Hoggaamiyayaasha saddexda Xisbi-qaran, ayaa markii ay soo degeen la Hadlay Saxaafadda, waxana ay sheegeen inay kulamo la qaateen Deeq Bixiya-yaasha somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka, waxana ay tilmaameen inay isku afgarteen muhiimadda ay leedahay inaanay doorashadu dib udhicin.Hoggaamiyaashan ayaa sheegay inay la Kulmeen Deeq bixiyayaal ay ka go’an tahay sidii somaliland looga qaban lahaa doorasho muddadii ay u astaysnayd ku dhacdo, kuwaas oo aan raali ka ahayn inay doorashadu dib u dhacdo.
Waxa ay Hoggaamiyayaashu si wada jir ah dareen fiican uga muujiyeen inay doorashadu xilligeeda ku qabsoomi doonto, inkastoo ay hore uga kala qabsanaanyeen inay doorasho aan dibi u dhicine qabsoomi doonto.
Hoggaamiyaha Xisbiga waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo ka Hadlay aragtidiida ku aaddan dib u dhaca Guurtidu ku samaysay Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo Muwaadiniinta, ayaa sheegay inaanay wax dhibaato ahi jirin, isla-markaana uu dhamayn doono wixii khilaaf ah ee Haatan Golaha Dhexdooda ka taagan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment