Thursday, October 23, 2014

Weerar Dablay Hubaysani Ku Qaadday Xarunta Baarlamaanka Canada Oo Khasaare Keenay

Ottowa:Oct,23,2014(Himilo)-Tiro dablay ah oo aad u Hubaysan, ayaa weerar maalintii shalay weerar ku qaadday Xarunta Baarlamaanka Dalka Canada eek u taalla Magaalada Ottowa, waxana weerarkaas ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

paraTirada dablayda ah ee weerarkaas qaadday si rasmi ah looma hayo wali, waxase ay Boolisku sheegeen inay mid kamid dileen, halka loo malaynayo inay tiro kale aanay wali gacantooda soo gelin, waxana Goobtaas lagu dilay Askari ku sugnaa goob aan ka fogayn xarunta la weeraray.

Afhayeen u hadlay ciidamada Booliska ayaa sheegay in xaaladu degen tahay isla markaana ay ciidamada howlgalo wadaan, waxana uuFalkani dhacay saacado kadib markii ay dowlada Canada sare u qaaday ammaankeeda kadib markii uu Isniintii nin soo islaamay uu diley askari Canadian ah.

Dowlada Canada ayaa horaantii bishii hore waxa ay ku dhowaaqday in ay qorsheynayso in ay ku biirto huwanta uu hogaamiyo Maraykanka kuwaasoo duqeyn xagga cirka ah ku haya IS.

Laakiin ma jiro illaa iyo hadda wax cad oo ku xidhiidhinaya falka dhacay ololaha ka dhanka IS. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay arkeen qof dhar madow oo xidhan oo ka soo degey gaadhi yar watayna qori dheer waxaana uu ninkan ku soo dhex cararay baarlamaanka kadibna rasaas ayaa la maqlay.

Sida ay daabacday wakaalada wararka ee Reuters Ra’iisal wasaare Stephen Harper ayaa khudbad a jeedinayay baarlamaanka markii uu weerarku dhacay.

Afhayeen u hadlay dowlada ayaa sheegay in uu ra’iisal wasaaruhu uu bedqabo uuna ka baxay baarlamaanka isagoo caadi ah.

 

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment