Sunday, October 26, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Saaka Xadhigga Ka Jaray Dhisme Cusub Oo Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Loo Dhisay

Hargeysa:Oct,26,2014(Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(siilaany), ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub oo loo hirgeliyey Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland.

bidDhismahan oo laba dabaq ka koobnaa, ayaa waxa munaasibadda xadhiga lagaga jarayey ka soo qaybgalay Wasiirro, Xildhibaanno, iyo madaxda wasaaradda Xannaanada Xoolaha waxana loo arkaa inay wasaaraddu kaga Bixi doonto Baahiyihii ay ka qabtay dhinaca xafiisyada.

Madaxweynaha oo Xafiis walba oo ka mida dhismaha cusub soo kormeeray ayaa waxa uu ku amaanay wasiirka wasaaradda Xanaanada xoolaha iyo dhamaan madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda, sida sharafta iyo xilkasnimada leh ee ay uga qaybqateen sidii ay u heli lahaayeen dhisme sidan oo kale u qurux badan iyo shaqaale tayeysan oo ay ka muuqato haybadii shaqaalenimo sida maanta idinka muuqata ee aad heegan ka ugu tihiin wasaaradda.

Intaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu soo gaadhay goobtii loo asteeyey in xaflada furitaanku ka qabsoonto halkaasi oo ahayd meel aad loo qurxiyey kana duwanayd xafladihii hore ee sidan oo kale ahaa iyada oo madaxweynaha lagu soo dhaweeyey caano geel dhay ah, kuwaasi oo dhamaan martidii goobtaasi joogtay lagu casuumay halka maanta aan goobtaasi lagu arag buskud, Keeg, Nacnac, Saanbuuse IWM toona.

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment