Saturday, October 25, 2014

Aragtida Guddoomiye Cirro ee Khilaafka Golihiisa, Xil-ka-qaadista Muxaafidku ugu hanjabay; Kala-qaybsanaanta Fadhiga Berri iyo Qorshaha Xildhibaannada lidka ku ahi la damacsan yihiin

“Ta Xil-ka-qaadista qof kasta Sharcigaa ka sarreeya....Suugaanta kuma wanaagsani, laakiin waxaan odhan lahaa; ‘Ma didee Hargooloow Ha igu tumin Durbaannada iyo Daasadaha Madhan.”Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro

“Annagu kama qayb-galayno, horena waannu u sheegnay..Intaanu Goluhu furmin baannu ka wada-hadli doonnaa inuu ka noqonayo khaladka uu sameeyey, Dembi-baaba loo haystaaye sidaabaannu Golaha ugu tagnaa...”Hoggaamiyaha Mudanayaasha Muxaafidka Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere: Waraysi Gaar Ah

Cirro_Cabdiraxmaan dheereHargeysa, 25 Oct, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay hanjabaad ay Xildhibaannada Muxaafidka ah ee Golahaasi u jeediyeen, isla markaana ku sheegeen inay Maamuuska ka xayuubin doonaan haddii Goluhu furmo iyadoon la dhammayn khilaaf cusub oo hadda ka dhex-taagan Mudanayaasha Mucaaradka iyo Muxaafidka ee Wakiillada, waxaanu sheegay in cid Sharciga ka wayni jirin, hase-yeeshee aanu ahayn nin si dhib yar lagu didsan karo.

Hase-yeeshee, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-Dheere) oo Wargeyska Himilo u warramay, ayaa sheegay inaanay ka qaybgeli doonin Fadhi aan caadi ahayn oo uu Guddoomiye Cirro sheegay in Goluhu Fadhi aan caadi ahayn Axadda toddobaadkan (Berri) ku ansixin doonaan waxa Xubnaha cusub ee Guddiga doorashooyinka Qaranka ee dhawaan la soo xulay.

Cabdiraxmaan-Cirro oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo shalay ay isaga iyo Guddoomiyeyaasha Xisbiyada KULMIYE iyo UCID iyo Guddoomiyaha Akaademiga Nabadda iyo Horumarinta Somaliland ka soo laabteen Socdaal shaqo oo ay ku tageen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuna soo mareen Addis Ababa, waxa lagu soo dhaweeyeey gelinkii dambe ee shalay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, halkaas oo uu Cirro kaga jawaabay su’aalo ay Weriyeyaashu ka weydiiyeen Khilaafka Golihiisa ka dhex-jira iyo hanjabaadda Xildhibaannada Muxaafidka ahi ay u soo jeediyeen, iyagoo ku eedeeyey Sharci-jebin, kuwaasoo uu halkaas kaga jawaabay.

Guddoomiye Cirro oo ugu horreyn ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey inay Xildhibaannada Muxaafidku ku eedeeyeen Sharci-jebin iyo inuu Xeerka Diiwaangelinta ee Wakiilladu ansixiyeen Koobbi aan ahayn u gudbiyey Guurtida sida ay Shir-guddoonka Guurtiduba caddeeyeen iyo waxa ku kellifay waxa uu yidhi; “Waxba kama jiraan eedahaas, Golayaashuna Shuruuc iyo Xeerar bay leeyihiin ay ku wada shaqeeyaan oo ay wax isugu gudbiyaan, Guddoomiyahana markii aan tegayey waannu isa sii aragnay, wax naga qaldanina ma jiro.”

“Waxa kale oo aan Saxaafadda ka maqlayay ugu yaraan saddex Jeer in Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiirro ay Xildhibaannada inay kula shireen guriga Madaxweyne Ku-xigeenka, waxaan isleeyahay eedahaa la soo jeediyey inkasta oo aan ka maqnaa halkaas baa lagu soo Wershadeeyey oo lagu soo sameeyey, eedo Goluhu leeyahayna maaha.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka jawaabayey Su’aal laga weydiiyey xil-ka-qaadista Xildhibaannada Muxaafidka ahi ugu hanjabeen waxa uu yidhi; “Xildhibaannada hadlay ee aad sheegayso ee aad tidhi waa Muxaafid iyo kuwa u jawaabay-ba waa Mudanayaashaydii Golaha Wakiillada, Anigaa Oday u ah, Golahana anigaa Oday u ah, Golaha dhexdiisa wixii yaalla ee isaga khuseeya gudihiisuu kaga wadahadli doonaa haddii doonaa haddii Illaahay ka dhigo.”

“Horta, Xilka-qaadistu hadday dariiq sharci ah soo marto waa arrin iska caadi ah, waxaanan odhan lahaa qof kasta Sharcigaa ka sarreeya ama aniga ha noqdo ama mid kale ha noqdee hadday timaaddo oo ay dariiq sharci ah soo marto dariiqeeda ayaa la marin doonaa. Suugaanta kuma wanaagsani, laakiin waxaan odhan lahaa; ‘Ma didee Hargooloow Ha igu tumin Durbaannada iyo Daasadaha Madhan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).

Waxaanu Cabdiraxmaan-Cirro oo la weydiiyey maaddaam oo uu sheegay in Axadda toddobaadkan la ansixin doono Xunbaha cusub ee Guddiga doorashooyinka oo uu hore u sheegay inaanay Madaxtooyadu shuruudaha looga baahan yahay qaarkood gaar ahaan kuwa khuseeya CV-yadooda aanay u soo gudbin, sida ay suuragal u tahay in la ansixiyo Axadda mar haddii Khilaaf Mudanayaasha kala qaybiyey uu ka dhex-jiro Golaha, waxa uu si kooban u yidhi; “Anigu Gole kala fadhiya iyo Khilaaf Xildhibaannada kala qaybiyey ma ogi, balse waxa jira Goluhu isagaa dhammaysanaya, Guddigana waa la ansixinayaa haddii Illaahay yidhaahdo.”

“Sidaad ka war-qabtaanna Goluhu wuxu iclaamiyey fadhi aan caadi ahayn in lagu ansixin doono, Berri waa fasax sida la ii sheegay, laakiin Axadda waxay noqon doontaa in la ansixiyo Xubnaha Guddiga doorashooyinka haddii Illaahay yidhaahdo Insha ALLAAH.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro.

Geesta kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Calin (Cabdiraxmaan-Dheere) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, isla markaana Hoggaaminaya Xildhibaannada Mucaaradka ah ee sheegay inay Maamuus-ka-xayuubinta ku samaynayaan Guddoomiyaha Golahaas Cabdiraxmaan-Cirro haddii uu Golaha furo iyagoon ka heshiinnin Sharci-darrada ay ku eedeeyeen inuu ku kacay ee Xeerka uu u gudbiyey Guurtida mid aan ahayn kii ay Wakiilladu ansixiyeen, ayaa Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo ka waraystay waxa ay yeelayaan haddii fadhigu furmo sida Guddoomiyuhu sheegay Axadda si loo ansixiyo Guddiga cusub ee Doorashooyinka.

Waxaanu ku dooday Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere inaanay ka qaybgeli doonin fadhiga aan caadiga ahayn ee Guddoomiye Cirro isugu yeedhay in Mudanayaasha Golaha Wakiilladu yeeshaan, waxaanu yidhi; “Mawaadiicda uu ugu yeedhay markii uu Golaha Xidhayey way horyaalleen labaduba….. weji-gabaxii xeerkan uu sameeyey kaga soo baxay ayuun buu iskaga biinayaa ee waxaan kuu sheegayaa inaanay jirin wax macno ah oo uu xambaarsan yahay. Annagu kama qayb-galayno Fadhiga, horena waannu u sheegnay.”

“Intaanu Goluhu furmin baannu ka wada-hadli doonnaa inuu ka noqonayo khaladka uu sameeyey ee Fadhiga Golaha kaga wada-hadli mayno ee bannaanka ayaannu kaga wada-hadlaynaa, waayo? Dembi-baaba loo haystaa ee side baannu Golaha ugu tagnaa?.” Sidaa ayuu yidhi oo uu hadalkiisa sii raaciyey Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheer.

Waxaanu Cabdiraxmaan-Dheere intaas ku ladhay; “Annagu been iibin mayno, waxaannu ka hadlaynaa wax caalamka oo dhami ogyahay, xeerkanna Afar cishaa laga doodayey waana loo codeeyey ee isagaa sheegi doona halkuu ka keenay waxan uu gudbiyey (Nuqulka Xeerka Guurtida loo gudbiyey).”

“Annagu xeer iyo hawl-shaqo ayaannu ka hadlaynaa, maxaa Madaxtooyada-ba keenay.? Madaxtooyadu waa ta lagu eedayno, isaguna (Guddoomiye Cirro) uu lahaa taas. Laakiin, annagu waxaannu ka hadlaynaa wax Golaha ka dhacay oo aan is-qarinayn oo soo bixi doona, isagaa looga joogaa wuxuu kaga jawaabi doonao inuu ka noqonayo iyo in kale, markaasay annaga noo taallaa tallaabada aannu qaadi doonnaa.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro.

Mar la weydiiyey Xildhibaanka cidda dembiga ay ku eedeeyeen ka qaadaysa ay u haystaan Guddoomiyaha iyo waxa qorshohoodu yahay maaddaama oo ay taagan yihiin Muxaafid ahaan, waxa uu yidhi; “Annagaa ka qaadayna haddii uu diido inuu ka noqdo. Marka uu fadhiga Goluhu 8-da bisha soo socoto ayaannu sugi doonnaa ama fadhi aan caadi ahayn oo deg-deg ah baannu isugu yeedhi doonnaa intaannu fadhigu furmin annaga oo Kooramkii hayna, laakiin marka hore maslaxad baannu ku dayaynaa.”

Gebo-gabadii, Xildhibaan Cabdiraxmaan-Dheere oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey cidda awoodda u leh ee fadhi aan caadi ahayn isugu yeedhi karta Mudaneyaasha Golaha Wakiillada, waxa uu yidhi, “Kooram-baa furi kara, saddex-meelood meel ka mid ah Xildhibaannada ayaa dalban kara, 27 xubnood baa saxeexi in laysugu yeedho Golaha.”

Himilomedia.com

No comments:

Post a Comment