Eebbe Naxariistiisa Janno ha ugu deeqee Cali Xasan Aw Aadan (Banfas), waxa uu sannadkii 1948-kii ku dhashay tuulada Dhaboolaq oo ku taala duleedka Galbeed ee Hargeysa. Waxa uu Marxuuku ku barbaaray Magaalada Hargeysa oo waxbarashada aasaasiga ah, ilaa Dugsiga Sare ku dhamaystey sanadkii 1969-kii.
Sanadkii 1967-kii waxa uu hormoodka ahaa bannaan-bixii ardaydu kaga hortageen dawladdii wakhtigaasi ee Muqdisho looga talinayey. Wakhtigaas waxa jiray urur ay samaysteen ardayda dugsiyadu, oo la odhan jiray Ururka Ardayda Soomaaliyeed (Somali Students Association—SSA), waxaana ay Cali Xasan u doorteen gudoomiye. Ururku waxa uu ku guulaystey inay dawladdu dhisto Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay ku doodeen iyagoo bannaaan baxa dhigaya in caasimaddii dalka ee labaad ee wakhtigaas ay khalad tahay in aanay dugsi sare lahayn oo ay keentey dib u dhac xaga tacliinta ah. Markii ay dugsiyada hoose dhamaysteen ardaydu ayey taasi u halgameen in dugsiga Sare loo dhiso Hargeysa. Wakhtigaasi Cali Xasan aad buu u da’a yaraa. Waana hawshii u horeysay ee xaga halganka ee uu ku dhaqaaqay. Laba sanadood ayey dugsiga Axmed Guray ku dhigteen, kadibna waxay usoo wareegeen dugsiga Sare ee Faarax Oomaar oo markaasi gacanta laga qaaday. Dhirta dugsigaasi ku dhex beeran ee Gobka ah, waxaa beeray ardaydii ugu horeysay ee gashay wakhtigaasi. Iyada oo uu Cali Xasan gacantiisa beeray Geedka weyn ee gobka ah ee badhtamaha dugsiga Faarax Oomaar ku yaala. Waxaana jirta in markii uu ninka weyn noqdey isagoo macalin ah uu geedkaasi midhaha ka guran jiray wakhtiyadii uu macalinka ka ahaa dugsiga Faarax Oomaar sideetamaadkii.
Markii uu dhamaystey tacliinta dugsiga Sare waxa uu u wareegay Cali Xasan dhinaca magaalada Muqdisho oo uu Jaamacadda Lafoole galay. Markii uu jaamacada ka baxay ayuu noqdey macalin Jaamici ah, dugsiyadii magaalada Muqdisho ayaanu ka bilaabay shaqada, sida Dugsigii la odhan jiray Macalin Jaamac oo uu bare ka noqdey 1972-kii. Intii uu Koonfurta Soomaaliya joogay isagoo dhalinyaro ah, waxyaabaha uu ka hawlgalay waxaa kamid ahaa ololihii Af-Soomaaliga oo uu ka shaqeeyey deegaanka Jubooyinka. Halkaas oo uu daraasado ka sameeyey dhaqanka bulshooyinkii deegaankaas ku noolaa.

Haddii aan gabaygaasi wax ka soo qaatey, tuducyada ugu danbeeya ayuu kaga hadlayaa in doonista bulshada ee madaxdooda guud ay qaar kale boobaan xukunka iyagoo xoog ku qabsanaya. Sidoo kale waxa uu kaga hadley in Maxamed X. Ibraahim Cigaal oo xabsiga ku jiray uu dulmi ku xidhan yahay, isagoo u saadaaliyey in nolol wanaagsan iyo madaxtinimadiisii soo noqon doonto, mar uun. Waxaana ka mid ahaa tuducyadii ugu danbeeyey ee gabaygaasi sidan:
• Marbaa dawlad madaxdeeda guud ee shicibku doonaayo;
• Darkale uuni boobaan ooy dabarogaayaane;
• Dulmi baad ku joogtaa xabsiga Maxamed Deyrowe;
• Haka quusan way kuu danbeyn nolol diraaceede.
Kalmadahaasi uu adeegsadey ee gabaygaasi Adduunyo ugu danbeeyaa waxay ahaayeen kuwo aan wakhtigaasi afkaba la soo marin karaynin oo in xadhigga Ina Cigaal khaladyahay aan laba soo hadal qaadi kari jirinba. Marka aan wax ka weydiiyeyna wuxuu ii sheegay inuu si cad ula badheedhay oo uu cajaladaha ku duubay, dad badanina dhagaysan jireen iyagoo baqanaya. Balse xukuumaddii milateriga ahayd, may xidhin, sababtoo ah, wax dareen kacdoon iyo mid mucaaradeedba wakhtigaasi muu muuqan.
Intaa kadib ayaa sanadkii 1976-kii waxaa dalkii Soomaaliya laga qabtey barnaamij xagga suugaanta iyo fanka ahaa oo marka magaca la soo gaabiyo la odhan jiray: (Bandhiga Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed, oo loo soo gaabiyo BANFAS). Wixii maalintaa ka danbeeyey waxaa loogu magac daray tartankii uu ku guulaystey iyadoo magaciisii noqdey (Cali-Banfas). Hadaba tartankii xagga gabayada oo ay ka soo qaybgaleen dad tiro badani ayaa Cali Xasan Aadan uu ku guulaystey kaalinta 1aad, isagoo tiriyey gabayga layidhaahdo Dhool Gu’. Gabaygaasi oo aad u dheeraa waxa uu ka hadleyey wadaniyadda iyo baraarujinta bulshadu inay tabcanto. Abwaanadii kaalmaha hore ka galay tartankaas ee isaga kusoo xigay waxay kala ahaayeen: Cabdiqaadir Xirsi Yamyam, Muuse Cali Faruur iyo Cabdile Raage. Sidoo kale gabayga Gelbis oo ku saabsan guurka Soomaalida, ayaa isna uu kusoo bandhigay tartankaasi qaybtiisii xaga gabayada, isla taasna gabaygiisa Gelbis baa kaalinta 1aad galay, walow wixii koobka lagu kala qaaday uu ahaa gabayga Dhoolgu oo aan qoraal ku hayo.
Hadaba, markii la soo gaadhay xornimadii Jabuuti, ayaa Cali Xasan uu bilaabay kacdoonka xornimo doonka. Gabaygii uu Jabuuti u tiriyey oo uu fagaaraha xoriyada ee dalkaasi Jabuuti uu ka tiriyey ayuu ku soo gabagabeeyey tuducyada ah:
• Billaddii shantii gees labbaa baylahoo maqane;
• Balankeenu waa wada jir iyo baadi doon tagga’e;
• Ama buur ahaada oo iskiin madax banaanada;
• Ama buur ku tiirsada inaan nacab ku soo boobin.
Tuduca ah: “Billadii shantii gees labaa baylahoo maqanne”, macnaha tuduca waxa weeye: Bilad ama astaanta shan geesta ah, ama xidigta shanta gees leh in laba kamid ahi ay maqan yihiin. Taas oo macnaheedu yahay in Shantii Soomaaliyeed ay 3 xoroobeen kuwaas oo kala ah: Hargeysa, Muqdisho iyo Jabuuti halka ay 2 kamid ahina maqan yihiin ama aanay helin xoriyadoodii, kuwaas oo kala ah: Soomaalidii Kenya ama (NFD) iyo Soomaalida Itoobiya. Sidoo kale tuduca ku xigaa waxa uu leeyahay haddii la isla helo shantii Soomaaliyeed inay wanaagsantahay, haddii kalena inay xoriyadooda haystaan ayuu ugu tilmaamay labada tuduc ee ugu danbeeya.
Markasta Cali Xasan wuxuu abwaanada wakhtigaasi kaga duwanaa isagoo bulshada ku baraarujinayey qiimaha ay qaranimadu leedahay iyo tuuristeedii sidii ay u khaldanayd. Waxaana uu gabayadiisa halganka dhamaantoodba saldhig uga dhigay in dhibaatada Soomaalida dhex taallaa ay ku biyo shubanayso tuuristii qaranimadii Somaliland ee 1960-kii lagu bedeshay doonista Shan Soomaaliyeed. Abwaanada halgankii ka gabyey kuwooda ugu miisaanka culusi waxay qabeen aragti ku saabsan in halganku ku ekaado taliska Siyaad Barre, waxaanay mudo dheer qabeen tabasho ah in halganku wado khaldan qaaday. Isaga Cali Xasan waxa uu kaga hadley gabayadiisa in qaybaha Soomaaliyeed halkooda kala joogaan oo nolosha ay halkooda ka soo dhistaan, dawladnimadana bartaan, oo walaaltinimadu ay ka dhaxayso. Midowgii Hargeysa iyo Muqdisho inuu ahaa mid degdeg iyo caadifad ku dhisan buu tilmaamay wakhtigaasi oo aan arintaasi dadku maankaba ku haynin. Aragtidiisu waxay ahayd in “Waqooyi” xornimadiisa dib u qaato, haddiise la cabudhiyo aragtidaasi oo la cadaadiyo inay taasi dhali doonto qarax Soomaali oodhan saamaaya. Sababtuna ay tahay in dalkii Soomaaliyeed ee dhabta ahaa aanuu ahayn Waqooyi iyo Koonfur oo qudha ee ama uu yahay Shanta Soomaaliyeed oo meel qudha ku midooba ama uu yahay Shantooda oo midiba halkeeda wax ku noqoto. Waxaana uu si qoto dheer uu u yaqaanay dhaqanka Soomaalida ee ku dhisan geel qaadka iyo talo kala maroorsiga. In waxa loo yaqaano: (building blocks) ay ku wanaagsanayd oo horta aqoontooda dawladnimo iyo kasbashadu ay korodho.
Gabayga Duufaan ee uu tiriyey bilowgii sanadka 1980 waxaa kamid ah: “dal ma jiree Soomaali waa dabargo’eediiye; Dembi calanka lama saarayoo madhay dadkiisiiye”. Macnuhuna uu yahay in waxan dalkii Soomaalidu lahayd lagu sheegayaa aanuu ahayn, sababta oo ah, in Soomaalidu oo dhami ay Hargeysa iyo Muqdisho isugu soo ururto oo is dulbuuxiso dadkii deegaanka ahaana la baro bixiyaa aanay wadaniyadu ahayn, ee qayb waliba u halganto inay keento dalkeedii, xeedhadana wax lagu soo wada rito iyadoo loo siman yahayna la isugu yimaado. Sidoo kale dadkii calanka u soo halgamay ay wakhtigaasi badidoodii dhamaadeen, oo aragtidoodii halgankuna weecatey, balse xornimada iyo calanka la qaatey aanay dembi lahayn. Halka sartu ka xumaatey ay ahayd iyadoo Soomaalida oo dhaqan u leh in biyaha iyo geela ay kala qaado, ay dawladnimadii iyo midowgiiba loo arkay sidii hanti la qaadey oo kale halkii la iskaga ixtiraami lahaa, lagana shidaal qaadan lahaa sidii ay reer Waqooyigu yeeleen in lagu daydo. Haddii aan la heli kareynina in walaalaha waqooyi talada lagu soo celiyo waxa la yeeli doono, ileyn Somaliland dal jira iyadoo Soomaalida kale dal ahaan u jirin ayey ahayde. Waxaanan Cali Xasan waxka waydiiyey marar badan, in dadku fikirkaasi qabeen iyo inkale isagoo ii xaqiijiyey in bulshada inteeda badani ahayd arintaasi ka dhukannaa, xaqiiqadana ka indho la’aa.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment