Friday, October 24, 2014

Qofkii 4-aad Ee Xanuunka Ebolaha Qaba Oo Lagu Arkay Maraykanka

New York:Oct,24,2014(Himilo)-Qofkii Afraad ee qaba xanuunka Ebola, ayaa lagu arkay dalka Maraykanka, waxana la sheegay inuu yahay Nin Dhakhtar ahaa oo dhawaan daaweeyey dad xanuunkan qaba.

garaiDhakhtarka oo lagu magacaabo Graig Spencer ayaa baadhitaano bilow ah oo lagu sameeyey ay muujiyeen inuu cudurku hayo,Baadhista ayaa ka dhacday cusbitaalka Bellevue ee gobolka New Yorking.

Xarunta ka hortaga iyo xakameynta cudurada ee (CDC) ayaa waxay sameeyn doontaa baadhitaankii labaad si ay si buuxda ugu cadeeyso natiijada baadhista.

Gelinkii hore ee shalay oo khamiis ahayd ayaa Dr. Spencer uu ku wargeliyay ha’yadda dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn oo uu uga shaqeynayay dalka Guinea in uu isku arkay qandho badan iyo lalabo oo labaduba ka mid ah astaamaha cudurka Ebola.

Saraakiil ka tirsan gobolka New York ayaa sheegay in Dr. Spencer uu arbacadii raacay tareen, isla markaana uu taksi u qaatay gurigiisa. Saraakiisha ayaa raadinaya cid kasta oo xidhiidh la sameysay dhakhtarka.

Dr. Spencer wuxuu noqonayaa qofkii afraad ee laga helo cudurka isagoo ku sugan gudaha dalka Maraykanka.

 

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment