
Xildhibaan Tukaale waxa uu ku dooday in ka been-abuuray hadalka Xildhibaannada mucaaradka ah, isla markaana ay shir-guddoon ahaan iyagoo xaqiiqadu waxa ay tahay garanaya ay majaro-habaabiyeen ismaan-dhaafka ka dhex-jira golahooda, waxaanu sheegay inay shir-guddoonka Md Baashe ka mid yahay loo gudbiyey Nuqulka xeerka golaha guurtida loo gudbiyey.
“Golaha Wakiillada marka laga doodayo Xeerarka, waxa jira Innamo xoghayn ah oo ninka kasta oo hadla (mudaneyaasha) codkiisii oo duuban baa la hayaa. Labada shir-guddoon ee ku-xigeennada mid waliba wuu haystaa nuqulkii (Xeerka) ee loo gudbiyey Golaha Guurtida si ay faylkooda u gashadaan, wixii ay xalay (habeen hore) ku hadlayeenna waad arkayseen,” sidaas waxa yidhi Xildhibaan Tukaale oo shalay warbaahinta kula hadlay shir-jaraa’id oo xildhibaano ka tirsan xisbiga Waddani ku difaaceen guddoomiyaha Golaha Wakilllada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo xildibaannada Muxaafidka ah ee Golahaasi ku eedeeyeen inuu Guurtida u gudbiyey xeer ka duwan Xeerkii Diiwaangelinta ee Wakiilladu ansixiyeen.
Xildhibaan Bashiir Tukaale waxa uu si qaawan u weeraray shakhsiyadda Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa; “Odayga Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Baashe AMISOM iyo Odayga madaxweynaha ka ah Koonfurta, ayuu dhowr jeer ku-cel-celiyey. Odayga wax kale odhan maayee, Barigii uu soo galayey Golaha Wakiillada wuxuu igu yidhi Boqol Dollar baa igaga baxay doorashada Golaha Wakiillada, boqolkaasina nin Kulmiye ka tirsan ayaa ka sii bixiyey isaga oo maqan. Laba cisho markii ay ka hadhay doorashadii guddoomiyeyaasha, ayuu diyaaradda ka soo dagay,” ayuu yidh Bashiir Tukaale.
Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray oo yidhi, “Markaa waxaan leeyahay, adeer adigoo bakhtiyaanasiib helay dadka inaad sidaa usii wareeriso maaha adigoon dadkaagii la joogin oo xataa kuwa gobolkaaga ee halkan jooga aan ka war-haynin, kuwa xaggaas (Sool) jooga iska daayoo, wuxuu xataa neceb yahay kuwa Somaliland-tu dhab ka tahay oo waanu ognahay. Markaa, waxaanu ku leenahay bakhtiyaanasiib ayaad heshay oo balaayo aanu oggolnahay ayaad tahaye iska shaqayso.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment