Tuesday, October 28, 2014

Xukumadda Somaliland Oo Meel Cad Iska Taagtay Khilaafka Kala Irdheeyey Golaha Wakiillada Dalka

Hargeysa:Oct,28,2014(Himilo)-Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horraysay Ka Hadashay Aragtideeda Ku aaddan khilaafka Golaha wakiillada somaliland labada garab u kala jabiyey.

aawadaWasiirka warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahi Cukuse oo Maanta la Hadlay Saxaafadda, ayaa sheegay in khilaafku Bani’aadamka dhexdiisa caadi yahay, balse loo baahan yahay in la dhemeeyo.

Wasiir Cukuse waxa uu sheegay inaanay wax lala yaabo ahayn in marka khilaaf dhaco cidi ay cid kale eedo u jeediso,

“Bani’aadamku sidiisaba khilaaaf ma waayo marka dani ka dhaxayso ee danta ka dhaxaysaa ay tahay dawladnimona Isqabadku wuu imanayaa, maanta isqabadku cidda uu dhexyaalla ee talada isku qabatay waa Golaha, waana wax iska dhacaa in midkood ku rafto oo marmarsiiyo u baadi doono, waana wax iska dhaca in laba kooxood oo kubad wada ciyaaraya in midkood yidhaadho siidhi walahaa naga eexday.”ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirka oo Hadalkiisa Sii Wata ayaa sheegay inaanay xukuumaddu ee waayeynin, maadaama ay tahay Garsoorihii wax dhexdhexadinayey ee dalka masuulka ka ahaa, waxana uu yidhi,

“Siidhi-walaha waa la maagaa xukuumadduna waa siidhi-wale, waxana ay meesha ka tahay masuul, waxan is hayaana waa qaybo kamid ah Dawladnimadeenii oo ku muransan arrimihii ka shaqayn jireen.”

Wasiir Cukuse waxa uu sheegay in Hadallada dhiillada leh ee Mudanayaasha qaarkood sheegeen aanay ahayn qaar jira, waxana uu soo jeediyey in Mudanayaasha Aqlabiyadda lihi ay mudan yihiin in la ixtiraamo, halka kuwa laga Badan yahayna uu usoo jeediyey inay is ururiyaan,

“Baqahan iyo cabsidan dadka la geliyey wax jira ma aha waxay taladeenu noqon doontaa sidii ayn u wax u dhamaysan jirney ee fiicnayd, Golahan waxanu leenahay sidii aad u shaqayn jirteen iyo aqlabiyadii aad isku ixtiraami jirteen iyo sidii aad isku Guddoomin jirteen isku ixtiraaama oo Kuwiina awoodda Badan ee muruqa weyni xoog aad ah ha sheeganina, kuwiina laga itaalka Roon yahayna Galgalashada iska daaya.” Ayuu yidhi Wasiir Cuksuse.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment