. Haddii Maktabad loo baahan yahayna, halkani waa dhul yare, dhulkii loogu talo galay ee Madaxweynuhu dhagax dhigay oo kan ku soo laba laamaya ha laga dhiso, anaga ayaa ka qayb-galayna oo dadka ayaa ka qayb-galaya, Gaandina Oday Taariikh leh buu ahaaye ha loo bixiyo magaciisa. Muran yar oo aanay Sakaaro ka biirsana laga wacan in la isu daba yaaco.”

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment