Hargeysa, Oct 28, 2014 (Himilo)- Guddoomiye-ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa ka hadlay khilaafka sharci ee mudaneyaasha Golaha Wakiilladda labada garab u kala jabiyey, waxaanu masuuliyadda khaladka sharci ee jira dusha u saaray Guddoomiyaha Golaha Wakillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Baashe Maxamed Faarax oo arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Sagaal qodob ayaa ka Beddelan xeerka Goluhu ansixiyey, waxa qudha ee Goluhu isku Haysaana waxa Weeye mar haddii Goluhu codeeyo qof jecel iyo qof neceb ba wixii Goluhu ansixiyey In Guurtida loo Gudbiyo, waxa kaliya ee Guddoomiye Cabdiraxmaan Laga Sugayaana waa in Wixii Golahaasi gudbiyey waxna inaan lagu darin waxna Laga Dhimin.”
Guddoomiye Baashe waxa uu ku dooday inaanay jirin cid ku shaqaysanaysa oo dabada ka riixaysa xildhibaannada ka soo horjeeda Guddoomiye Cirro, waxaanu ku gooddiyey inaanay wax shaqo ah qaban-doonin ilaa laga suulinayo khilaafka jira.
“Komishanbaa la hortaagan yahay iyo Madaxtooyaa soo dhex gashay midna waxba kama jiraan, Komishankana lama diiddana laakiin waa in khilaafkii Golaha meel la isla dhigaa ilaa khilaafkaa Meel la dhigana Goluhu wax uu ansaxinayaa ma jiraan. Haddana fasax buu Goluhu galay ilaa Bishan Siddedeeda inta ka horraysana wax shaqo ah lama qabanayo, Cid ka dhex-dhexaadin karta iyo qof kale oo ka Hadli karaana ma jiraan,” ayuu yidhi Guddoomiye Baashe.
Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax oo daba-socday baaq ay xildhibaannada Mucaaradka ee Golaha Wakiilladu ugu direen dorraad bulshada Caalamka iyo qaadhaan-bixiyeyaasha doorashada ka taageera Somaliland inay soo fara-geliyaan arrimaha Siyaasadda ee dalka, waxa uu mudaneyaashaas dhawaaqani ka soo baxay ku eedeeyey inay meel kaga dhaceen shuruucda dalka, isla markaana uu Golahoodu tallaabada ku habboon ka qaadi doono.
“Somaliland farogelin laguma samaynayo Xildhibaanada yidhi AMISOM hanoo timaaddo iyo Xasan Sheekh hannagu soo duulo wax laga aqbalyo midna ma aha waana Qaran-dumis ninkii ku hadla Somaliland hala keeno AMISOM iyo raggii yidhina Goluhu tallaabo ayuu ka qaadi doonaa,” sidaas ayuu yidhi Md Baashe Maxamed Faarax.
Dhinaca kale, kulanka Qado ah oo shalay ay isugu yimaaddeen Xildhibaannada ka soo horjeeda Guddoomiye Cirro oo tiradooda lagu sheegay 45 Mudane oo ay weheliyaan labada guddoomiye ku-xigeenka ee Golaha Wakiillada, ayaa u muuqday kulan dhoola-tus ah oo lagu muujinayey awoodda xildhibaannada Muxaafadka ah, waxaana shalay goob-joog ka ahaa xildhibaanno lagu tirinayey garabka Guddoomiye Cirro oo kulankaas qadada ah ka qayb-galay.
Fadhi aan caadi ahayn oo Golaha Wakiilladu yeeshay maalintii Axadda ayaa u qabsoomi waayey Kooram la’aan, ka dib markii ay ka soo qayb-gali waayeen mudaneyaasha Muxaafadka ah ee golahaas, iyada oo qorshuhu ahaa in lagu ansixiyo Komishanka Doorashooyinka cusub, haseyeeshee Guddoomiye Cirro ayaa soo xidhay fadhigaas aan caadi ahayn muddo laba maalmood ah oo ku eg maalinta Berri ee Arbacada oo sidoo kale ku beegan taariikhda ay ku eegtahay muddo-xileedka komishankii hore ee doorashooyinka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment